Wednesday August 17th, 2022
Dahabshiil
Salaama Market
Youtube jobs

Somaliland oo joojinaysa qaadka Itoobiya uga yimaada

0
Sunday June 26, 2022 - 19:19:25 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo joojinaysa qaadka Itoobiya uga yimaada

    Somaliland oo joojinaysa qaadka Itoobiya uga yimaada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland oo joojinaysa qaadka Itoobiya uga yimaada
Ganacsatada qaadka ee Somaliland , ayaa go'aan ku gaadhay in ay si buuxda u joojiyaan qaadkii ay Itoobiya ka soo iibsan jireen, kadib markii ay Oromadu qaaliyaysay.

Afhayeen u hadlay ganacsatada waa weyn ee qaadka Itoobiya ka keena, ayaa sheegay laga bilaabo 6-da bisha July, ay gabi ahaanba ka wareegayaan qaadka Itoobiya, una wareegi doonaan Yemen iyo Kenya.

Waxaanu yidhi."Oromadii waxay tidhi kiloogii qaadka ahaa $10 ku keena, waxaana LC gu ahaa $2 markaa $8 ayaa la kordhiyay, laga bilaabo maanta oo 26 ah bisha soo socota 6-deeda waanu joojinay qaadkaa, waxaana aanu ka dalbanaynaa Kenya iyo Yemen".


Waxa uu sheegay in go'aanka ay la ogtahay xukuumadda Somaliland.

Waxaanu yidhi."Sidaasi ayaanu ku wadahadalnay wasaaradda maaliyada oo kastamku ka mid yahay, qof loo cashuuri karo bisha 6-deeda qaad, ama ka keeni kara Itoobiya ma jiro".

Waxa uu intaas ku daray."Yemeni wax  bay inaga iibsataa oo xoolaha ayay inaga iibsataa, qofka wax kaa iibsada in aad wax ka iibsataa waa waajib, Kenya-na waxaanu u raraynaa kalluunka yaga".

Waxa kale oo ay sheegeen in Itoobiya ay ka dalbatay in ay qaadka ku iibsadaan lacagta dollarka, taasi oo ay sheegeen in haddii ay dhacdo ay dhaqaale burbur ku keeenayso dhaqaalaha Somaliland, isla markaana uu dollarku qaaliyoobayo, iyo in Oromadu ay go'aansatay in ay iyagu qaadka keenaan Somaliland oo gacansatada waddaniga suuqa ka saaran.
Halkan Ka Daawo: Aniga dhibta laygu haysta dad hurda baan toosiyey weeyi ..' Ex Maayir Muraad
Halkan Ka Daawo:"Xaqiiqada QARSOON Ee Xaalada Abaared Ee Ka Jirta Gobolka Togdheer
Halkan Ka Daawo:Rajo Intee Leeg Ayaa Laga Qaba In Biyo Macaan Laga Hello RIIGA Deegaanka Shansha-Cade,
Guryo Cusub Oo Laga Dhisay Magaalada BURCO Laguna Iibinaayo Qiimo Jaban"
Halkan Ka Daawo:Ex-Wasiir Galaal oo dood ka jeediyey qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland & sharciga caalamka
Halkan Ka Daawo:Siyaasi Maxamud Jaamac Galaal Oo Ka Jawaabay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyen Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada
Halkan Ka Daawo:Hees Cusub Oo Uu Sameeyey Abwaanka Caanka Ah Ee Abdimalik
Halkan Ka Daawo Beelaha Axmed Cali iyo Daahir Cali ee Adan Madoobe oo Kalsoonidi Kala Noqday Suldaan Barkhad Iyo Caaqilka Faahiye Xassan ee Adan Madoobe..
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
WAREYSIYO