Tuesday July 17th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Beelaha Codka Laga Rabbo Maxaa La Gudboon....W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

0
Sunday October 08, 2017 - 20:45:35 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beelaha Codka Laga Rabbo Maxaa La Gudboon....W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

    Guud ahaan jamhuuriyada somaliland waxaa ka socda u diyaar garowga doorashdaa la filayo inay dhacdo November 2017, doorasho kastaa waxay leedahay xamaasadeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guud ahaan jamhuuriyada somaliland waxaa ka socda u diyaar garowga doorashdaa la filayo inay dhacdo November 2017, doorasho kastaa waxay leedahay xamaasadeeda


Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Guud ahaan jamhuuriyada somaliland waxaa ka socda u diyaar garowga doorashdaa la filayo inay dhacdo November 2017, doorasho kastaa waxay leedahay xamaasadeeda hawsheeda qaran iyo dhamaan waxkasta oo ku lamaan ,tanina waa doorashadii abdi soomarta somaliland ee ugu xamaasada badnayd. waxaa aad muhiim u ah marka lagalayo doorashadan oo kale in loo galo si maskaxeed xeeldheer oo la dhiso lana wacyi geliyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan si looga gaashaanto dhamaan wixii ka iman karra doorashadaasi.


haddaba, saamaynta ay yeelanayso bulshadu ayaa waxaa ugu horaysa dhanka codka oo ay dhiibanayaan shacabku.
sida aan ognahayna waxay bulshadu u qaybsan tahay qayb sharaxan iyo qayb cod laga doonayo marka loo dhigo qaabka qabiiliga ee loo kala ablo-ablaysan yahay.
wakhti xaadirkan beesha ugu balaadhan ee dadka laga doonayo codka ee bulshada kamida ah ee an yaga dhexdooda ka sharaxnayn waa beesha saamaynta iyo baaxada weyn ee Habar Toljeclo ( Hbarjeclo).

beeshani waxay dagtaa 5 gobol doorasho oo kamid ah 6 da gobol doorasho ee jamhuuriyada somaliland.
waxaana ay kala yihiin 5 taa gobol doorasho:
Maroodi Jeex
Saaxil
Togdheer
Sanaag Iyo
Sool


Haddba Bulsho sidan u balaadhan una baaxad weyn maxaa la gudbnoon.

MIDAYN GUUD
ugu horayn inay mideeyaan dhamaan bulshada guud kana aayo tashadaan mabaadiidooda qaran iyo qoys ba iyaga oo ka duulaya siyaasada guud ee somaliland kuna salaynaya si bilaa turxaan ah iyaga oo looga baahan yahay wakhtigan inay noqdaan bulsho ka dhex muuqata 3 da xisbi qaranba waayo dhamaantood waa hanti qarran haba lagu kala badnaadee maaha in laysa soo koobo, loona cadhoodo ninka mabdaisu geeyo xisbi kale.

HADAF
markasta oo la helo hadaf yoolna meesha yimaado waxaa qasab ah in horumarna uu daba yaalo ama uu daba socdo, sidaa oo ay tahay waxaa muhiim ah in la yeesho hadafyo kala duwan layskuna raaco hadafyo aan lagu qasaaroobayn sidookale u qaybsan 3 da xisbi intooda cududa roon si aan codku meel ugu wada dhicin hadhawna aanu ukeenin qasaare baahsan, balse waa in lahays baahiyaa.
HESHIISYO CADAAN AH
nolosha iyo wakhtiga aan joognaa waa dunidii wax kala qorashada iyo cadaymaha lakala reeban jirray laakiinse maaha wakhtigii dhuuni la dhaafsan lahaa xurmada qofeed iyo qarranba.
sidoo kale wakhtigani maaha wakhtigii dhuuniga laysugu guul wadayn jirray ee waa wakhti siyaasi ah siyaasaduna sideedana waxay leedahay dan joogta ah uun ee malaha saaxiibtinimo iyo wax wada lahaansho keliya wixii xeer iyo waraaq aad ku qorratay uunbaad ku xisaabtami kartaa.
waxaan aad ugu boorinayaa cid kasta oo laga rabbo xiligan inay balanqaadka afka ah dhaafaan una bedelaan cadaymo iyo wax tixraacooda la heli karro oo aan lumayn.
AMAANKA OO LA ILAALIYO
Cidkasta oo maanta reer somaliland ah Bulshada ama Xisbiyada waxaa looga fadhiyaa inay si buuxda oo kalsooni leh u sugaan una ilaaliyaan amaanka deegaanada Doorashada iyo guud ahaan dalka oo dhan.



……Wabilaahi Tawfiiq……
 
 

W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
 
Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan
Abwaan Dareen Cabirre Ah
Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha
Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan
Kafaalooda Arimaha bulshada
Siyaasada Somalida Iyo Caalamka
Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah
Dhexdhexaad Xeer-beegti ah
Xil Guudna Sidda.
 
Mob: +25263 409 48 55



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO