Nuxurka Kulan Dhex maray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Iyo Madaxda Warbaahinta Madaxa Banaan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Md Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa kulan la qaatay maamulka Telefishannada madaxa banaan ee ka hawl gala guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL aya waxa lagaga hadlayey sidii looga wada shaqayn laha isla markaana loo waynayn lahaa xuska maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May oo guud ahaan dalka iyo dibadaba sannadkan si balaadhan loogu diyaar gaboobayo.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay inay mihiim tahay in qarannimada laga wada shaqeeyo isla markaana si buuxda looga hawlgalo baahinta iyo waynaynta 31 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland xoriyadeeda dib ugala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaalida 1991-kii. Waxaanu maamulka Telefishannada Madaxa banaan ee ka hawl gala Somaliland kula dardaarmay inay door muuqda ka qaataan xusaska Qarannimada Somaliland isla markaana si toos ah u baahiyaan xafladaha iyo barnaamijyada lagu xusayo maalinta iyo habeennimada 18-ka May.
Dhankooda, maamulka Telefishannada madaxa banaan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin waynaynta iyo baahinta xuska 18-ka May taasi oo ka dhici doonta guud ahaan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Nuxurka Kulan Dhex maray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Iyo Madaxda Warbaahinta Madaxa Banaan.
Nuxurka Kulan Dhex maray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Iyo Madaxda Warbaahinta Madaxa Banaan.