Wednesday June 20th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Hambalyo Gudoomiyaha Sharciga ah,Mudane Baashe

0
Monday August 07, 2017 - 20:05:36 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 291
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 7 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Gudoomiyaha Sharciga ah,Mudane Baashe

    Hambalyo Gudoomiyaha Sharciga ah,Mudane Baashe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hambalyo Gudoomiyaha Sharciga ah,Mudane Baashe
Hambalyo MudaneGudoomiye,Xilkaa laguu doortay ee gudoominta Wakiilada shacabka Somaliland,waxaa la socda oo la miisaan ah Midaynta iyo turxaan bixinta walaalaha Somaliland ee Illaahay isu dooray wada noolaanshahooda.Kusoo dhawoow mid ka mid ah hab maamuuska ugu sareeya Jamhuuriyadda ee shacabkaagu kuu gartay.
 
Sool,Cayn,Sanaag iyo Sanaag Bariba meeshii Telefishin midab leh la idinka daawadosadexdiina Oday ee Wasiirada Gaashaandhiga,Arimaha Gudaha iyo adiga oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuurida Somaliland,cid kastoo shaki kaga jirey wax wada lahaanshuhu way idiin soo hiloobi doonaan,hadii telefishin Madaw iyo Cadaan ahlagaa daawadona waxaad u ekaanaysaa Mudane Cali Khaliif Galaydh iyo Garaadka guud oo isku jira.
 
Waxaan isagana usii hambalyaynayaa Xildhibaan Bukhaari oo Todobaadka dambe bilawgiisa loo doorandoono Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka,inkastoo ay kala siyaasad ahaayeen Musharax Cirro hadana hadii Madow iyo Cadaan lagu daawado dad badan ayaa kaga samraya maqnaanshaha Dr Cirro.Mudane Keyse Cabdi Yuusuf isagana aynu ugu hambalyeyno xilka loo rajeynayo ee Madaxweyne ku xigeenka Khaatumo.
 
Waxaan iyana u hambalyaynayaa Marwo Edna Aadan oo loo magacaabay Ergayga gaarka ah ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.Fariidnimada Musharax Faysal,WanaaggaMusharax Cirro iyo Hawlkarnimada Musharax Biixi oo laysku daray waxaad dheertahay Codkarnimo iyo Cimri Siyaasadeed.Soomaaliya go'aankeedu waa inaynaan wada hadlin,hadaynu wadahadlaynana inaynaan wax macna leh ka wada hadlin,guushaadu waa intaas oo aad markhaati Caalami ah u hesho.
 
Hadii miisaaniyadda Wasaarada arimaha dibadda dib loo eegi karayo,waxaa wacan in dib loo dhegeysto hadalkii Mujaahid Cali gurey iyo fikirkiisa waxa Muqdisho gudaheeda ka suurto geli kara,iyana waa in la xoogeeyaa Safaarada aynu ku leenahay Iitoobiya,hawlwadeenada halkaa joogana lagu kaabaa Aqoonyahano wax kara si aynu u korino isusoo dhawaanshaha inaga iyo wadamada laysku yidhaahdo IGAD.
 
Waxaan isagana u hambalyaynayaa Gudoomiyaha Telefishinka Star ee Hargeysa,Qoraa,Suxufi Maxamed Baashe oo shaqaalaysiiyey laba ka mid ahmuwaadiniinta aynu u baahanahay inaynuil gaar ahku eegno ee laxaadkoodu kala dhimanyahay.Ninka guri kale kaa casuuma Nimanyaal dheh.
 
Bashiir Tarabbi Oogle,

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
WAREYSIYO