Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Halkan Ka Akhriso Tariikhda Xilddhibaanadi Iyo Degaanadi: Doorashadii Baarlamaankii Somaliland. 17-Feb.1960

2
Wednesday February 18, 2015 - 20:40:13 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 5980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Akhriso Tariikhda Xilddhibaanadi Iyo Degaanadi: Doorashadii Baarlamaankii Somaliland. 17-Feb.1960

    Shan iyo Konton sano ka hor,17.Feb.1960, Waxa Somaliland ka qabsoontay Doorashadii ugu horaysey ee abid ka dhacda, doorashadaas oo ay ku tartameen Afar Urur Siyaasadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shan iyo Konton sano ka hor,17.Feb.1960, Waxa Somaliland ka qabsoontay Doorashadii ugu horaysey ee abid ka dhacda, doorashadaas oo ay ku tartameen Afar Urur Siyaasadeed

History (BurcoOnline) 18.02.2015 Shan iyo Konton sano ka hor,17.Feb.1960, Waxa Somaliland ka qabsoontay Doorashadii ugu horaysey ee abid ka dhacda, doorashadaas oo ay ku tartameen Afar Urur Siyaasadeed oo kala ahaa S.N.L, U.S.P, N.U.Fiyo S.Y.L oo aan markaas awood badan Somaliland ku lahayn Waxayna Afartaas Urur u tartamayeen 33 kursioo uu Baarlamaankii Somaliland ee Xiligaasi ka koobnaa. Waxaana isu diiwaangeliyay inay Doorashada Codeeyaan dad tiradoodu ahayd 81,366oo qof, Waxayna Ururadu u kala heleen Codadka.


Ururka Codka u helay Boqolkiiba Kurasida u helay
Somali National League (SNL) 42,395 52.1 20
National United Front (NUF) 20,249 24.9 1
United Somali Party (USP) 13,350 16.4 12
Somali Youth League (SYL) 4,626 5.7 0
Other parties 746 0.9 0

Waddarta Guud 81,366 100 33



S.N.L oo ahaa Ururki ugu codka badnaa guud ahaan codadkii la bixiyay wuxuu helay 42,395 oo cod,oo u dhiganta labbaatan Kursi.

N.U.Foo ahaa Ururkii labbaad ee ugu Codka badnaa Guud ahaan codadkii la bixiyay wuxuu helay 20,249 oo cod.lakiin wuxuu ku guulaystey hal xildhibaan oo kaliya inuu soo saaro, waayo, waddarta codadka oo duuduub ah laguma soo baxayn ee Xildhibaan waliba kursiga uu u tartamayo haduu ka koobaad ku soo bixi waayo, Codka kaalinta labaad iyo ka kaalinta saddexaadba Ururka micno umay samaynayn, Markaa Ururkii N.U.F, Shaqsiga keliya ee kursigii uu u tartamay kaalinta koobaad ku soo baxay wuxuu ahaaMichael Mariano, intii kale ee tartantay mid kaalinta koobaad ku soo baxay muu jirin.

U.S.Poo ahaa Ururkii Saddexaad ee ugu Codka badnaa Guud ahaan codadkii Doorashadaas laga dhiibtay wuxuu ka helay13,350 oo cod. wuxuuse isagu Kaga Nasiib badnaaN.U.F, Xildhibaanadii ka sharaxnaa U.S.P, Shan ka mida oo degmada Laascanood iyo tuulooyinka hoos yimaada ka sharaxnaa kaalinta koobaad ayay ku soobaxeeen, hal xildhibaan oo degmada Laasqoray ka sharaxnaana lalama tartamin ee waa loo daayay, Hal Xildhibaan oo Ceerigaabo barigeeda ka sharaxnaana wuu soo baxay codayntii. Dhinaca kalena Degmada Borama iyo Tuulooyinka hoos yimaada ayay Xildhibaanadii U.S.Pka sharaxna oo dhami soo baxeen, 4 xildhibaan oo doorasho toos ah kusoo baxay iyo Hal-xidhibaan oo ka sharaxna Saylac oo aan cidi la tartamine loo daayay oo toos usoo baxay. Markaa waxaynu odhan karnaa N.U.F,guud ahaan codadkii ay heshay way ka badnayeen kuwii ayU.S.Pheshay, Lakiin U.S.P-na way ka Xildhibaano badnaynN.U.F.

Haddaba hoos ka akhriso 33-kii Xildhibaan Magacyadooda iyo Reerahooda iyo Ururadii ay ka soo baxeen.

Xildhibaanadii SNL usoo baxay waxay kala ahayeen.
 
(A) Degmada Hargeysa iyo tuulooyinka hoos yimaada

1. Cabdilaahi Xuseen Ina-Doobilkoole S.N.L
Arab, Samaneh
Hargeysa

2 Cali Max’ed Xaji Abokor
H.A, Reer Gadiid S.N.L
Faraweyne

3. Sh Barkhad Cawaale
H.A, Jibril Abokor S.N.L
Gebiley

4. Jaamac Cabdilaahi Qaalib Ina-Diir-qadhaadh S.N.L
Ciidagale, Reer Buraale
Salaxley.

5. Yuusuf Ismaaciil Samatar, "Gaandi” S.N.L
H. A, Cabaddalla Sacad
Hargeysa.

6. Maxamed Biixi Shuuriye
Tumaal/ Hargeysa S.N.L

7. Xaaji Ibraahin Cismaan Food, "Basbaas”
H. Y, Isaxaaq
Cadaadley S.N.L

(B) Degmada Burco iyo Tuulooyinka hoos yimaada.

1. Axmed-Keyse Xaaji Ducaale S.N.L
H.J, Uduruxmiin
Burco.

2. Abokor Xaaji Faarax S.N.L
H. Y, Muuse Carre
Burco.

3. Sh Cali Ismaaciil Yacquub
H.Y, Xirsi Cismaan S.N.L
Duruqsi

4. Ciise Jaamac Maxamuud S.N.L
Tol-Jecle
Qoryaale

5. Yuusuf Kaahin Axmed S.N.L
H.A, .....
Laas Dhuure

6. Max’ud Yaasiin Sh Muuse S.N.L
H.Y. Reer Abokor
Oodweyne

(C) Degmada Berbera iyo Tuulooyinka hoos yimaada.

1. Maxamed I Cigaal S.N.L
H.A. Maxamed Ciise
Berbera Port

2. Xaaji Yuusuf Iimaan Guuleed S.N.L
H. Y, Muse Cabdalle
Berbera
3. Xaaji Cabdilaahi Diiriye, Gamgam S.N.L
H.A, Deerayahan
Sheekh.

4. Xaaji Aadan Yuusuf. S.N.L
H. A, Reer Caddaawe
Bullaxaar.

5. Cali Qawdhan S.N.L
H.A, Danwadaag
Mandheera.

(D) Degmada Ceerigaabo iyo Tuulooyinka hoos yimaada.

Xildhibaanadii N.U.F usoo baxay waxay kala ahayeen.

1. Michael Mariano N.U.F
H.J, Uduruxmiin
Ceel Afweyn.

Xildhibaanadii S.N.L Ceerigabo usoo baxay waxay kala ahayeen.

2. Maxamed Cali Faarax S.N.L
H.J, Uduruxmiin
Xiis.

3. Sh Axmed Maxamuud Dalmar S.N.L
H.Y, Muse Ismaciil
Ceerigaabo.

Xildhibaanadii U.S.P Ceerigabo usoo baxay waxay kala ahayeen.

4. Cabdilaahi Qablan Maxamed U.S.P
Warsangeli Reer Garaad
Laasqoray.
5. Maxamuud Axmed Saalax ”Caddaanweyne” U.S.P
Warsangeli, Reer Faatax
Jiidali.

(E) Degmada Laascanood iyo Tuulooyinka hoos yimaada.

1. Cali Garaad Jaamac U.S.P
Dh/hante, Bararsame
Laascaanood.

2. Cisman Garad Max’ud U.S.P
Dh/hante, Max’ud Ugadhyahan
Taleex

3. Cabdalle Xaaji Faarax U.S.P
Dh/hante, Samakaab Axmed
Widhwidh

4. Max’ed Yuusuf Geedeeye U.S.P
Dh/hante, Yaxye
Caynabo

5. Ibraahin Ciid U.S.P
Dh/hante, Ba Idarays
Xudun.

(F) Degmada Boorama iyo Tuulooyinka hoos yimaada.

1. Sh. Abibakar Sh. Cumar U.S.P
Gadabursi, Reer Ugaas
Boorama.

2. Jaamac Geelle Ciise U.S.P
Ciise, Mamaasan
Zeylac.

3. Xaaji Muuse Axmed Shirwac U.S.P
Ciise, Furlabe
Cabdulqaadir.

4. Cabdi Xasan Buuni U.S.P
Gadabuursi, Xeeb Jire
Boon.

5. Xaaji Ibraahin Nuur
Gadabuursi, Reer Nuur U.S.P
Dila.

Raad-raac

Wikipedia Somaliland Elections 1960
Political Parties and National Integration in Tropical Africa
by James Smoot Coleman, Carl
Wargeyska Jamhuuriya 1997-ki, Halgamaa Siciid Cali Giir.


Suleyman Yusufdhakhtar
Facebook.com/ Suleymanyusufdhakhtar


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO