Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Waa Te Beesha ugu Balaadhan Gobolka Sanaag Sidee Se loo kala Degaa Gobolka War Bixin + Faalo GundheerTtaarikha Iyo Mapka Gobolka Sanaag

11
Sunday February 15, 2015 - 10:36:21 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 14125
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 4 2
  • Share via Social Media

    Waa Te Beesha ugu Balaadhan Gobolka Sanaag Sidee Se loo kala Degaa Gobolka War Bixin + Faalo GundheerTtaarikha Iyo Mapka Gobolka Sanaag

    Xarunta Magaala madaxda gobolka sanaag ceerigaabo, oo la aasaasay muddo hada qarni laga joogo. Iyada oo lagu taariikheeyey markii udubka loo taagay xiliyadii uu dagaalki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Magaala madaxda gobolka sanaag ceerigaabo, oo la aasaasay muddo hada qarni laga joogo. Iyada oo lagu taariikheeyey markii udubka loo taagay xiliyadii uu dagaalki

Ceerigaabo (Burcoonline) 15.02.2015 Xarunta Magaala madaxda gobolka sanaag ceerigaabo, oo la aasaasay muddo hada qarni laga joogo. Iyada oo lagu taariikheeyey markii udubka loo taagay xiliyadii uu dagaalkii ingiriiska iyo Seyid Maxamed C/dulle Xasan, taariikhdaa oo ku beegnayd 1900. Taas oo ahayd markii daraawiishtu saldhigyada ka dhigatay aagaas, ahaydna markii ugu horaysay ee ingriisku Africa kula dagaalamo diyaarado, iyada oo isla markaasna diyaaradii lagaga soo riday meel 30km koonfurgalbeed kaga toosan magaalada ceerigaabo mudadaas oo 21sano ka soo waadey oo ahayd 1921.magaalada waxaa masaajidkii ugu horeeyey ka dhisay xaaji xirsi ilaahay haw naxariiste oo ahaa wadaad ka soo jeeday degamada garadag waxaa isna sidoo kale dabaqii ugu horeeyey ka dhisay maxamed xaaji ducaale ilahay haw naxariiste oo isna ahaa siyaasi caan ka ahaa dawladii somaliya ahaana wasiirkii hore arimaha debeda somaliland cabdilaahi maxamed xaaji ducaale



Ka hor intii aan aasaaska loo dhigin magaala madaxda Ceergaabo waxaa bender u ahayd magaalo xeebeedyada, Maydh iyo xiis, gaar ahaan magaalada xiis oo ahayd meelihii ay ka soo farcantahay ilbaxnimada iyo dadyawga manta ku dhaqan geeska Africa, ahaydna meelihii ay ka yimaadeen ajdaadda ama reer magaalnimada dadka degaanadaas ku dhaqan, magaalooyinkaas oo layidhaahdo waxay jireen qarniyo fara badan.


Hadaba gobolka Sanaag oo ah mid ku caan ah taariikho wax ku ool ah sidee loo kala degaa degaan inteee leeg ayuu se ka kooban yahay isagoo ah gobolada ugu weyn dhamaan gobolada somali degto gobolku hada wuxuu ka gooban yahay degmooyin badan waxaana ka mida

Ceerigaabo,

Ceelafweyn,

Garadag,

dararweyne,

maydh,

xiis,

Gudmo biyo cas.

Badhan,

Laas-qoray


HALAKAN KA DAAWO MAPKA IYO SIDA DEGAANKA LOO KALA DEGO



 
 

​waxa aad ku arki arkaa jaantuskan sida degaanka loo kala dego iyadoo besha warsan gali tahay beesha labaad ee ugu dhulka weyn gobolka sanaag afarta beelod ee dega beel kastana dhulka ay degto waxaa shega mapka iyo khariirada aduunka ka eeg halkan hoose muuqalka jaantuska afarta beelood

 



 
 


 


Magaca Ceerigaabo wuxuu ka yimi: (Ceeri) oo ah isha ceelka (gaabo) oo ah tii dhoweyd, aan fogeyn, yacni gaabnayd, ama ishii gaabnayd, ishii dhoweyd. Kelmeda ceeri wuxuu yidhi ninkii geela u heesayey ( sow codkaygii * ceerida ishiyo * ceelka kama garan)
Taas hadaan ku dhaafno magaca iyo taariikh-bilawgii magaalada hanada waxaa ku soo khatimi doonaa, muuqaalo sawir oo muujinaya carshaantii ugu horaysey ee magaaladu ka bilaabantay cariishkii ugu horeeyey inkasta oo hada daar dhowaan loo rogey, iyo daartii ugu horaysey ee daar-ahaan loo dhisay,

Hadaba cariishkii ugu horeeyey oo uu lahaa nin la odhan jiray: cali oo ka mid ahaa madax dhaqameedyadii degaankaas, ayaa ka taagey cariishkii ugu horeeyey,
Kaas oo aad sawirkiisa iyada oo daar loo bedeley aad arki doontid, daartii ugu horaysey marka carshaanta laga yimaaddo waxaa lahaa ninkii seyidka wastaadkiisa ahaa inan uu dhalay, oo la odhan jiray Ibraahim Dhalamudhe, waa ninkii ku balweyn jirey markuu Seyid ka u dhisayo daaraha Qalcadaha ahaa, ( Dhagaxa malxafsani madhfaca ma ceshee * maandhow midka buuran ii keeney) iyadana waxa ku arkaysaa sawirsada la socda qoraalka, iyada oo marxaladahaas oo martay ayaa waxa lays weydiiyaa magaalada ceerigaabo ma haday ilbaxnimadeedu horayssaa mise markii hore?

1950kii waxaa asbuucii kasta, laba jeer iman jirtey magaalada ceerigaabo diyaarad cadan laga lahaa, waxay keeni jirtey alaanta bagaashka ah, iyo dharka, iyo dadka baasanjarka ah, waxay qaadi jirtey fooxa maydiga iyo hilib, hilibkaas lagu cuni jiray magaalada Cadan. Waxaa joogey baabuur taxi- ah oo Folge-yaal la odhan jiray, saacad allaale saacadii aad safar doonto Taxi-gaas baad qabsanaysaa, ama afar qof baad isku eeganaysa, Maqaaxida caanka ku ah magaalada Ceergaabo ee shaaha aadka looga cabbo, waa maqaaxida Qarni, waxay magaca ku qaadatay jaraa’id Masar ka soo bixi jirey oo xornimada ka hadli jiray, ayay diyaaradu keeni jirtay oo laguna iibin jiray.

 


 

 



Hadaba maanta oo la yidhaahdo dadku maanta ayuu ilbaxsan yahay, miyaa la horu maray, mise dib baa loo dhacay?? Su,aashaa dadweynahaan u daayey.

Hada waxaa ku soo kordhay magaalada dabaqyo dhaadheer, iyo guryo fillooyin ah,
Maxaase nasiib-darro noqotay dadkeedii baa noqday(isma’ og aqal kalay aslaysaa ismana oga ) , .


Tacliintu ma habaysna, caadimaadka waad ogtihiin, adeegga bulshada ma jiro sida biyaha, wadooyinka, dekedaha, waxaan ku soo geba gebaynayaa, gobolka hadaan dhalintiisu u tashan, cid kale u talinmayso, waayeelkii waxaad mooddaa inay manta jaamacadda qabyaaladda ay maclimiin ka yihiin, oo ay saaccaddiiba boqolaal dhalinyaro ahi ka soo qalin jebinayso, ee dhalineey ma tashanaa?? Waa intii xil dhibo

Waxaan ku soo gunaanadayaa, qiso dhacday waagii ay Soomalidu geela kala dhici jirtay ayaa geel la dhacay nin ergo kaxaystay, isaga oo qoladii geela ka dhacday geelii ka raacdaynaya, ninkii ergadii wuxuu la maqnaa 11bilood bil kasta nin buu soo dirayey, markii uu ergadii ka soo quustay buu galabtii danbe soo noqday, wuxuu la kulmay nin ay deris ahaan jireen, wuxuu ku yidhi: waar reerkii caynkaas ahaa ka waran, ninkiibaa ugu jawaabey: waar ma Xuseen Isxaaq ninkii lagu sheegayaad tahay, adeer maxaad iga weydiinaysaa reerkaa sawdigii tuuray, reerkaagii waa ba’ay oo balanbalay, ee iga tag ha I weydiine, Xuseen wuxuu ugu jawaabey( Allah doqoni maxay hawl yari qabtaa)

Markaa waxaan leeyahay ha noqonina dhalinta reer Sanaagey mid dantiisa uu ergayada oo danta caamka ah tuura sida odaygaa yar ee adhigiisa yar uun u qaatay, in masuuliyadi ka saran tahay ee xil ha idin dhibo, hana noqonina kuwaa hawl yarida qaba, danta caamka ahna marka laga waramo la yaaba, oo danseegnimo u arka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO