Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka C/kariim Axmed Maxamed Xinif ayaa Xarunta haayadaasi ku Soo dhaweeyey Gudoomiye Ku xigeenka Gudida Qandaraasyada Qaranka Mudane C/casiis Maxamed Xaashi iyo Masuuliyin kaloo Ka Socday Gudida Qandaraasyada Qaranka.
Ujeedka Socdaalka Masuuliyintani ayaa daaranaa Kormeerida dhismayaal Cusub Oo Lagu Kordhinaayo Xarunta Haayada Qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka kuwaasi Oo dhamaad ku dhaw ,hawshooduna siwanaagsan usocoto islamarkaasina laga maalgeliyey misaaniyada haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka.
Masuulinta Ka socday Gudida qandaraasyada qaranka ayaa ugu horayn kulan xog is wareysi ah la qaatay Guddoomiyaha Hay'adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Mudane C/kariim Xinif, waxaanu gudoomiyuhu ka warbixiyey muhiimada ay xafiisyadani u leeyihiin haayada Qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka.
Guddoomiye ku Xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Xubnaha Guddida Qandaraasyada ayaa Guddoomiyaha Hay'adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Ku Aamanay fulinta mashruucani Oo wax weyn ka taraaya hawlaha shaqo ee haayada Qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka kaasi oo hore qandaraaskiisa loo mariyey Gudida qandaraasyada qaranka.
Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka C/kariim Axmed Maxamed Xinif ayaa Xarunta haayadaasi ku Soo dhaweeyey Gudoomiye Ku xigeenka Gudida Qandaraasyada Qaranka Mudane C/casiis Maxamed Xaashi iyo Masuuliyin kaloo Ka Socday Gudida Qandaraasyada Qaranka.
Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka C/kariim Axmed Maxamed Xinif ayaa Xarunta haayadaasi ku Soo dhaweeyey Gudoomiye Ku xigeenka Gudida Qandaraasyada Qaranka Mudane C/casiis Maxamed Xaashi iyo Masuuliyin kaloo Ka Socday Gudida Qa