Monday May 23rd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Rashidow Hadal Duurxul ahi, waxba tari maayo maanta, Somaliland waxaad ka khasaarisay 7-Toddoba Sanno iyo xoolo tiro badan.

0
Wednesday March 30, 2022 - 20:38:21 in Maqaallo
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rashidow Hadal Duurxul ahi, waxba tari maayo maanta, Somaliland waxaad ka khasaarisay 7-Toddoba Sanno iyo xoolo tiro badan.

    Rashidow Hadal Duurxul ahi, waxba tari maayo maanta, Somaliland waxaad ka khasaarisay 7-Toddoba Sanno iyo xoolo tiro badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rashidow Hadal Duurxul ahi, waxba tari maayo maanta, Somaliland waxaad ka khasaarisay 7-Toddoba Sanno iyo xoolo tiro badan.
Run ahaantii Salaad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaa, wax qabadka Dimplomaasiyadda
iyo Xidhiidhka caalamiga ahi wuxuu u baahan
yahay Xeel iyo Xodxodasho, taas ayay dadka qaarkood ugu hungoobaan inay Saaxiibo ku
yeeshaan Saaxadda Siyaasadda. Rashid Garuf markii loo magacaabay Wakiilka
Somaliland ee Washington D.C. waxa laga sugayey inuu ku dhaqaaqo xeeladdo
siyaasadeed iyo inuu iib geeyo mawqifka Somaliland oo uu kasbado Saaxiibo ay Somaliland yeelato. Nasiibdarro weeye inuu
qirto inuu hal saaxiib soo hoyn kari waayo, wuu ku hungoobay inuu sii wado Diblomaasiyaddii Sacad iyo Hanaankii Somaliland mission ee Washington D.C. Wuxuu ku foofay Danihiisa gaarka ah. waxa uu garan waayay meel uu wax ka bilaabo. Wuxuu ka dhigay Shaqadii
wakiilnimo part-time job iyo inuu dhowr xaraf ku soo qoro facebook iyo social media. Somaliland waxa ku habsadey inay lumiso fursado badan,niyad jab weyni waxa uu ku yimid Jaaliyaddii washington D.C. oo uu u arkay


inay Shaqadiisa hor istaagayaan.Taas ayaa keentay in ay Somaliland weydo fursadii Dual
track support oo ay Somalia ka faa'ideysato fursadaa isla markaana ay u hirgasho in
dawladdii Somalia loo arko mid kaliya. Rashid wuxuu maanta ka ladi waayay Guulihii
uu ka seexday oo la hirgaliyey iyo Xeeladihii uu garan waayay in farsamo lagu keeno, waa
Nasiib darro inuu la shir yimaado maanta Somaliland waxay $25000/Bishii ku bixisaa
Xafiis u ololeeya Danaha Somaliland. Mar haddii uu Rashid doortay inuu hadlo, oo
uu isqarrin waayay, mar hadduu lumiyey Fursaddii 7 sanno oo aan soo laabanayn, waxa waajib ah in lala xisaabtamo oo la yidhaa:
Maxaad qabatay 7dii sanno ee aad Somaliland ka lumisay !? Sidee bay u dhacday, in Shaqadda Wakiilka Somaliland ee culus aad ka
dhigto mid par-time ah, marka wax lagaa weydiiyana aad tidhaa "Anigu Shaqo full time ah ayaan haystaa !". Markaa shaqadii Xafiiska Somaliland ee D.C. ay noqoto mid adiga kuu ah Part-time job aad lacag ku qaadato, hawshii dalka iyo dadkuna ay lunto. Taasi waxay ahayd
guuldarradii ugu weynayd ee Somaliland ku dhacda in laga faa'ideysan waayo wakhti aan la Aqoonsaneyn Dawlad Muqdisho ka jirta. Waxay

ahayd fursad qaali ah oo aan laga faa'ideysan, Masuulna waxa ka ah Rashid Garuf oo aan
Tacab gelin,hawshiina gabay.

Rashid wuxuu soo kireeyay Xafiiska Somaliland mission, wuxuuna la shir yimid inay ku baxday
$200,000 oo ay Dawladdu bixiso. Xafiiskaasi wax dhaqdhaqaaqa oo ka socday ma jirin, wax
olole ahna ma jirin, in ay cid kale caawisana ma ogoleyn taas ayaana keentay in Mareykanku uu
laalo Barnaamijkii Dual track, markii la waayay cid dood ka keenta oo u hadasha Somaliland.
Waa xaqiiqda jirta ee aanay ogeyn dadka reer Somaliland. waxa Rashid la arki jiray 18ka May
iyo marka uu Mareykan wasiir yimaado kaliya -

Haddaan Been ka sheegayo, Jaaliyadda kale ha la wareysto.
Shalay markii aad kursiga ku fadhiday, haddii aad hawshii laguu xilsaaray aad ku fashilantay, maanta Hadal duurxul ahi waxba tari maayo,
Falaadhina gilgilasho kuma baxdo. Dhaqdhaqaaqa bilaabmay waa mid marwalba
furan oo u baahan tab iyo xeel siyaasadeed aad adigu ka seexatay wakhtigaagii. Hawsha
iyo dedaalka Somaliland sugayaa ka weyn Partime job. Fadhi iyo Fuud yicibeed la
isku waa !.
Abdi Ismail, Washington D.C
Hamed98@yahoo.com
Halkan Ka Daawo: Aniga dhibta laygu haysta dad hurda baan toosiyey weeyi ..' Ex Maayir Muraad
Halkan Ka Daawo:"Xaqiiqada QARSOON Ee Xaalada Abaared Ee Ka Jirta Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo:Rajo Intee Leeg Ayaa Laga Qaba In Biyo Macaan Laga Hello RIIGA Deegaanka Shansha-Cade,
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
WAREYSIYO