Sunday July 15th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

"Waxa Jira Dad Iibsanaya Kaadhadhka Cod-bixinta, Haddana Gubaya.." [Xasan Waraabe Cadde]

0
Thursday October 12, 2017 - 10:08:06 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxa Jira Dad Iibsanaya Kaadhadhka Cod-bixinta, Haddana Gubaya.." [Xasan Waraabe Cadde]

    "Waxa Jira Dad Iibsanaya Kaadhadhka Cod-bixinta, Haddana Gubaya.." [Xasan Waraabe Cadde]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa Jira Dad Iibsanaya Kaadhadhka Cod-bixinta, Haddana Gubaya.." [Xasan Waraabe Cadde] Guddoomiyihii hore ee guddida Olambiga Somaliland, Xasan Waraabe-Cadde ayaa ka digay dad uu sheegay inay ku hawlan yihiin arrimo halis ku ah doorashada iyo xaqa muwaadinka, kuwaas oo kaadhka codbixinta lagu iibsanayo, Xasan waxa uu tibaaxay inay jiraan dad kaadhka codbixinta ka iibsanaya haweenka iyo dhallinyarada, kaddibna gubaya si ay u khasaariyaan codkooda.


"Waxa jira dad meel kaga dhacaya xaqa muwaadinku u leeyahay inuu doorto hoggaamiyaha uu dalka ku aaminayo, kuwaas oo kaadhka ka iibsanaya kaddibna gubaya si ay qofka uga hor joogsadaan inuu codeeyo. Waxaan uga digayaa dadka inay ka feejignaadaan arrintan.” Sidaas ayuu yidhi Xasan.

 

Xasan oo saamayn badan ku dhex leh dhalinyarada Somaliland, waxa uu sheegay inuu ka qayb-qaadanayo ololaha doorashada Madaxtooyada, isla-markaana uu si toos ah u taageerayo Murashax Muuse Biixi Cabdi oo uu uu sheegay inuu ku qancay barnaamijkiisa siyaasadeed, waxaanu ka dalbaday dhallinyarada inay taageeraan murashaxa "Maaddaama aan muddo dheer ku soo jiray ciyaaraha, fursaddii ugu fiicnayd ayaa maanta taagan oo ah in dhallinyarada ciyaaruhu ay helaan hoggaamiye kor u qaada ciyaaraha. Maanta waa maalintii loo baahnaa, waa inay doortaan nin horumar gaadhsiin kara ciyaaraha, kaas oo aan anigu u arko inuu yahay Muuse.” Ayuu yidhi.
Xasan Waraabe Cadde


"Muddo 25 sannadood ah ayaan si mutadawacnimo ah dalka ugu shaqaynayay, maantana waa inaan ka fikirno, dhallinyarada aan ku dhiirigelinayaa inay ka fiirsadaan halka ay fartooda saarayaan iyo madaxweynaha ay u codaynayaan. Waana igu waajib in dhallinyarada aan u tilmaamo halka uu ku jiro horumarkoodu.”

Xasan-waraabe Cadde waxa uu sheegay in muddo bil ah oo uu dalka kaga maqnaa safarro dibadeed uu ka shaqaynayey hawlo faa’iido u leh dhallinyarada Somaliland, gaar ahaan bahda ciyaaraha, kuwaas oo uu kusoo maray dalalka Sweden, Norway iyo Imaaraadka Carabta.
Xasan waxa uu xusay inuu dhowaan u baxayo safar uu ku tegi doono gobollada Saraar iyo Sool, gaar ahaan magaalooyinka Caynaba iyo Laascaanood, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha, waxaanu yidhi: "Aniga iyo koox aan ka mid ahay ayaa tegi doona Caynabo iyo Laascaanood oo aanu ku leenahay asxaab badan, halkaas oo aanu kulamo kula yeelan doono dhallinyarada ciyaaraha ee labadaas gobol iyo gobollada kale ee aanu gaadhi karnoba.”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO