Thursday August 11th, 2022
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

Madaxweyne Muse Biixi oo la Filayo ino Wareejiyo Gudoomiyanimadi Xisbiga KULMIYE iyo Musharaxnimada Iyo MUddo Kororsi Inagu soo Fool Leh:

0
Monday April 18, 2022 - 16:15:08 in Wararka by John Smith
  • Visits: 2957
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muse Biixi oo la Filayo ino Wareejiyo Gudoomiyanimadi Xisbiga KULMIYE iyo Musharaxnimada Iyo MUddo Kororsi Inagu soo Fool Leh:

    Waxa ayaamahan suuqa soo Gashay Hadal hayn ah ino Madaxweyne Muse Biixi Goaansaday ino Wareejiyo Gudoomiyenimadi Xisb;ul Xaakimka KULMIYE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa ayaamahan suuqa soo Gashay Hadal hayn ah ino Madaxweyne Muse Biixi Goaansaday ino Wareejiyo Gudoomiyenimadi Xisb;ul Xaakimka KULMIYE



Hargesia (Burcoonline) 18,04,2022 Waxa ayaamahan suuqa soo Gashay Hadal hayn ah ino Madaxweyne Muse Biixi Goaansaday ino Wareejiyo Gudoomiyenimadi Xisb;ul Xaakimka KULMIYE, Iyado La Filayo Geesta Kalena ino Xukummadiisa Isbedel Balaadhan Ku Sameeyo, Iyo Muddo Kororsi Hawada Ku Soo Jira.

Madaxweyen Muse Biixi oo Shanti Sano ino soo Dhaaftay Isko haystay, Madaxweynenimada Iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, aya La Filaya Ayaamaha Soo Socda Ino Go'aano Adag Ka Qaadan Doono Mustaqbalkiisa Siyaasadeed.


Madaxweyne Muse aya Hore Heshiisyo  Ula Galay Siyaasiinta Beelaha Bariga Burco Waagi Burco Lagu Dhisayay, In Isaga Doorkiisa ay Dhisaan Beelweynta Habar jeclo, Ka Dibna Gudoomiyenimada KULMIYE Lagu Soo Celin Doono Siyaasiinta Beesha Habar Jeclo, Laakin Marki uu Kursiga Ku Fadhiistay Kaga Baxay Siyaasiintaasi, iyado Ila Hadda Laga Joogana Shan Sano Isko Haysta Xilka Labada Xil ee Madaxweynnimo Iyo Gudoomiyaha Xisbiga..

Madaxweyne Muse aya Hadda Go'aansaday Marki ay Ka Fiirsan weyday, Taageeradi Xisbiga KULMIYE Hoos uu Dhac aad Weyni Ku Yimi Muddadi Shanta Sano ee uu Xilka Hayay, Iyado Siyaasiin Badan oo Ka soo Jeeda Beelaha Bariga BURCO Iskaga Baxeen Xisbiga KULMIYE, Kuna Kala Biireen Xisbiyada Mucaaradka, Dadweynahi Taageersana KULMIYE, Gaar ahaan Beelaha Bariga Somaliland, Dhabarka uu Soo Jeediyeen Maamulkiisa, Kaliftayna In Doorashooyinki Ugu Dambeeyay ee Golaha Deegaanka Iyo Golaha Wakiilada Si Weyn Looga Guulaystay Xisbul Xaakimka KULMIYE, aya Waxey Keentay ino Madaxweyne Muse Isbedel Deg Deg Siyaasadiisa Ku Sameeyo.

Madaxweyne Muse Waxu Dib ugu Gacan Haadiyay, Siyaasiin Miisaan Ku Laha Xisbiga KULMIYE, oo Iskaga Tegay Maamulkiisa Siyaasadeed, Ka dib Guul Darradi Kaga soo Dhacday Doorashadi Golaha Wakiilada Iyo Golaha Deegaanka, Sababtay Ino Waayo Maayirada Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland Iyo Shirgudoonka Golaha Wakiilada.

Siyaasiintan uu Ka Mid yahay Siyaasiga Weyn ee Maxamoud Xaashi Cabdi, oo Inta Badan Haysta Taageerada Ugu Badan Gobolada Bariga Somaliland, aya Beryahan Kulano Kala Duwani Dhex Marayeen Madaxweyne Muse Biixi, oo Hore Iskugu Seegen Xagga Mustaqablka Siyaasada Xisbiga KULMIYE, ayaan La Ogeyn Muse Biixi Waxi ka Wada Hadleen Iyo Waxi Heshiis Isla Gaadhen, Laakin wararka Suuqa Ku Jira aya La Sheegaya, Ino Muse Biixi Ku Wargeliyay Maxamoud Xaashi ino Kala Wareego Gudoomiyenimada Xisbiga KULMIYE, si ay Taageerayaashiiso Mar Kale Ugu Soo Laabtan Xisbiga KULMIYE, Iyado La sheegay ino Siyaasi Maxamoud Xaashi, Ku Wargeliyay Madaxweyne Muse Biixi Inaan Xiligan Ka Aqbalayn Kuna Filnayn Badbaadinta  Xisbiga KULMIYE In Lagu Soo Wareejiyo Gudoomiye Siyaasi Ka Soo Jeeda Beelaha Bariga, waxa La Sheegay ino Ku Wargeliyay in Loo Baahanyahay, Si :Loo Hanto Taageerayaasha Beelaha Bariga Somaliland ino Musharaxnimada Ku Soo Wareejiyo Masuul Ka Tirsan Beelaha Bariga BURCO,  Madaama Xisbiga Mucaaradka Waddani Hadda Ku Wareejiyay Gudoomiyenimadi Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan, oo ah Siyaasi Weyn ee Beelaha Bariga Ka soo Jeeda.

Madaxweyne Muse Biixi aya La Sheegaya ino Go'aan Ka Gaadhi Doono Taladaas Siyaasi Maxamoud Xaashi Ula Yimi ee ino Wareejiyo Gudoomiyaha  Iyo Musharaxnimada. Haddi Madaxweyne Muse Biixi Wareejiyo Labada Xil ee Gudoomiyaha Iyo Musharaxnimada, ay Iman Doonto in Xilka Madaxweyenimo Loo Kordhiyo, Iyado Xiligan ay Inagu soo Fool Leedahay Doorashadi Ururada Iyo Guurtida.




Halkan Ka Daawo: Aniga dhibta laygu haysta dad hurda baan toosiyey weeyi ..' Ex Maayir Muraad
Halkan Ka Daawo:"Xaqiiqada QARSOON Ee Xaalada Abaared Ee Ka Jirta Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo:Rajo Intee Leeg Ayaa Laga Qaba In Biyo Macaan Laga Hello RIIGA Deegaanka Shansha-Cade,
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
WAREYSIYO