Tuesday July 17th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Sidee Mawduuc loo falanqeeyaa? W/Q KADIM ALI

0
Wednesday October 11, 2017 - 11:09:00 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Mawduuc loo falanqeeyaa? W/Q KADIM ALI

    Maqaalkan waxaynu ku soo qaadan doonaa sidii aynu uga dhigi lahayn falanqaynta aynu falanqayno mawduucyada kala duwan ,ha ahaadaan kuwa ku saabsan Siyaasada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maqaalkan waxaynu ku soo qaadan doonaa sidii aynu uga dhigi lahayn falanqaynta aynu falanqayno mawduucyada kala duwan ,ha ahaadaan kuwa ku saabsan Siyaasada

Maqaalkan waxaynu ku soo qaadan doonaa sidii aynu uga dhigi lahayn falanqaynta aynu falanqayno mawduucyada kala duwan ,ha ahaadaan kuwa ku saabsan Siyaasada Dalka sida waxbarashada ,dhaqaalaha , IWM. Waayo falanqaynta arrimaha dalku waa waxa inta badan bar-kulanka blushda lagaga hadlo.

Mawduucyada iyo hadalada lagu falanqeeyo goobahaas sidii looga dhigi lahaa qaar ku salaysan xog, aragti , khibrad , iyo fikrado , una noqon lahaayeen qaar is-fahan iyo ixtiraam ku jiro , kana soo baxaan fikrado kala duwan iyo aragtiyo midaysan oo ay ku ladhan yihiin xoog dhammaystirani ; waa mawduuca maqaalkan.

Marka aynu doonayno inaynu mawduuc ku falanqayno goob ama bar- kulan waa in aynu afar shay ku salaynaa falanqaynteena:

  1. Xog. Xogtu waa waxa ugu muhiimsan ee qofku u baahan yahay marka uu mawduuc ka hadlayo. Waxaana wanaagsan in qofku uu

diyaarsado xogtii uu u baahnaa , una diyaariyo si cilmiyaysan , uu baadhana wakhti ku filan. Xogtaas oo uu ka heli karo meelo kala duwan sida buug, internet , maqaal ,IWM. Balse haddii uu qofkaasi isaga oo aan xog haynin uu doono inuu mawduuc ka hadlo waxa dhici doona inay meesha timaado is-fahan la,aan iyo muran midho-dhalays ah.

  1. Khibrad. Qofku marka uu doonayo inuu falanqeeyo ama aragtidiisa ka dhiibto mawduuc waa inuu ku soo daraa waayo- aragnimadii uu u lahaa mawduucan ,hadday tahay inuu yahay mid arrimahan ka shaqeeya , ama uu yaqaan cid arrintan khibrad u leh. Tusaale ahaan qofka ku takhasusay dhaqaalaha kuna shaqeeyay , wuxuu khibrad dheeraad ah u leeyahay sida looga hortagayo , loona xalinayo dhibaatooyinka ku saabsan dhaqaalaha. Taas oo ay dadka goobtaas la joogaana ay ka faaidaysanayaan aqoontiisa iyo rayigiisa ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa mawduucan laga hadlayay. Walibana sidoo kale ay dadka goobtaas joogaana ay ka faaidaysanayaan aqoon iyo talooyin ay isticmaali karaan markay u baahdaan. Ayna ku maarayn karaan noloshooda.

Waxayna faaidadu dadka la fadhiyaa u badan tahay marka uu mawduucu yahay mid guud sida mid ah :

( Maxaa dhulka qaaliyaynaya maalinkasta?)

Tusaale kale ,waxa isna goobta fadhiyi kara qof ay saaxiibo yihiin qof khibrad u leh arrintan laga hadlayo. Isaguna waxa uu soo bandhigayaa talooyinkii iyo khibradii saaxiibkii si looga baxo dhibaatooyinkan dhaqaale , waxayna aqoon iyo talooyin u noqon karta dadka goobtan fadhiya.

  1. Fikrad. Marka mawduuc laga hadlayo ama waxa laga qorayo waa in la soo bandhigo fikrado kala duwan , fikradahaas oo la filayo inay xal u noqon doonaan sidii loo horumarin lahaa mawduucan ama loo yarayn lahaa dhibta ku jirta mawduucan la falanqaynayay.

Waxa sidoo kale inala fadhiyi kara bar-kulankan dad aan wax aqoon iyo khibrad u lahayn mawduucan aynu ka hadlayno.Laakinse waxa fiican in iyagana la dhagaysto rayigooda laba sababood awgeed.

Waa ta koowaade , suurtagalnimada inay keenaan fikrad aynaa hore uga fikirin , oo marka aynu daraasayno noqon karta mid loo aayo.

Marka labaadna ,waa fursad cidkasta oo bar-kulankan fadhida ay ra’yigooda ku dhiiban karaan. Taas oo astaan u ah tixgalinta iyo qadarinta u dhaxaysa dadka goobtaas wada fadhiya.

  1. R’ayi bixin . Waxa dhici doonta in inta la fadhiyo bar-kulankan la

is-weydaarsan doono xog , fikrado , iyo khibrado kala duwan.

Sidaa darteed marka uu qofkasta oo bar-kulankan fadhiyaa uu xogtiisa uu hayay , fikirkiisa, iyo khibradiisaba ka dhiibto mawduucan laga hadlayo, waa in qofkasta oo goobtaas fadhiyaana uu isna fal-celin ka bixiyo fikrada, xogta ama khibrada uu saaxiibkood la wadaagay.

Waxaana haboon in qofkastaa uu si tixgalini ku jirto uu u qiimeeyo hadalka saaxiibkii , isaga oo u cadaynaya inta uu ku raacsan yahay iyo inta uu kaga soo horjeedo hadalka saaxiibkii , fal-celinta u bixinayana ku salaynaya Ra’yigisa , khibradiisa iyo fikradiisa.



Kala soco maqaalkan iyo maqaalo kaleba Websiteyada afka Soomaaliga ku baxa iyo degelkan:

https://medium.com/@Kadim





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO