Wednesday June 20th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Maan Helin Mushaxarkaygii Wali Madaxweyne Waa Qalinkii Sakariye C/kariin Maxamud

0
Saturday August 12, 2017 - 18:35:08 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maan Helin Mushaxarkaygii Wali Madaxweyne Waa Qalinkii Sakariye C/kariin Maxamud

    Maan Helin Mushaxarkaygii Wali Madaxweyne Waa Qalinkii Sakariye C/kariin Maxamud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maan Helin Mushaxarkaygii Wali Madaxweyne Waa Qalinkii Sakariye C/kariin Maxamud

Maan Helin Mushaxarkaygii Wali Madaxweyne

Shaqaalaha Caafimaadka Ee ka hawlgala Custibaalka Weyn Ee gobolka Togdheer

Madaxda Xafiisyada wasaarada caafimaadka Ee dalka Ujooga gobolada Ee aan lagu soo xulan Aqoon iyo Xirfad Mid Toona Waxay caado ka dhigteen ka faa’ideysiga Awoodaha Xilka ay qaranka uhayaan yagoo Mushaharkii Shaqaalaha aan lasiin qaarkooda Bilo iyo Sannadaba Taasuna waxay Tusaale cad utahay Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumadiisu inay Ilaaween Shacabkii iyo Shaqaalihii Codkooda ugu Hiiliyey Maalintii Doorashada

Siyaasadii Xisbiga kulmiye ku hantiyey Doorashadii Madaxtooyada Ee dalka ka dhacday sannadkii 2010 wuxuu indhaha shacabka soo hordhigay Barnaamij siyaasadeed ka hadlayey Xaaladaha kala duwan Ee ay ku sugan yihiin

Halgankii adkaa Ee Xisbiga kulmiye Uu shacabka kaga dalbanayey Codkooda inay siiyaan yagoo usoo bandhigay Barnaamijkoodu wuxuu Noqday Miday ugu Abaal celiyeen Kumanaankii dad weyne Ee Door biday inay doortaan Xisbiga kulmiye kuwo aan Helin waxqabadkii Loo balan qaaday Oo dhameystiran

Barnaamijkiisa waxaa ka mid ahaa inuu Culayska saarayo sidii ay shaqaalaha Qaranku U heli lahaayeen Mushaharkooda Oo joogtaa yadoo Xukuumadii Xisbiga UDUB Ay caado U ahayd In aanay shaqaalaha Siin Mushaharkooda Oo Joogta Sida Xukuumadan Maanta jirta Oo kale

Qoraaladii ay Farshaxanimadu ka muuqatay waxay noqdeen kuwo aan soo dhaafin Xayndaabyada ku Xeeran dhismaha wasaarado aan ka war hayn Xaalka dhabtaa Ee shaqaalahooda iyo inay qaateen Mushaharkay Xaqa ulahaayeen

Shaqaalaha ka hawlgala Cusbitaalka weyn Ee Magaalada Burco ayaa ka mida kuwo aan wali la siin Mushaharkay Xaqa ulahaayeen yadoo waliba loogu Daro caga jugleyn iyo In shaqada laga Eryayo Haddii ay cabsho Muujiyaan waana Ta keentay in ay shaqaaluhu Noqdaan kuwo Aamusan

Sannadkii 2013 Markii ay Haayada Dhakhaatiirka aan Xuduudka lahayn Ee MSF ay shaqaalaheedi ka hawlgali jiray Cusbitaalka weyn Ee burco Kala Baxday Muddo ay gacanta ku haysay waxay Xukuumadu Balan qaaday inay la wareegi doonto Shaqada Cusbitaalka iyo Shaqaalihiisaba

4 saano ka dib waxaa ka muuqda guddaha Cusbitaalka Weyn Ee Burco dayac Balaadhan iyo in aanay Xukuumadu Buuxin Shaqadii ay Haayada MSF hore ubanaysay

Masuuliyiinta wasaarada Caafimaadka ayaa Marka wax laga weydiiyo Mushahar Bixinta shaqaalaha waxay sheegaan inay yihiin shaqaalahan Cabanayaa kuwii U shaqeyn jiray Haayadii MSF Ee aanay ahayn kuwo ka diwaangashan Wasaarada Caafimaadka

shaqaalaha ka shaqeeya Cusbitaalka ayaan ahayn kuwo Mushahar lagu Siiyo Xuquuqda ay wasaarada ku leeyihiin laakiin ah kuwo kasiman Mushahar la’aantani jirta yadoo Xitaa aan Muwaadiniinta lagu Tixgalinayn Shaqada ay qaranka uhayaan

Saraakiisha ka hawlgasha Xafiiska wasaarada caafimaadka Ee gobolka Togdheer ayaan ahayn kuwo guta waajibkii shaqo Ee ka saarnaa wasaarada yagoo og in aanay jirin isla xisaabtan dhab Oo aan lagu sameyn waxaanay isku halayn ku qabaan Qaar kamida Wasiirada iyo Safiirada Xukuumada

Cusbitaalka weyn Ee Burco ayaa hada la mida sida Cusbitaalada gaarkaa yadoo Bukaanado laga qaado lacagta Sariiraha ay ku Jiifsanayaa Oo hore U ahaan jiray Kuwo Bilaasha waxaa yana layaab ah in Irbadaha,gashi gacmeedyada (Gloves) iyo Cudbiyada lagu dhayo Bukaanada ayaa yaguna ah kuwo Bukaanada loo soo iibinayo

Dhaqaalaha intaa leeg Ee kasoo Baxa cusbitaalka iyo kuwo ay Haayadaha Caalamigaa ugu Deeqaan ayey ka qatan yihiin shaqaalaha ka hawlgalaa waxaynu wada baahanahay in aynu ogaano maxaynu ula xisaabtami weynay Xukaamad aan ina siin Xuquuqdii Uu Muwaadinkani lahaa ?

Sakariye Cabdikariim Maxamuud


Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
WAREYSIYO