Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

History Kitaab Tafsiira oo u Qoray Sheikh Bashiir Awoowgi 300 Sano Ka Hor Qoray

0
Friday December 11, 2015 - 23:30:36 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 2391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    History Kitaab Tafsiira oo u Qoray Sheikh Bashiir Awoowgi 300 Sano Ka Hor Qoray

    Waxa farxad iyo ray-rayn ii ah inaan manta soo bandhigo arrin sooyaalka taariikheed ee soomaalida ugub ku ah anigoo rajeynaya inay dad badani ku baraarugi doonaan ogaanna doonaan in ummadeenu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa farxad iyo ray-rayn ii ah inaan manta soo bandhigo arrin sooyaalka taariikheed ee soomaalida ugub ku ah anigoo rajeynaya inay dad badani ku baraarugi doonaan ogaanna doonaan in ummadeenu

Bismillaah


Taariikhi waa Duug-sheeg



Waxa farxad iyo ray-rayn ii ah inaan manta soo bandhigo arrin sooyaalka taariikheed ee soomaalida ugub ku ah anigoo rajeynaya inay dad badani ku baraarugi doonaan ogaanna doonaan in ummadeenu leedahay taariikh fac-weyn iyo ilbaxnimo aan indhaha laga lalin karin sababta oo ah,dadkeenna waxa lagu sheegaainay ahaan jireen Ummiyiin (ILLITERATES) waxba qorin waxna aan akhriyin oo xoolo-dhaqato iyo beero-leyah,hadana siday doontaba ha ahaatee waxaa jiri jirey dad uun wax qora waxna akhriya tiradoodu haba yaraato deegaanadooduna ha kala durugsanaadeene inkastoo taa lafteedu raad iyo markhaati u baahantahay,aqoonta iyo ilbaxnimaduna maahawax lahelo ee waa layska dhaxlaa laysuna gudbiyaa.Arrinku siduu doonaba ha ahaadee dadkii qarnigaa wax qori jirey weliba lagu yaqaaney ee caanka ku ahaa waxaa ka mid ahaa Fiqi Cabdilaahi Fiqi CismaanAlle haw naxariistee oo isagu300 oo Sano ka horqoraa( mu’allif) halabuura ahaa caawana aan soo bandhigi doono qoraaladiisii iyo kutubtiisii qaar ka mid ah hadii Alle idmo.


Hadaba,kitaabkani wuxuu ka mid yahay kutubtii tirada badnayd uu gacantiisa ku qoray sheekhii caalinka ahaa qoraaga ahaa ee la odhan jireyFiqi Cabdilaahi Fiqi Cismaan oo awoow labaad u ahaa Mujaahidkii iyo halgamaagii weynaa ee caanka ahaa ee la odhan jirey Sh.Bashir Sh.Yuusuf Sh.XasanFiqi Cabdilaahi Ilaahay dhammaantoodba haw naxariistee. Fiqi Cabdilaahi Fiqi Cismaanwuxuu ahaa culimada geeska afrika ragga ugu caansan uguna aqoonta badansababta oo ah wuxuu ka soo jeedey oo hiddeysanayey aabahiiiyo awoowyaashii oo ahaa reer eheludiina taariikhdana ku suntan oo cilmiga diinta iyo ilbaxnimadaba baac dheer ku lahaa. Waxbarashadiisii dalka markuu dhammaysatay wuxuu u baxay dalka dibadiisa isagoo aqoon kororsi u tegey dalka Suudaan si fiicanna uga soo faa'iideeysey. Sheekhukitaabkan iyo qaarkaleba wuxuu qoray waqtigii Karin la degenaa hilaadii bilawgii qarnigii17naad,waa kitaab weyn oo tafsiira oo aad arkeysid sida farshaxanimada leh ee uu u macnaynayo Quraanka Kariimka ah isagoo ku fasiraya af-carabi fasiix ah oo mustawihiisu aad u heer sarreeyo oo aad moodayso inuu sheekhu af-carabiga u dhashay,wuxuu si qoto-dheer u qeexayaa una dhig-dhigayaaicraabtii xarfaha,axkaamtii fiqiga,caqiidadii,macnayaal badan in aayadda lagu fasiri-karo iyo in kale IWM.



Akhriste bal dhinac kale aynu ka eegno,Sheekhu kitaabka gacantiisuu ku qoray oo aalad kale muu adeegsan hadana waxaad moodaa inay madbacadi qortay sida laymanku u toos-toosan yihiin,khadku u dhalaalayo,xaashaduhu u dhiibsan yihiin isuguna xidhan yihiin waxaabad moodaa in dhawaan la qoray oo aanu saddex qarniba jirin.Intaaba waxaa ka daran midabada kala jaad jaadka ah ee kitaabku leeyahay waayo sheekhu wuxuu si xeel-dheer oo aqooni ka buuxdo ugu xardhay laba khad oo kala jaad ahkhadCasiyo midMadoow. Khadka casi waa Quraankii ama (naskii) khadka madoobina waa macnihii uu Sheekhu ku fasirayey. Qarada xaashaduhu waa qaar ad-adag oo aan jeexmeyn oo weliba udgoon, runtii ma sifayn karo ee bal aan halkaa ku joojo.Si dhab ah waxaan ugu ducaynayaasheekhii dhaxalkaa inooga tegey iyo tafiirtiisii iyaguna culimada ahaa ee300oo sano ka dib inagu soo simay .



A/Majiid Sh.Abdirisaaq Sh.Bashiir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO