Wadadan oo marta Waqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa mar lala bilaabay Wadada Berbera Coridor ee isku xidha Berbera iyo Hargeysa tiro ahaan iyo
Hargeisa (Burcoonline) 27.04.2022 Wadadan oo marta Waqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa mar lala bilaabay Wadada Berbera Coridor ee isku xidha Berbera iyo Hargeysa tiro ahaan iyo tayo ahaanba waxa heerkeedu sareeyaa Wadada Berbera Coridor.
Hargeysa Paypass waxa dhismaheeda gacanta ku haya Shirkada laga keenay Shiinaha, taasi oo ay u muuqato in ay awoodi kari wayday dhismaha wadadaasi isla markaana muddo saddex sano ah oo ay socoto aan la saarin Daamur, taasi keentay in aanay oolin qalabkii lagu dhigayay daamurka iyada oo daamurka laftiisa la keenay horaantii bisha ramadaan ka dib markii ay culays xoogan kala kulmeen Dhinaca Dawlada gaar ahaan Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo uu dhawr jeer booqasho ku tagay Wasiirkii Hore ee Gaadiidka Ataash.
Wadadan ayaa roobkii Da'ay shalay uu dibeda soo dhigay ceebaheeda, waxaana biyo fadhiisin noqday meelo ka mid ah jidkan oo hadii roobku sii socdo keeni karta inuu roobku qaado.
Qalabka oo ay isticmaasho Shirkadu waxa iskaleh xukuumada Somaliland, oo gabi ahaanba la wareegaysa marka uu mashruucu dhamaado, maadaama ay dawladu siisay cashuur dhaaf, waxaana hore u dhacday inay qalabkoodu qaybo ka mid ah ay rabeen Maamulka shirkadu inay gaystaan Boosaaso, waxaana ka war helay dawlada kuwaasi oo lagu qabtay laascaanood lana amray in Dib loo soo celiyo.
Maxaa Sababay Dib u Dhaca...?
La soco Qaybaha Danbe....
Warbaxin: Fashilka Wadada Hargeysa Paypass.
Wadadan oo marta Waqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa mar lala bilaabay Wadada Berbera Coridor ee isku xidha Berbera iyo Hargeysa tiro ahaan iyo