Monday May 23rd, 2022
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Wefti ka socda Dalka Senegal

0
Thursday May 12, 2022 - 19:42:11 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Wefti ka socda Dalka Senegal

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Wefti ka socda Dalka Senegal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Wefti ka socda Dalka Senegal
-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay wefti ka socda xafiiska madaxweynaha dalka Senegal ee Galbeedka qaaradda Afrika, Mudane Macky Sall oo ah guddoomiyaha midowga Afrika (AU), kuwaas oo ay xubno ka yihiin Mohammamel habib Niang iyo Elhadji Abdoulaye Dia.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtoooyada, ayuu madaxweynuhu ugu horrayn xubnaha weftiga kaga guddoomay salaan iyo warqad muhiim ah oo ay ka sideen madaxweynaha Senegal, ahna guddoomiyaha midowga Afrika.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha weftiga ah uga mahadnaqay booqashadooda, waxana uu si qoto dheer ugu sharraxay horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka hana qaadday Jamhuuriyadda Somaliland, heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, halka ay maanta marayso iyo hiigsiga qarannimo ee ay leedahay.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha weftiga u dhiibay warqad ku socda Madaxweynaha dalka Senegal, ahna gudoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Macky Sall, waxana kulanka Madaxweynaha ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

 ALLAA MAHAD LEH 
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
Halkan Ka Daawo: Aniga dhibta laygu haysta dad hurda baan toosiyey weeyi ..' Ex Maayir Muraad
Halkan Ka Daawo:"Xaqiiqada QARSOON Ee Xaalada Abaared Ee Ka Jirta Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo:Rajo Intee Leeg Ayaa Laga Qaba In Biyo Macaan Laga Hello RIIGA Deegaanka Shansha-Cade,
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
WAREYSIYO