Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Kulan la Qaatay Masuuliyiin Sar Sare.
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdilaahi Guuleed iyo Lataliyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Xasan Maxamed Askar oo ay wehelinayaan xubno ka socda Hay’adda Qandaraasyada Uganda ayaa kulan la qaatay maamulka Hay’adda NSSF (National Social Security Fund) oo ah Hay’adda Hawlgabka Shaqaalaha kana mid ah Hay’addaha dawliga ah ee ugu waaweyn dalka Uganda.
Guddoomiyaha iyo xubnaha la socday waxaa xafiiska ku qaabilay Maamulaha Hay’adda NSSF ee Uganda Mudane Richard Byarugaba.
NSSF waxa ay ka mid tahay Hay’addaha ugu Qandaraasyada badan dalka Uganda. Waxa ay hadda ka mid tahay Hay’addaha iyo Wasaaraddaha lagu tijaabinayo e-government procurement ka dawladda Uganda.
Guddoomiyaha iyo xubnaha kulanka ku Wehelinayay ayaa warbixin ku saabsan e-government procurement iyo guud ahaan Qandaraasyada Hay’adda NSSF ka dhageystay maamulka Hay’adda iyo Madaxa Qandaraasyada ee NSSF Gerlad Mugabi.
Guddoomiyaha ayaa Maamulka NSSF uga mahadnaqay warbixinaha ay la wadaageen iyo shaqada ay u hayaan dalkooda.
—
Warbaahinta Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka
Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Kulan la Qaatay Masuuliyiin Sar Sare.
Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Kulan la Qaatay Masuuliyiin Sar Sare.