Saturday July 21st, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Cali Guray waa Mujaahidka Qabyaalada.!! By Abdi Ismail Abib

0
Wednesday August 09, 2017 - 13:32:23 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Guray waa Mujaahidka Qabyaalada.!! By Abdi Ismail Abib

    Cali Guray waa Mujaahidka Qabyaalada.!! By Abdi Ismail Abib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Guray waa Mujaahidka Qabyaalada.!! By Abdi Ismail Abib Inta badan waxaynu maqalnaa niman waaweyn oo Siyaasiyiin isku haysta oo goobaha fagaarayaasha Siyaasada si qaawan ugu hadaaqa weedho aan miisaanayn oo caadifad qabiil ku ladhantay, hadaladaas raqiiska ahi waxay dhago barjeeyaan maxasta iyo wax magaratada iyadoo lagu khaldayo ama masiirkoogii lagu duminayo, caqliyadoodiina lagu caayayo, hadaladaas waxa ugu danbeeyay weedho uu Cali Guray ka yidhi goob ay joogeen Musharaxa xusbiga Kulmiye Muse Biixi oo ahayd madal lagu soo dhaweenayay taageerayaal cusub oo kusoo biiray, hadaladaas oo runtii ahaa wax laga yaqyaqsoodo in nin Siyaasi sheeganayaa uu si qayaxan u yidhaa " Ma dhici doonto waligeed in nin reer hebeli uu Madaxweyne noqdo hadii uu hebel dhaco". Waa hadal aad u jaban laguna caayayo caqliyada iyo garaadka ummada reer Somaliland ama cidaa hadalkaas lagu beerlaxowsanaayay, reerkuna waa ka wayn yahay wax nin musharaxa oo laga badiyay hadiiba laga badiyo wax u noqda ama sumcadooda wax u dhimaysa. Horana tartano iyo doorashooyin waa usoo galaynay, waxaana jooga rag laba jeer isasoo sharaxay oo labadiiba laga badiyay imikana diyaar u ah inay tartamaan sunaha doorashada ayeeyna ka mid tahay in tartanada lagu kala badiyo. Ceeb weyn iyo habaarna wey ku tahay in beel balaadhan la yidhaa waligiin halkaa Muuse gaadhay nin gaadhayaa idinka dhalan maayo.



Waxaana wax aad looga murugooda ah in inta Siyaasada dhagaraysan ee Somaliland ku macaashta ay shaqo ka dhigteen inay qabiil wax ku doontaan ama qabyaalad cad ku olaleeyaan, iyadoo taasi ay dhawac wayn u gaysanayso Jiilasha soo koraya ee lagu ababinayo qabyaalada iyo inaan waxba laga xishoon, dowladnimada aynu sheeganayno ee sii saqiiraysana booraan kusii ridaysa . Nimanka tartamaya ee Musharaxiinta waxa laga rabaa inay la yimaadaan Siyaasad iyo Barnaamij wax qabad oo ummada min Galbeed ilaa Bari ay ugu siman yahiin waxna ugu qabanayaan, kana fogaadaan waxkasta oo ummada kala qaybinaya.

Hadalada Mujaahidka qabyaalada ee Cali Gurayna waxba uma tarayaan Musharax Muuse wax ay yeelan mooyana waxayna dhaawac weyn ku tahay asteentii Dowladnimo iyo aragtiidii caalamka inaga qabeen inaynu Dowlad noqon karno oo ay wiiqayso.

Gabayadii Guba gabay uu tiriyay Jamac Xirsi guleed ayaa waxa ka mid ahaa tuducyo ku saabsa oday wayn oo qabyaalada iyo isku dirka ummadu ay madax martay sida Mujaahidka Qabyaalada ee Cali Guray.

Duq gaboobay waxa u roon afkii inuu dabooshaaye,
Marse haduu duleedyada ka ciyo waa darxumo weyne,
Danbi iyo xasaraad baa Illaah kuugu dowgalaye,
Dariiqyada janada loo maraad dacal maraysaaye,
Nin dardaarankii wacnaa seegayo doorsan baa tahay.

Allaa mahadleh,

Abdi Ismail Abib
Antwerpen, kingdom of Belgium


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO