Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Hawlgalkii Birjeex ee lagu furtay, Alle Haw Naxariistee Mujaahid C/laahi Askar Barkhad

0
Friday April 14, 2017 - 09:20:33 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 2205
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hawlgalkii Birjeex ee lagu furtay, Alle Haw Naxariistee Mujaahid C/laahi Askar Barkhad

    wuxuu dhacay 12-Apr-1983. Oo Kubeegnayd Bishan 12 April 2017 Koob iyo Tobankii nin ee fuliyay Iyo magac-yadooda oo dhamaystiran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wuxuu dhacay 12-Apr-1983. Oo Kubeegnayd Bishan 12 April 2017 Koob iyo Tobankii nin ee fuliyay Iyo magac-yadooda oo dhamaystiran

wuxuu dhacay 12-Apr-1983.
Oo Kubeegnayd Bishan 12 April 2017
Koob iyo Tobankii nin ee fuliyay Iyo magac-yadooda oo dhamaystiran
Mujaahid Cabdi Ciid Faarax, wuxuu kale oo inooga waramaya koob iyo tobankaas Mujaahid magacyadooda iyo deegaanka ay ka soo jeedeen, wuxuuna u kala horeysiiyay sida tan.
1. Muj: Ibraahim Maxamed Ismaciil (Koodbuur). wuxuu ahaa hogaamiyahayagii wuxuuna ahaa Maskaxdii hawsha hageysey,runtiina isaga la,aantii wax badan noomay qabsoomeen. Deegaan ahaana Koonfur-Bari Hargeysa ayuu ka soo jeeday, ama Sallaxleyba. alle ha u naxariistee 1987-kii ayuu dhintay.
2. Muj: C/salaan Turki, oo ahaa ninkii ay wada socden C/lahi Askar, runtiina door weyn oo fir-fircoon hawshaas la bixida ku lahaa maantana nool. Deegaan ahaan wuxuu ka soo jeedaa Galbeedka Burco.
3. Muj: Biixi Xaaji Xassan, oo isna maalintaas nagaga Shahiiday Xerida Birjeex dhexdeeda, alle ha u naxariistee, Deegaan ahaan wuxuu ka soo jeeday Galbeedka Burco.
4. Muj; Siciid Cabdi Yasiin, oo ahaa darawalkii Gaadhiga illaa Xarshin gaadhsiiyay, Sida uu sheegay Cabdi Ciid,‚ÄĚNinkan Muj;Siciid Cabdi Aadan, isagoo dhaawac ah ayuu gaadhiga ilaa iyo Xarshin wedey, cidina may ogayn dhaawiciisa, markii aanu xarshin gaadhnay ayanu ogaanay,kuluu dhaawac fudud ahaa, wuxuu kaloo Cabdi Ciid ii sheegay in Muj Siciid Cabdi Aadan uu ahaa nin calool adag, oo raganimo baddan, illaahay ha u naxariistii 1988-kii ayuu dhintay, Deegaan ahaana wuxuu ka soo jeeday Bali-Gubadle.
5. Muj: Siciid Axmed Dhigane, oo isagana isla maalintii hawlgalku socday ku dhaawac may Xerada Birjeex dhexdeeda. Wuxuuna ii sheegay Mujaahid Cabdi ciid, in Siciid Axmed Dhigane xabada uu u dhintay ay kaga dhacday lugta bidix qaybteeda sare ee Bawdada jartayna hal-bowlaha, midina waxay kaga dhacday lugta qaybta hoose, lakiin taas halbawlaha kaga dhacday ayuu u dhintay. wuxuuna geeriyooday lix-saacadood ka dib markii hawl-galku fulay, oo ku beegan labbadii habeenimo, waxaana lagu aasay Magaalada Xarshin. Deegaan ahaana wuxuu ka soo jeeday Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag.
6. Muj: Cabdi Ciid Faarax oo iminka nool ahna ninka warbixintan aynu ka qornay,Maalintaasna qaabil sanaa albaabka Galbeed ee Miiska inuu safeeyo, maanta wuu nool-yahay wuxuuna degen yahay, OOG,, Deegaan ahaana wuxuu ka soo jeedaa Degmada Gar-adag, ee Gobolka Sanaag.
7. Muj; Aadan Maal Caqli, isna maanta wuu nool yahay, wuxuuna degen yahay Hargeysa, Deegaan ahaana wuxuu ka soo jeeday Galbeedka Hargeysa.
8. Muj: Saleebaan Siciid, illaahay ha u naxariistee 1988-kii ayuu dhintay, Deegaan ahaana wuxuu ka soo jeeday Degmada Shiikh ee Gobolka Saaxil.
9. Muj; Axmed Warsame Maloosh. illaahay ha u naxariistee wuxuu dhintay 2002. Deegaan ahaana wuxuu ka soo jeeday Bariga Burco.
10. Muj: Maxamed Xuseen Geedi (Kur-libaax). illaahay ha u naxariistee wuxuu dhintay 1991-kii, Deegan ahaana wuxuu ka soo jeeday Bariga Burco.
11. Muj; Ibrahim Maxamed Carab. illaahay ha u naxariistii wuxuu dhintay 1988-kii waana ninkii labaad ee maalintaas Dirayska Ciidamada Sitay, marka laga yimaado Ibraahim Koodbuur.. Waana ninka Xabada ugu horaysa ridaya, marka ay gaadhka dhaafaan kooxdii uu ku jiray ee Sideeda ka koobnayd, wuxuuna ku jiraa shaqsiyaadkii soo jeedinta hawlgalka lahaa. Deegaan ahaana wuxuu ka soo jeeday Bariga Burco




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO