Tuesday July 17th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

TOBAN DARIIQO OO AAD HADAFKASTA KU GAADHI KARTID W.Q KADIM AL

0
Tuesday October 03, 2017 - 16:06:43 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TOBAN DARIIQO OO AAD HADAFKASTA KU GAADHI KARTID W.Q KADIM AL

    AAMINAAD.Qodobka ugu horeeya markaad hadaf samaynayso waa inaad aaminto inaad gaadhi karto yoolkaaga. Haddi aanad aamisanayn inaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AAMINAAD.Qodobka ugu horeeya markaad hadaf samaynayso waa inaad aaminto inaad gaadhi karto yoolkaaga. Haddi aanad aamisanayn inaad

  1. AAMINAAD.Qodobka ugu horeeya markaad hadaf samaynayso waa inaad aaminto inaad gaadhi karto yoolkaaga. Haddi aanad aamisanayn inaad noloshaada bedeli kartid, waxaad noqonaysaa mid fashilmay. Balse waa inaad ALLE talo-saarato ,aamintana inaad hadafkaaga gaadhi karto.

  2. SAWIRO HADAFKAAGA. Waa inaad sawirato waxa aad rajaynsyso inaad qabato, noqoto ama yeelato. Waa inaad sidoo kale sawirato waxaad u baahanayso si aad u gaadho yoolkaga sida aqoon IWM.

  3. QOR YOOLKAAGA. Qorista yoolkaaga waa dariiq muhiim ah oo aad ku gaadhi kartid hadafkaaga. Haddii aad qori waydo yoolkaaga waxa dhici karta inaad ilawdo ama ınaad ka caajısto la ımaanshaha sababıhıı aad ku gaadhı lahayd.

  4. OGAANSHAHA SABABTA AAD YOOLKAN KU DOORATAY. Waxa fiican qofku marka uu yool leeyahay inuu ogyahay sababta uu yoolkan ku doortay. Inaad ogaato sababta aad yoolkan u dooratay waxay ku siinaysaa dhiirigalintii aad u baahnayd si aad hadafkan u gaadho. Isku day inaad ugu yaraan u raadiso hal sabab oo cadaynaysa waxaad ku dooratay yoolkaaga.

  5. WAA INAY KAA GO’AN TAHAY INAAD YOOLKAAGA GAADHO. Marka aad doonayso inaad yoolkaaga gaadho waa inaad go,aan adag qaadato, kaas oo ah inaanad is-dhiibaynin , niyad-jabaynina kolka ay wadada aad yoolkaaga u maraysaa adkaato. Waxaanad mar labaad ogsoonaataa in qodobka afraad uu yahay mida uu ku salaysan yahay dhabar-adaygaaga iyo u sabrida dhib kasta oo kaa hor istaagta inaad yoolkaaga gaadho.

  6. NOQO MID KU MASHQUULSAN HADAFKIISA. Waa inaad noqoto mid hadafkiisa ka fikiraya maalinkasta iyo wakhti kasta. Waxaanad taa ku gaadhi kartaa inaad dhigto ama aad ku qorto ahdaaftaada meel aad maalinkasta ka arki karto. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato, is barbar-dhigtana waxa kuu qabsoomay ilaa hadda iyo ınta kaaga dhıman inaad gaadho si aad yoolkaaga u xaqiijisid.

  7. DIYAARIN QORSHE AAD KU GAADHAYSO YOOLKAAGA. Waa inaad diyaariso qorshe balaadhan oo aad ku gaadhayso yoolkaaga. Waa inay qorshahaasi ku jiraan wakhtigaad yoolkan gaadhi lahayd, waxaad u baahan tahay si aad u gaadho hadafkan ,IWM.

  8. MA JIRO WAKHTI LA MID AH IMIKA. Markaad doonayso inaad yoolkaaga gaadho waa inaad xiligan aad joogto aad ku dadaashaa samaynta waxkasta oo kaa caawinaya inaad xaqiijiso hadafkaaga. Ka faaidee wakhtiga aad hayso , iyo awoodahaaga imika , hana u dib dhigin yoolkaaga mustaqbalka.

  9. ISĶA WARHAYN. Waa inaad si aad u gaadho hadafkaaga, aad naftaada balan kula gashaa inaadan is-dhiibaynin markay xaaladahu adkaadaan , ee uu dariiqii aad u maraysay yoolkaagu uu noqdo mid cakiran. Haddii aad ogtahay in aanad naftaaga dhiirigalin karayn markay xaaladuhu adkaadaan ,waxaad samaysan karta qof ku dhiirigaliya , kuna tusa faaidooyinka iyo dheefta ku jirta gaadhista hadafkaaga, si aanad u rajo-dhigin.

  10. DIB-U EEGISTA AHDAAFTAADA. Waa inaad yeelata wakhti u gaara qiimaynta ahdaaftaada. Waxaana wanaagsan markaad diyaariso qorshihii aad ku gaadhi lahayd hadafkaaga inaad samaysatana wakhti aad ku qiimayso. Si aad u ogaato inaad u dhawaatay xaqiijinta himilooyinkaagii kala duwanaa. Waxaanay dib-u eegistani noqon kartaa mid bille ah ,lixdii bilood hal mar, toddobaad kasta ,IWM.



Maqaalkan waxaan ka soo dheegtay: BRADLEY FOSTER.


Akhrisyaasha sharafta leh , waxaad si joogto ah aad maqaalkan iyo maqaalo kaleba kala socon kartaan mareegta aan ku leeyahay degelka MEDIUM iyo websiteyada ku baxa afka SOOMAALIGA.

AMA link-gaN

https://medium.com/@Kadim/toban-dariiqo-oo-aad-hadafkaaga-ku-gaadhi-kartid-1b927e4ee3a4



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO