Thursday June 21st, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

XISBIGA WADDDANI IYO GUDOOMIYAHOODA CABDIRAXMAAN CIRRO , WAXEY KU FARAXSANYAHIIN ABAARTA IYO DHIBAATO DALKA KA DHACDA SABABTOO AH WAY FASHILMEEN

0
Sunday January 08, 2017 - 17:34:26 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XISBIGA WADDDANI IYO GUDOOMIYAHOODA CABDIRAXMAAN CIRRO , WAXEY KU FARAXSANYAHIIN ABAARTA IYO DHIBAATO DALKA KA DHACDA SABABTOO AH WAY FASHILMEEN

    XISBIGA WADDDANI IYO GUDOOMIYAHOODA CABDIRAXMAAN CIRRO , WAXEY KU FARAXSANYAHIIN ABAARTA IYO DHIBAATO DALKA KA DHACDA SABABTOO AH WAY FASHILMEEN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XISBIGA WADDDANI IYO GUDOOMIYAHOODA CABDIRAXMAAN CIRRO , WAXEY KU FARAXSANYAHIIN ABAARTA IYO DHIBAATO DALKA KA DHACDA SABABTOO AH WAY FASHILMEEN
Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada iyo akhristayaashaba, waan idin salaamey.

Salaam ka dib waxaan beryahan warbaahinta iyo baraha internetka ku arkeynaa , aflagaado qaawan iyo cay ka soo yeedheysa xisbiga waddani, iyadoon ogeyn weerarkii qabyaalada iyo naceybka badani ka muuqday e ay ku qaadeen ganacsadde maxamed aw saciid, ayaa waxaan maanta ka maqleynaa gudoomiye muuse biixi ayaa abaarta keeney iyo doorasho ayuu muuse biixi doonayaa, horta waxaa abaarta keenay illahey subxaana wa tacaala waxbana kuma aha in uu bari roob keeno ee taasi waa gaf aad alleh ka gasheen, ee illahey danbi dhaaf weydiista, tan kale ee ilaa shaley ummada lala dhex maraayo ee ah muuse biixi ayaa doonaa in ay doorasho dhacdo, taasi wax shacabka somaliland idink yeelaayo maahan dalku doorasho ayuu u baahan yahey goor ay noqotoba ee hadad ka baqateen in aad tartantaan ,muuse biixi u hanbalyeeya, oo iska dhaafa cayda iyo muranka aad tv yada la soo fadhidaan.


Ta kale waxaan ogeyn gurmadkii iyo taageeradii laxaadka laheyd ee uu gudoomiyaha xisbiga kulmiye u fidyay deegaanada abaartu ka jirto ma jirtoo ilaa hada in ay xisbiga waddani awoodeen wax dhaqaalo ah ooy dadkaasi ugu gargaareen, markaasi waxaan odhankaraan muuse biixi waa nin idiinka xogogaalsan oo idinka ildheer xaaalada dalka waxtarna idiinka fiican, balse gudoomiye cirro ilaa hada wax uu ummadaasi tarey ma heyno aan aflgaado iyo cay ahayn uu dadkii reer somaliland u kala saarsaaro iyo reer baa bari la laayey iyo tolaayeey.

Markaasi waxaan odhanlahaa nimankan wasiirada ahaa ee fashilmey ee xoolahii ummada hore ugu tagri faley , iyo kuwan xamar ku soo fashilmey ummada reer somaliland maanta uma baahna aflagaado iyo hebel ayaa caynkaasi ah ee kala dhex baxa bulshada waxaasi oo hadeydaan waxba noqon karin ama tartami karin edeb yeesha.

Ta ugu danbeysaa waxaa weeye doorashada somaliland waa la qabanayaa waxaana laga yaabaa in ay guga dhacdo ee yaan doorashada lagu meeraysan iyo abaar ayaa dhacdey abaarta illahey ayaa inaga soo jabin doona balse dalka doorsho way ka dhaceysaa qofkii diidan in aan doorasho dhicin waa qof raba somaliland in ay baaba'do, waxaana, xisbiga waddani looga shakisanyey in ay lacago ku soo qaateen burburka somaliland taasina dhicimeyso.

Xisbiga waddani waxaa idiin murashax ah cabdiraxaan cirro, balse waa ninkii feedhka caanka ku ahaa shaleyna lahaa muuse biixi ayaa dad laayey aan la garaneyn cida uu ula jeeday ee muuse biixi laayey, aqligiisu waa qofkaasi qofkaasina maahan qof dalkan iyo ummadan waddi kara, ee waxaba yaaney cadhadu idinku badan!

Qore: Tahir hussein
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
WAREYSIYO