Monday May 23rd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Guddoomiyey Shirka Guddida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye.

0
Tuesday May 10, 2022 - 15:51:30 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 727
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Guddoomiyey Shirka Guddida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Guddoomiyey Shirka Guddida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Guddoomiyey Shirka Guddida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shirguddoomiyey kulan ballaadhan oo ay maanta yeesheen guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE.

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga, ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida fulintu, xubnaha guddida iyo guud ahaanba saraakiisha KULMIYE ugaga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay hawlaha xisbiga u wadaan, isaga oo hogo-tusaaleeyey hawlaha u yaalla iyo sida loogu baahan yahay in la dardargeliyo arrimaha xisbiga.


Ajendeyaasha shirka guddida fulinta ee  xisbiga KULMIYE, ayaa markii ay soo dhammaatay waxa faahfaahiyey wasiirka arrimaha gudaha, ahna guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxana uu sharraxay qodobbada shirka diiradda lagu saaray, waxana uu yidhi,"shirku waxa uu yahay fadhiyadii caadiga ahaa ee guddiga fulinta ee xisbiga, waxyaabihii lagaga hadlayna waxa kamid ah in laga arrinsanayey sidii uu xisbigu isugu iman lahaa ee 20-guuradiisa ugu debbaal degi lahaa 22-ka bishan May oo uu labaatan jirsanayo.”

Waxyaabaha kale ee shirka lagaga hadlay  waxa kamid ahaa sidii uu xisbigu ugu diyaargaroobi lahaa doorashooyinka ururrada iyo axsaabta ee dalka kusoo foolka leh iyo hawlaha caadiga ah ee xisbigu leeyahay, "Waxa kale oo uu xisbigu ka hadlayey sidii loogu diyaargaroobi lahaa arrimaha caadiga ah ee xisbiga, dib u habayntooda, dardargelintooda iyo dib u eegista qorsheyaasha xisbiga iyo qaab-dhismeedkiisa, waxa kale oo xisbigu u diyaargaroobayey sidii xisbigu ugu diyaargaroobi lahaa doorashooyinka ururrada iyo xisbiyada dalka oo foodda inagu soo haysa,”ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

Shirka guddida fulinta ee xisbigu saaka yeeshay waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu shirar la yeeshay garabbada haweenka ee xisbiga oo ku sugnaa xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Wa-bilaahi Tawfiiq
Halkan Ka Daawo: Aniga dhibta laygu haysta dad hurda baan toosiyey weeyi ..' Ex Maayir Muraad
Halkan Ka Daawo:"Xaqiiqada QARSOON Ee Xaalada Abaared Ee Ka Jirta Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo:Rajo Intee Leeg Ayaa Laga Qaba In Biyo Macaan Laga Hello RIIGA Deegaanka Shansha-Cade,
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
WAREYSIYO