Monday May 23rd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

XOG-Qaar Kamida Eedaymaha Dul-hoganaya Maayirka BURCO iyo Khilaafka Qarsoon Ee Ragaadiyey Maamulka Dawlada Hoose Ee BURCO

0
Friday April 08, 2022 - 11:15:06 in Wararka
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG-Qaar Kamida Eedaymaha Dul-hoganaya Maayirka BURCO iyo Khilaafka Qarsoon Ee Ragaadiyey Maamulka Dawlada Hoose Ee BURCO

    Dooda Ka Dhalatay Xeerka Midaynta Cashuuraha somaliland Ee X-12 Ayaa Maalmihii U Danbeeyey Cirka Iska Shureertay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dooda Ka Dhalatay Xeerka Midaynta Cashuuraha somaliland Ee X-12 Ayaa Maalmihii U Danbeeyey Cirka Iska Shureertay,
Waxaana Socda Olole Balaadhan oo ay wadaan qaar kamida xildhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doortay Gobolada,TOGDHEER,AWDAL IYO SANAAG,kuwaas oo wada mooshin golaha lagu hor keenaayo xeerka midaynta cashuuraha si kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo.

Maayirka berbera cabdi shakuur Cidin ayaa miiska soo saaray qadiyad adag Oo somaliland ka gudubtay 1991kii,Waxaanu sheegay in furista xeerkaasi sababayso inay berbera Ay samaysato jid-gooyo,isaga shacabka dhegaha ugu riday weedho kicin dadweyne ah,


Dhanka kale Degmada burco oo Udub-dhexaad u Ahayd Qadiyada Furista Xeerkan,lagana filaayey inay noqoto Gobolka Ugu Horeeya Ee Taageera Furista Xeerkan,Ayaa Wakhtigan ka gaabsatay dhawaaqa Dhiilada leh ee kasoo yeedhay maayirka BERBERA,
Waxaana Isha Lagu Hayey Qaabkuu Uga Fal-celiyo Maayirka Cusub Ee Degmada BURCO Mr Abdirisaaq Hero iyo aragtidiisa ku aadan furista xeerkan,Waxaana Maayirka BURCO Laga waayey Inuu u hiiliyo xuquuqda Gobolka Ee Maqan,taas oo niyad jab weyn ku keentay shacabkii ololaha adag ugu jiray furista xeerkan

qaar kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada BURCO Ayaa Ka Cadhooday Habacsanaanta Ka Muuqata Maayirka Iyo Ku Xigeenkiisa,Waxaanay Bilaaben Olole Xilka Lagu Dhaafinaayo,
Xildhibaan Mustafe Calas Oo Kamida golaha deegaanka Degmada BurcoAyaa Habeenkii Xalay Kulan La Qaatay Qaar Kamida Warbaahinta BURCO,waxaanu usoo jeediyey inay is garab taagan,gacana ku siiyaan siduu uga shaqayn lahaa danaha Gobolka,kaas oo u muuqda dhoola-tus siyaasadeed

May be an image of 15 people, people standing, people sitting and indoor

Xildhibaano Uu Hor-kacaayo Xildh Axmed Dharbaan ayaa si weyn u saluugsan maayirka BURCO,Kuwaas oo ka biyo diiday Qorshe La,aanta Maayirka Oo Hoos U DHAC WEYN Ku Keenaysa Hiigsiga Iyo Horumarka Gobolka,

            Dhaliilaha Dul-hoganaaya Maayirka BURCO
1-Shaqaalihii oo uu U Kala Abtiriyey

Saddex agaasime oo uu xayaysiiyey Boosaskooda,Waxaa La Sheegay Inuu mid boos bedel U Samaynaayo,waxaanu Mid Kamida U Balan-qaaday Xisaabiyaha DHB Isaga Oo Ku Bedelaaya Cabdilaahi Muuse Faqash Oo Wakhti Dheer Xilkaas Hayey! Qaar Kamida Xildhibaanada Ayaa Kasoo Hor-jeestay In Hal Mar Xilka Laga Caydhiyo 3 Agaasime Waaxeed Oo Isku Deegaana,

Toddobaadkii hore Ibraahin Niibsan oo ah guddoomiyaha waaxda Sh. Bashiir ayuu xidhay - lama sheegin sababta lagu Xidhay.
Waxaa Jira Xubno Naafo Ah Oo Guno Ka Qaata Dawlada Hoose Waxaanu Isla Todobaadkan Gunada Ka Joojiyey 3 Xubnood Oo Isku Deegaan Ah
2-Mad-madow Ka Dhashay Lacagta Kabka Dawlada Dhexe Siisay,Taas Oo Uu Sheegay Inay Ahayd half Million dollar Taas Oo Uu Ka Qaatay Baanka Dhexe,Balse Warar Qaar Ayaa Sheegaya Inay Jiraan Baan Gaar Loo Leeyahay oo Maayirku Lacag Dayn Ah Ka Qaatay,
3-Dayn Xad Dhaafa Oo Lagu Leeyahay Maamulka Dawlada Hoose Ee BURCO Ayaa Kamida Eedaymaha Loo Jeedinaayo Maayirka Burco
Maayirka BURCO Ayaa Ku Guul-daraystay Inuu Xaliyo Khilaafka Golaha Deegaanka Kaas oo soo noq-noqday
                               Maamul Xumo:"
Maayirka BURCO Ayaa Soo Xayeysiiyey Sadex Boos Iyada Oo Aan Xilka Laga Qaadin Masuuliyiintii Hore U Hayey,Waxaa La Yaab Noqotay In qof lagu dul xayaysiiyo boos aan laga qaadin ama uusan iska casilin.

Waxa kale oo jirta Dawladii hoose adeegyadii ay bixin jirtayba in lagu wareejiyey nin Uu Hore Serbiyan Dhalashadiisa Ugu Sheegay Balse gadaal ka noqday Inuu U Dhashay Croaria. Ninkaas oo uu bishii hore marna kula kulmay Dubai marna xafiiskiisa

May be an image of 6 people, people sitting and people standing

Waxaa Dadweynaha BURCO Lagu Soo Rogey Cashuuro Iyo Lacago Kale Oo Xad-dhaafa-Tusaale Gaadiidka Yaryar Ee Tigta Ayaa Lagu Soo Rogay Lacag 10,000 SHLSN,Qaar Kamida Gaadiidka Bajaajta Oo Cabasho Ula Tegay Xildhiibanada U Qaabilsan Arimaha BUlshada Ayaa Usoo Jeediyey Inay Lacagta Ku Kordhiyaan Dadka Rakaabka Ah,Waxaana Ka Biyo Diiday Gaadiidleyda Tigaha,Taas Oo Ugu Danbayn Sababtay In La Xidho Qaar Kamida Wadayaasha Bajaajta

W/Q Eng Ismaacil Abdi (Aar)
Halkan Ka Daawo: Aniga dhibta laygu haysta dad hurda baan toosiyey weeyi ..' Ex Maayir Muraad
Halkan Ka Daawo:"Xaqiiqada QARSOON Ee Xaalada Abaared Ee Ka Jirta Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo:Rajo Intee Leeg Ayaa Laga Qaba In Biyo Macaan Laga Hello RIIGA Deegaanka Shansha-Cade,
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
WAREYSIYO