Siyaasi Muse Xassan Yuusuf oo Ka Mid ah Sadexdi Xubin ee Madaxweyne Muse Ku Daray Xubnahi Komishanka , aya Saaka Ku Guuldaraystay in La Ansaxiyo
Hargeisa (Burcoonline) 20.06.2022 Siyaasi Muse Xassan Yuusuf oo Ka Mid ah Sadexdi Xubin ee Madaxweyne Muse Ku Daray Xubnahi Komishanka , aya Saaka Ku Guuldaraystay in La Ansaxiyo, Iyado uu Helay Cod Dhan 33 Cod Keliya, Halka Kala Badh Xildhibaanada Diiday ay ka Soo jeeden Deegaankiisa.
Siyaasi Muse Hassan Yuusuf ayaan Wax Xil ah Ka Hayn Xukummado Madaama uu iscasilay intaano Aqbalin Xubinimadani ayay Xildhibaanada Mucaaradko Ku Eedeynayeen Ino Dowlada weli Ka Mid yahay Xidhiidhna Ka Dhaxeeyo, Waxaana La Sheegaya in Dagaalka Ugu Weyn Kaga Yimi Siyaasiga Weyn ee Maxamoud Xaashi Cabdi oo Beryahan uu Dambeysay, Kulamo Goos Goos ah La Laha Xildhibaanada Habar Jeclo Gaar ahaan Xildhibaanada ay Isko Jufada Hoose Yahiin, waxaanay Isla Qaaten inaan Xildhibaanadaasi siday uu Dhanyahiin Inaanay Wax Cod Ku ansaxin.
Dagaalka Siyaasadeed ee uu Maxamoud Xaashi La Galay Siyaasi Muse Hassan Yuusuf, aya La sheegaya inay Ka Dambeyso Muse Xassan Gacan Saar Siyaasadeed La Leeyahay Gudoomiye Kuxigeenka Kulmiye ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed..
Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Sanaag oo Ku Guulaystay Inay Ridaan Xubinti Keliya Komishanka ee Kaga Jirtay Deegaankooda Iyo Siyaasi Maxamoud Xaashi oo Gacan weyn Ku Laha.
Siyaasi Muse Xassan Yuusuf oo Ka Mid ah Sadexdi Xubin ee Madaxweyne Muse Ku Daray Xubnahi Komishanka , aya Saaka Ku Guuldaraystay in La Ansaxiyo