Tuesday July 17th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Putlaan oo inqilaabtay farmaajo iyo soomaaliland oo shebekad siyaasadeed lugaha loo geliyey !!!!

0
Thursday October 12, 2017 - 10:56:56 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Putlaan oo inqilaabtay farmaajo iyo soomaaliland oo shebekad siyaasadeed lugaha loo geliyey !!!!

    Sidaynu la wada socono waxaa shir uga furmay kismaanyo madaxda dawlad goboleedyada soomaaliya , shirkaas oo markiiba reerkoonfurku ugu magacdareen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaynu la wada socono waxaa shir uga furmay kismaanyo madaxda dawlad goboleedyada soomaaliya , shirkaas oo markiiba reerkoonfurku ugu magacdareen

Sidaynu la wada socono waxaa shir uga furmay kismaanyo madaxda dawlad goboleedyada soomaaliya , shirkaas oo markiiba reerkoonfurku ugu magacdareen shirkii imaaraadka sidii ay baraha bulshada kusoo bandhigeen , shirkaas oo ahaa nooc kamid ah inqilaabyada aduunka ka dhaca ayaa ahaa mid gebi ahaanba awooda distuuriga ah lagaga xuyuubinayo dawlada dhexe . Hadaba intaynaan shirka u gelin aynu eegno waxyaabaha kelifey inuu shirkaasu yimaado . Sidaan kawada dheregsanahay siyaasada soomaaliya waxaa gacan buuxda ku haysa isla markaana siday doonto u adeegsata una kala bedesha butlaan iyo talyaaniga oo ayku xidhan tahay , farmaajo iyo madaxdii ka horeyseyba iyadaa keenaysey oo midba keenistiisa ujeedo gaara ka lahayd . Hadaba farmaajo butlaan ka sokow waxaa iyana soosaaristiisa dadaal dheeraad ah ka geystey turkiga oo maraykanku soomaaliya soo geliyey intaanay isku dhicin ka hor una baydhin dhinaca waarsada cusub ee ruushku hogaaminayo siduu siyaasadiisa ugu adeegto iyo qadar oo ku fidmawdey siyaasado aanloo diran oo soomaaliya kamid tagay taasoo sababtay in asxaabteedu xidhiidhka u jaraan qadideeduna gashay meel aad u xasaasi ah taasoo u muuqata iyana inay ka baxayso asxaabteedii hore kuna biirayso waarsada cusub kadib markay xidhiidh dhinacyo badab leh la maaamaysay wadamada turkiga eeraan iyo wadamada kasoo horjeeda reergalbeedka . Hadaba dawlada farmaajo waxay dhexdhexaad ka noqotay qadiyada qadar iyo xulafada ay is hayaan waxaanay soo dhoweysatey turkiga oo isna saldhig ciidan ka furtay soomaaliya kuwaas oo dhamaanba lidku ah wadamada reergalbeed waxaanay siyaasayan uga fogaatey wadamada reergalbeedka ee wada ilaashanaya mandaqada iyo asxaabtooda kale gacantana u gashay waarsada cusub . Hadaba butlaan oo aynu sheegnay inay siyaasada soomaaliya gacanta ku hayso ayaa dawlad goboleedyada galmudug iyo hirshabeele u adeegsatey dawlada fadaraalka ah si ay xilka uga xayuubiso madaxweynayaashooda una hanjabtey koonfurgalbeed inay xilka ka qaadayso iyadoo kaleh laba ujeedo oo kala ah 1: inay tusto awoodooda siyaasadeed si ay u ogaadaan in aanay ku kici karin arimo siyaasadeed oo iyaga ku lid ah iyagoo baqa gelinaaya iyo 2: inay geliyaan seerkal siyaasadeed oo aanay ka bixi karin laguna xukumo keenina karin wax siyaasad ah oo ka baxsan awoosooda sida inay wadamo kale soo hogaamiyaan iyagoo maslaxadooda u arkaaya .
Hadaba butlaan markay taas ku guuleysatey ayay hadana waxay tustay dawlad goboleedyadii inay iyaga barbar taagan tahay oo la mowqif tahay maadaama ay xidhiidh lawada sameeyeen imaaraadka iyo sucuudiga oo dani ugu jirto , sidaasi darteed waxay abaabushey shirka kismaanyo .


SHIRKA KISMAANYO WAA MAXAY NUXURKIISU?
Ujeedada shirka ksmaanyo waxa weeye 1: in dawlada dhexe laga xayuubiyo awoodeeda distuuriga ah oo aanay qaraaro ugaara qaadan karin ilaa wax ay kusoo heshiiyeen dawlad goboleedyadu mooyaane maadaama dawlad goboleedyadu yihiin kuwa dalka iyo dadka iyo dhaqaalahaba gacanta ku haya dawlada dhexena iyaga manduub (badhiwale) unoqoto keliya .
2: in cidii aanay dawlad goboleedyadu doonayn oo butlaan madax u tahay dalka lasoo gelin karin kuwa joogana looga saari lahaa taasoo loo jeedo in xidhiidhka loo jaro qadar isla markaana turkiga debeda loo dhigi lahaa maadaama aanay asxaabteeda siyaasadeed ee butlaan ku xidhan tahay doonayn inay soomaaliya wadamadaasu ka qabsadaan iyagana debeda dhigaan .
3: in butlaan oo kaashanaysa dawlad goboleedyada kale dalka masiirkiisa wax laga weydiiyo ee aanay aduunka kale dawlada dhexe waxba u buuxin karin sida dhinaca soosaarista khayraadka saldhigyada iyo ujeedooyinkale oo siyaasadeed
4: in baawarka dalka ugu sareeyaa noqdo dawlad goboleedyada oo butlaan oday u tahay .

Hadaba ninkii jirey wuxuu yidhi awelba anigoo ooyaayey ayay weylina igusii joogsatey soomaaliland oo wadahalkeeda soomaaliya markii horeba taagnaa oo ay butlaan awood u sheegatay joojintiisa hadii maantana aanay dawlada dhexe qaraarba ka qaadan karin illaa ay ogolaadaan dawlad goboleedyadu mooyaane sideebay isaga furdaaminayaa waayo waxay kugusoo salibaysaa butlaan dawladgoboleedyada ay masuulka ka tahay intay is agtaagto oo galmudug iyo hirshabeele iyo koonfur bari odhanayaan soomaaliya ma kala go,i karto , isla markaana marka la yidhaahdo midnimo maxaad ugu ogoshihiina odhanayaan waxaasaa soomaaliyi ku heshiisey ee qaybtoodii way haystaan . Hadaba inkastoo xal loo helaayo arinka soomaaliland ayay hadana lugdanbe dhiibisay oo u baahan tahay sidii laysaga furfuri lahaa .
Guud ahaan nuxurka maqaalka ayaa ah

1: dawlada dhexe ee somaliya oo lagu sameeyey inqilaab awooda lagaga xuyuubinayo
2:dawlad goboleedyada oo dalka masiirkiisa toos u xukumaya lehna vito ay waxay diidayaana ku diidaan cidina samayn karin , waxay doonayaana soodaayaan
3: butlaan oo heshay awood ka xoog badan oo ay dalka ku maamusho
4: saldhiga turkaga oo la burburiyo iyo qadar oo xidhiidhka loo jaro iyadoo kuwa kasoo horjeedana xidhiidhka lala yeelanayaa noqonayo mid siyaasad lagula dhaqmo ee uusan noqonayn mid layskusoo daynayo iyaga laftooda kana faaiidaayo talyaaniga oo keli ahi
5: in arinkii wadahadalka soomaaliland lugta la galay in dawlad goboleedyadu ogolaadaan taasina noqonayso mixnad kale oo dagaal dhalin karta .
6: dawlad goboleedyada oo ah kuwo aan keeni karin wax aan laysla ogolayn oo haddii midi maslaxadeeda meelku aragto kuwa kale diidayaan taasoo ay ugu talo gashay butlaan inay ciday doonto ku cuna qabatayn karto ee kasoo horjeesata .
7: in aan dalka la helin cid amarkiisu ka go,o siyaasiyan si caalamku ugu dawakho sida uu hadda ugu dawakhsan yahay si ka daran .
8: in dawladaha imaaraadka sucuudiga maraykanka iyo ingiriiskuba aanay hadhow u helin wado ay usoo maraan siday gacanta ugu dhigi lahaayeen siyaasiyan oo iyaga qudhooda jahwareerkaasu yahay mid sugaaya oo dalka lagaga celinaayo iwm.

Qore: maxamed aadan
Baadhe siyaasadeed
Ahna siyaasi madax banaan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO