Tuesday July 17th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Maxaanay Sax u ahayn In uu Kornayl Muuse Madaxwayne Noqdo? M. Haaruun – 6 Aug, 2017.

0
Wednesday August 09, 2017 - 10:24:40 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaanay Sax u ahayn In uu Kornayl Muuse Madaxwayne Noqdo? M. Haaruun – 6 Aug, 2017.

    Maxaanay Sax u ahayn In uu Kornayl Muuse Madaxwayne Noqdo? M. Haaruun – 6 Aug, 2017.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaanay Sax u ahayn In uu Kornayl Muuse Madaxwayne Noqdo? M. Haaruun – 6 Aug, 2017.
Su’aasha ah: sababta aanay sax u ahayn in uu Kornayl Biixi noqdo
madaxwayne Qaran, qayb ahaan waxa shalay ka jawaabay
Ismaaciil Aadan, waa uu se xanaaqay, xanaaqu na waa khatar oo
doodda saxda ah ayaa uu hadhayn karaa. Ismaaciil hadalkii uu
shalay sheegay, iyo midkii dhawr maalmood ka hor uu ka sheegay
Alay-Baday, waxa ku jiray laba qodob oo dood-siyaasadeed hufan
ah, oo aanay Kulmiye jawaab u haynin, una heli Karin haba
yaraatee. Shalay waxa uu xoogga saaray qadiyadda muhiimka ah
ee hufnaanta oo uu Kornaylku meel madhan ka joogo. Waxa uu
sheegay intaas oo kiis dhul boob ah, oo Kornaylku ku lug leeyahay,
oo la wada ogyahay, dadkii lahaa na uu magacdooda xaadiriyay.
Waxa uu keenay su’asha ah – Kornaylku ma shaqaysanin, dhulal iyo
guryo ciidda ka badan na waa leeyahay ee xagee ka keenay? Car ha
la helo cid u ab tirisa oo doodda dhulboobka iyo guryaha ka
jawaabta! Xaasha iyo tu aan dhacaynin weeye. Isaga oo aan awood
dawladeed oo toos ah gacanta ku haynin hadii uu Kornaylku boobka
intaas leeg sameeyay, oo maantadan iyo saacaddan uu boobkii
haysto, oo aanu iska celinin, xaalna ka bixinin, muxuu samayn kara
hadii uu talada wadddanka gacanta ku dhigo?
Su’aashaas ayaa meesha taala oo aanay Kulmiye doonaynin in la is
waydiiyo, maxaa yeelay jawaab ma u hayaan! Waa doodii shalay
taasi. Maalintii hore na waxa uu Ismaaciil ku dooday in aanay
Kornaylka cidina qaban Karin, sharci iyo shakhsi toona, sidaas
darted na aan talo umadeed lagu aamini Karin, tusaalayaal na waa
uu keenay. Waxa uu sheegay in Kornaylku uu meel madhan ka
joogo mabaadiida talo wadaagga iyo ra’I isu gayn-gaynta, sidaas
darteedna aanay ahayn in talo loo dhiibto. Waa dood hufan, oo aad
u hufan oo siyaasadeed, aanay se Reer-Kulmiye doonaynin in ay ka
jawaabaan. Kornaylku maanta ma dhalanin, dadku na waa is
yaqaanaa, intan uu Ismaaciil sheegay na, waa boqolkii hal uun ka
mid ah masiibooyinka Kornaylku jjiidanaayo ee ciidda ka badan, oo
qaar ka mid ah na uu hore u sheegay Cali-guray. Sidaas oo ay
tahay, Ismaaciil waa uu xanaaqay, isaga oo gar leh in uu xanaaqo
na ma ahayn. Maahmaah Soomaaliyeed baa ah, "Nin gar leh oo
cadhooday, iyo nin middi haysta oo margaday midkoodna
garawshiiyo ma laha.” Ninka garta lihi waa in uu gartiisa oogta ka
cadeeyo uun, ninka midida haystaa na waa in uu hilbaha iska
yaryareeyo si aanu ugu marganin, hadii ay sidaas samayn waayaan
na, wixii ka qaldama loogu garaabi maayo midkoodna.


Ismaaciil xanaaqii waxa uu ka keenay in uu golaha ka sheego
naanaysta uu lahaan jiray odaygii Kornaylka awawga u ahaa,
keligiis na ma aha ee qoraal iyo aftiba iyada oo fagaarayaal kala
duwan lagaga sheegayo waa la kulmaa. Mar kastaba, hadda iyo
hadeerba, anigu arintaas waa ka soo hor jeedaa. Eeg, hadii loo
jeedo dood siyaasi ah, meesha foolxumooyin tiro badan ayaa yaalla
oo ay tahay in la soo ban dhigo. Kornaylku dhaliilo aanay cid kale
ba lahayn, oo wax na uu ka dhaxlay Kulmiye, waxna uu isagu
shakhsi ahaan u leeyahay, oo kuwan Ismaaciil sheegayaa ka mid
yihiin ayaa u buuxa. Ma dareemi karo sabab loogu baahanyahay soo
hadal qaadka oday noolaa ugu yaran boqol sano ka hor. Kornaylka
siyaasi ahaan ayaa aan isu haynaa, waxa aanan leenahay, kolka la
eego sababaha ciidda ka badan ee banaanka yaalla, ee wada runta
ah, ee xataa isaga qudhiisu aanu iska difaaci karrin, ninkani ma aha
shakhsi sinaba ugu haboon hogaamin umadeed. Taas weeyaan
dooddu, wixii dooddaas siyaasiga ah ka baxsani na waa debedda.
Waxyaabaha ay dimuquraadiyaddu ku wacantahay ayaa ay ka mid
tahay in la shiilo, oo ubucdiisa banaanka la soo dhigo qofka talada
umadda doonaaya. Qofkii taas og, ee xaalkiisa na og, ee hadana
indho adayg awgii umadda isu soo hor taaga na, bulshada ayaa la
tusayaa. Somaliland-neey Muuse waa kaas ayaa la odhanayaa,
cayna ma aha, hadii ay isaga ku koobantahay. Kornaylka waa u
furantahay in uu tartanka ka baxo maxaa yeelay doodaha la
keenaayo in badan oo ka mid ah ayaa ka joogsan doonta, laakiin
dhulalka dadkii lahaa joogaan ka mid ma aha dooddaha
joogsanaaya.
W.Q: M. Haaruun – mbiixi@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO