Sunday July 15th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Wasiirka Diinta Oo Shaaca Ka Qaaday In Madaxda Hay'adaha Amaanku U Hakiyeen Arrimo Amni Qeybinta Mucaawino Hay'ada Khadiija Dalka Keentay

0
Thursday October 12, 2017 - 10:02:48 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Diinta Oo Shaaca Ka Qaaday In Madaxda Hay'adaha Amaanku U Hakiyeen Arrimo Amni Qeybinta Mucaawino Hay'ada Khadiija Dalka Keentay

    Wasiirka Diinta Oo Shaaca Ka Qaaday In Madaxda Hay'adaha Amaanku U Hakiyeen Arrimo Amni Qeybinta Mucaawino Hay'ada Khadiija Dalka Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Diinta Oo Shaaca Ka Qaaday In Madaxda Hay'adaha Amaanku U Hakiyeen Arrimo Amni Qeybinta Mucaawino Hay'ada Khadiija Dalka Keentay

Sheekh Khaliil ayaa sheegay in dacwad ka timi Gobolka Sanaag oo la xidhiidhay in Hay’adda Khadiija qaab siyaasadeed uga faa’iidaysanayso mucaawinooyinka ay bixiyaan ku jirto, ka dib markii la ogaaday inay waraaqahii dadku markii ay is-diiwaangeliyeen caddaymaha loo siiyey ka sawirtay (photocopy)goodie qaadatay, waxaanu yidhi,

"Runtii ma jirto sifo kaloo loo xanibay mucaawinooyinka Hay’ada Khadiija ka shaqeyso, balse arrimo dhinaca Amaanka ayaa keenay, xilligan aynu ku jirno wakhtiga xasaasiga, ka dib markii dacwad ah in arrimo siyaasadeed looga faa’iidaysanayo lagu soo eedeeyey.

Wasiirka Diinta Sheekh Khaliil ayaa shaaca ka qaaday in Marwo Hoodo Cali Fidhin sheegtay in sababta ay u sawiratay waraaqahii caddaymaha ahayd inay ugu xaqiijiso hay’adda Bisha Case e Imaaraadka inay xaqiiq yihiin dadka ay mucaawinada u doonayso,

"Waxay noo sheegtay marwo Hoodo in sababta ay waraaqaha caddaymaha dadka u sawiratay ahayd si ay ugu xaqiijiso, caddeymana uga dhigto Hay’ada Bisha Cas ee Imaaraadka inay jiraan dadka ay mucaawinada u doonayso, xafiiskooda keliyana ay geysay.

Waxuu bulshada iyo dhinacyada eedaha soo jeediyey u soo jeediyey inaan la siyaasadayn arrinkan, marka lagu wada qancana la qeybin doono, waxaanu yidhi,

"Wakhtigan dalku xaaladaha doorashada gelayo, ma haboona in arrimo aan xaqiiq ahayn lagu hadlo ama masuuliyiin lagu eedeeyo. Xukuumada waajib baa ka saaran in waxii xaalad abuuraya wakhtigan la xakameeyo. Waa la qeybin doona mucaawinada marka la baadho arrimaha shakiga keenay, madaxda hay’adaha amaanka ayaa bixiyey amarka hakinta qeybinta mucaawinada oo gaadhaysa 28 kontiinar, ka hor intaan natiijadeedu soo bixin.

 

Dhinaca kale, Gudoomiyaha hay’ada Khadiija Marwo Hoodo Cali Fidhin ayaa sheegtay inaanay xog-ogaal u ahayn eedo galabta (shalay) Maamulka, Ardayda iyo Waalidiinta dugsiga Sh Zayed International u jeediyeen Wasiirka Maaliyada Marwo Zamzam Cabdi Adan iyo masuuliyiin kale oo xukuumada ka tirsan.

Marwo Hoodo oo weriye Maxamuud Walaaleye la xidhiidhay si uu faahfaahin dheeraad ah uga weydiiyo sababaha keenay eedo Maamulka, Ardayda iyo Waalidiinta Dugsi Agoomaha lagu xanaaneeyo oo ku yaal magaalada Burco galabta u jeediyeen masuuliyiin xukuumada ka tirsan ku hortaagan yihiin mucaawinooyin raashin ah oo lagu hakiyey dekeda Berbera ayaa muujisay xog-ogaal la’aanteeda warka la weydiinayo, kagana jawaabtay ‘war eedo ah….halkuu ku jiraa”, isla markaana aan fulin balanqaadkeedii inay jawaab ka bixiso, ka dib markii ay telefoonkii xidhatay, balankii ka hor.

Sidoo kale, masuul ka tirsan wasaarada Qorsheynta Qaranka ayaa xaqiijiyey inaanay Marwo Samsam Cabdi Adan, Wasiirka Maaliyada, shaqo ku lahayn xanibaada mucaawinooyinka u socday xarumaha ay maamusho Hay’ada Khadiija, laakiin amarkeeda bixiyeen guddi xukuumadu u saartay xal u helideeda, isla markaana wada xaajoodkii lagu xalinayo arrinka uu socday.

Xogahan ayaa la raaciyey inay jirtay dacwad Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Cabdi Falaay iyo dhinacyo kale ka soo gudbiyeen hay’ada Khadiija, oo la xidhiidhay inay hawlo siyaasadeed, taasoo keentay in amarka xannibaada bixiyey loo saaro.

 



 

--
Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter
http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO