Monday May 23rd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Halkan Ka Akhriso Wareegto: Madaxweynaha Somaliland oo Guddi uu Magacaabay Ka Soo Talo Baxisa Khilaafka Komishanka Dooroshooyinka

0
Tuesday May 10, 2022 - 14:16:08 in Wararka by John Smith
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Akhriso Wareegto: Madaxweynaha Somaliland oo Guddi uu Magacaabay Ka Soo Talo Baxisa Khilaafka Komishanka Dooroshooyinka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay

Hargeisa (Burcoonline) 10.05.2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-859/052022 uu ku magacaabay Guddi-baadhiseed oo madax-bannaan oo ka soo war-bixisa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne.
UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 13aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad iyo Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020;
Markaan Arkay: Qoraalka Summaddiisu tahay KDQ/XK/008/2022, kuna Taariikhaysan 25/04/2022, ujeeddadiisuna tahay Codsi Guddi- Badhiseed;
Markaan Arkay: Qoraalka Summaddiisu tahay GDQ/XK/009/2022 kuna taariikhaysan 27/04/2022, ujeeddadiisuna tahay Is-beddel lagu sameeyay Hoggaanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka;
Markaan Arkay: War-bixinta summaddeedu tahay Ref: HAN/GQ/05/62/2022, kuna taariikhaysan 05/05/2022, kana soo baxday Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, ujeeddadeeduna tahay soo gudbin war-bixin baadhiseed;
Markaan Arkay: War-bixinta summaddeedu tahay XGD/WM/02/08/191/2022, kuna taariikhaysan 05/05/2022, kana soo baxday Xafiiska Xisaabiyaha Guud, ujeeddadeeduna tahay war-bixinta xisaab - xidhka Komishanka Doorashooyinka Qaranka;
Markaan Arkay: Muhiimadda uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku u leeyahay hannaanka dimoqraadiyadeed ee Dalka iyo hir-gelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah;
Markaan Arkay: Khilaafka maamul iyo maaliyadeed ee soo kala dhex galay xubnaha Komishanka uu caqabad ku noqon karo xil-
gudashada waajibaadka iyo hawlaha shaqo ee Komishanka
Doorashooyinka Qaranka;
Markaan Helay: Talo-bixinta sharci ee Garyaqaanka Guud iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka;
Waxaan Go’aamiyay;
1) In aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Guddi-baadhiseed madaxa-bannaan oo ka soo war-bixisa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, si waafaqsan Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020;
1. Maxamed Jaamac Cabdi Guddoomiye
2. Farxaan Maxamed Cali Xubin
3. Siciid Xasan Habbane Xubin
4. Axmed Saleebaan Jaamac Xubin
5. Bashiir Cabdi Xariir Xubin
2) Guddidu waxay baadhitaan ku soo samayn doonaan arrimaha ay ka mid yihiin:
- Nidaamka Maamulka iyo Maaliyadda ee Xubnaha Komsihanka.
- Nidaamka Iibka iyo Qandaraasyada Adeegyada iyo Agabka Komishanka.
- Nidaamka Maamulka iyo Diiwaan-gelinta Hantida raagta ee Komishanka.
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
You, Suleiman Idiris Rouble, Shaafici Mawelo and 298 others
94 comments
11 shares


Halkan Ka Daawo: Aniga dhibta laygu haysta dad hurda baan toosiyey weeyi ..' Ex Maayir Muraad
Halkan Ka Daawo:"Xaqiiqada QARSOON Ee Xaalada Abaared Ee Ka Jirta Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo:Rajo Intee Leeg Ayaa Laga Qaba In Biyo Macaan Laga Hello RIIGA Deegaanka Shansha-Cade,
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
WAREYSIYO