Sunday July 15th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Kaftanka Muuse Iyo Cirro

0
Tuesday October 03, 2017 - 18:30:30 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaftanka Muuse Iyo Cirro

    Kaftanka Muuse Iyo Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaftanka Muuse Iyo Cirro

Marka hore xamdi alla iyo naxariis Eebbe. Marka xigga, Iyagiyo allahoode la lahaa Muuse iyo Cirro ayaa kaftamay. Kuye Cirro, "Waaryaa Muuse Inaadeer markaan ku arkaba waad cadhaysantee farxadba miyaydaan is arag? Suuye Muuse; "Kkk...Maya, waan farxaa ee cadhadayda iyo farxadaydaa kala badan baa laga yaabbaa, waxse aan ku waydiiyay Adiga, markaan ku arkaba waad qoslaysaaye miyaydaan cadho ba is arag? Kuye Cirro; "KKKK...Horta qosolkaygu waa abuur. Inta badan farxad baan la qoslaa oo qosolku waa astaanta farxadda. Marar qaarkoodna qosolkaygu cadho qarsi buu taagan yahay, xamilkayguna waa hibo, waayo horraa loo yidhi hadaad Salbatawayn joogto himiladdada badh baa la qarsadaa, haddii kale qof walba waad u jawaabaysaa, haddaad sidaa noqotona madaxnimo dhimatay.”

Suuye Muuse; "Anba aad baan u dulqaad badnahay oo todobaddaa sannadood wixii i soo maray nin kale uma dulqaateen, laakiin daalacan baan dhashay oo wax kastaba Muusaa sameeyay uun baa la odhanayaa, markaa wax aanan ahayn baa laygu tilmaamaa..."

Kuye Cirro; "kkkk...Muj. Adiga farro fidintaadii iyo xasaraddaadii horraa badnayde, Anba eegga wax aan laygu odhani ma jirto, dhaliishanna Inagaa soo doonaynay ee aan xamilno. Midda kale muj. haddii lagu yidhaahdo Cirro sidaad u taqaannaa maxaad odhan lahayd? Suuye Muuse; "KKkkkk....Waxaan odhan lahaa Cirro waa nin qosolkiisu badan yahay, jilicsan, debecsan, duruufta adag aan dalka ka saari karrin.... Adigu maxaad xagayga ka odhan lahayd? Kuye Cirro; "Horta qosolkayga waanigii hore kuugu sheegay. Ta debecsanidana waxaan kaa idhi, markay dadkayga tahay waa run waan u debecsanay, laakiin shisheeyaha waan ku addagay. Jillicsanaantana waxaan kaa idhi, ninna dab aannuu ku guban dambaskiisa kama baydho. Haddaan taada u soo noqdona waxaan odhan lahaa, Muuse waa nin qalafsan, macangag ah, dulyar, labo aan laysku helin labadaba jecel, bakhayl ah, dadka isku wadi karrin, laakiin haasaawe badan...."

Suuye Muuse; "Anigu nin adag baan ahay ee nin qalafsan ma ihi, macangagna ma ihi, kursiga iyo lacagtana adba labadaba waad jeceshahay, laakiin taa bakhaylnimadda waxbaa ka yarra jirra, ee sidayda wax u qirro" Kuye Cirro; " Muj. Anigu kursigaa aan doonayo ayaan jecelahay, lacagtana waan ku muraadsadaa si aan kursigaa u gaadho, laakiin Adigu lacagtaad jeceshahay, kursigana iyadoon kharash kaaga bixin in lagu yidhaa hoo baad jeceshahay, xitaa aniga haddii layga kaa reebi karro iga reebbaad odhan lahayd" Suuye Muuse; "kkkkkk...Kula yaabi maayo oo waxa i haystaan ku haysan, wiyil raaxo joogtaa ku dabaalataa webi...Kursiga jid dheer baan u soo marray, waad ogtahay waxaan qodax soo jiidhay, adna qunyar baad iska soo booddoo markaasaad isleedahay siddaasaa laguugu waddayaa, siddi siddiddaada mooyee dhul u dhacaaga hubso"

Kuye Cirro; "Dee waad xanaaqdee, waa maxay hanjabaadu....." Suuye Muuse; "Maya ma xanaaqin ee waa siddaa..." Kuye Cirro; "Hadda, hanjabaad diblomaasi iyo hanjabaad millateri ta diblomaasigaa khatarsan, taadu waa daahir yaa shamis, taydana goor lagu taabtay ogaan mayside yaynaan isla fogaan. Midna waan kaaga mahadnaqayaayoo horta ficilkaagu Aniga wax badan buu i tarraa, Illaahay baa isugu kay hagaajiyay Anna waan dadaalayaa, siday wax usocdaanna waad aragtaa, markaa saaxiib markaan kursiga tago kuu darraan maayoo, kollay wax badanni kaama bixine wixii kaa baxayna waan kuu celinayaa, mid kalena waan ku siinayaa, taliyaha ciidankana haddaad doonayso waan kaa dhigi ee shaydaanka iska naar" Suuye Muuse; "Wagagac alla muxuu isla boodday, waar Aniga dhaartii uun baa ii hadhaye, Wasiirka Arrimaha Dibaddu dan ma kuu yahay" kkkkkkkkkkk..... Kuye labaddooduba; "Waar waa inoo mar kale iyo hay waa inoo mar kale".

Run maaha ee waa jareexo iyo haasaawe mala awaal ah.....Waa innoo tan teedda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO