Sunday July 15th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Dhimirka iyo Dhibaatooyinka ku gedaaman (Qaybtiii 2aad)

0
Tuesday October 03, 2017 - 10:29:12 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimirka iyo Dhibaatooyinka ku gedaaman (Qaybtiii 2aad)

    Qaybtii koowaad waxaynu si balaadhan uga soo wada hadalnay dhibaatada ku gadaaman dadka dadka la nool xannuunka dhimirka. Nadaafada dadka la nool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii koowaad waxaynu si balaadhan uga soo wada hadalnay dhibaatada ku gadaaman dadka dadka la nool xannuunka dhimirka. Nadaafada dadka la nool

Qaybtii koowaad waxaynu si balaadhan uga soo wada hadalnay dhibaatada ku gadaaman dadka dadka la nool xannuunka dhimirka. Nadaafada dadka la nool xannuunka dhimirka oo liidata, faqooqid iyo rajo la’aan baahsan oo noloshooda laga qabo ayaa kamid ahaa dhibaatooyinka saameeya dadkan.

Waxa aynu qaybtan si balaadhan ugaga wada hadli doonaa dhibaatooyinka ay dadkani kala kulmaan xarumaha caafimaad ee lagu hayo. Sida aynu wada ognahay, iyada oo xannuunka dhimirku uu u baahan yahay daawooyin caafimaad oo lagula tacaalo dadka la nool, waxa badiyaaba aynu aragnaa iyaga oo kolba meel la gaynayo si loogu dabiibo iyada oo la ilaaway in ay jiraan dad iyo dawo loo adeegsado oo si lama huraana ugu shaqaynaya. Goobaha badanaa la geeyo dadkan waxa kamid ah cilaajyo nadaafadoodu liidato, guryaha dhexdooda oo aan ahayn meel qalbiga qofku ku xasilayo, iyo xarumaha loogu tala galay in lagu daaweeyo oo aan xirfad iyo aqoon la’aan awgeed si liidata ula dhaqma dadka marka laga reebo dhismayaasha iyo daawooyinka oo ku yar.

Waxyaabaha aadka loola yaabo ee dadkani kala kulmaan goobaha ay ku jiraan waxa kamid ah jidh-dil aad u baahsan oo lagula kaco wakhtiyada dawooyinka la siinayo iyo xiliyada kale ee iyaga dhexdooda la dhex dhexaadinayo. Qaar kamid ah sida dumarka way ku yar yihiin dumar caawiya oo ilaaliya nadaafadooda oo daryeel buuxda siinkaraya tanina waxay sababtay in qofka xarumahan galaa aanu yeelan rajo dambe oo uu kaga soo baxa. Dayaca ka muuqda goobahani kuma koobna aqoon la’aan haysata dadka ka shaqaynaya laakiin waxa jirta dhibaatooyin dheeraad ah oo kaga imanaya goobaha ay ku nool yihiin ha noqoto goobaha ay seexanayaan oo aan ku filnayn, ha noqoto goobaha ay isku nadiifinayaan, ha noqdaan deegaanka liita ee aan soojiidashada lahayn ee ay ku dhex nool yihiin, ha noqdaan cuntada ay cunayaan tayadeeda, ha noqoto badbaadada deegaanka iyo kala ilaalintooda.

In kasta oo aan dhibaatada ku gadaaman dadka la nool xannuunka dhimirka aan intan lagu soo koobi karin, haddana waxa jirta in xaalada dhabta ah ee ay ku nool yihiin ay noqoto mid aanay ku noolayn cidkale. Guntii iyo gaba gabadii, waxa inoo muhiim ah inaynu daryeelno oo aynu indho naxariisle ku eegno dadka la nool xannuunka dhimirka kuwaaso u baahan aqoon mid diinteena suubani ina farayso iyo midkaleba, xirfado muhiim u ah daaweyntooda iyo kor u qaadida xuquuqaha ay inagu leeyihiin haddii diinteenu ina farayso iyo haddii ay tahay mid lagu qeexay dastuurkeena, waxay u baahan yihiin fahan dheeraad ah iyada oo waxbadan laga soo qaadan karo dalalka horumaray iyo sida ay ula tacaaleen daawaynta iyo ilaalinta dadka la nool xannuunka dhimirka.

Qalinkii: Maxamed Rashiid Xuseen

Tlilfoonka: 252 63 4002027

Ciwaanka:mohamedashid402@gmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO