Sunday July 15th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Waynu Khilaafaynaa Madaxweyne Armaajo iyo Reer Soomaaliya

0
Monday November 06, 2017 - 09:17:49 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 237
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 9 0
  • Share via Social Media

    Waynu Khilaafaynaa Madaxweyne Armaajo iyo Reer Soomaaliya

    Waynu Khilaafaynaa Madaxweyne Armaajo iyo Reer Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waynu Khilaafaynaa Madaxweyne Armaajo iyo Reer Soomaaliya Waxaa magaalada Landhan makhaayadaha reer Somaliya buux dhaafiyey
taageerayaasha Xisbiga Waddani,waana markii ay Bariido iyo Bogaadin aad u
badan ka heleen dadka u dhashay Somaaliya,qaarkoodna way u
Ol'olaynayaan,waxaa iyaduna kaa yaabinaysa markaad aragto Taageerayaal
Waddani ah oo aan labaatan sanaddood dhoofin,iminkana ay Noolyayaan dad
kasoo jeeda Soomaaliya.

Ujeedada ay reer Soomaliya sidaa ugu dadaalayaan ma aha in Musharaxa
Xisbiga Waddani u debecsanaandoono wadahadalada Soomaaliya iyo

Somaliland,waa muujin ay ku kala saraysiinayaan Musharaxii dagaalka la
galay Rajiimkii
Soomaaliya iyo kii u shaqaynayey.Waxay ahayd in aanay Siyaasadda Soomaaliya
si toos ah iyo si dadbantoona aanay inoo saamayn.

Ma garbaa in taageerayaasha Xisbiga Waddani dadka Burco iyo Hargeysa usoo
baxa maalinta ay Ol'olaha u leeyihiin inay ku sheegaan qaar Gaashaamo iyo
Iitoobiya laga keenay,miyaanay gef ku ahayn dadka cududa
taageero siinaya ee u badan Bariga Burco,Galbeedka Hargeysa iyo beesha
balaadhan ee haddana lagu sunto Bali gubadle.

Qodob kale oo Xisbiga Waddani ku guuldaraystay ayaa ah hadalkii Murashaxa
Waddani,Dr Cirro 'Mujaahidiintii waxaa nool intii dhuumanjirtey' kuwa nool
waxaa ka mid ah C/raxmaan Aw Cali,Xasan Ciise,Xasan Guure,Boobe Yuusuf iyo
qaar kaloo badan.

Dhinaca guusha,Xisbiga Kulmiye hadduu xilka ku hanto wuxuu soo safayaa
Aqoonyahanada ay ka midka yihiin Axmed Ismaaciil Samatar,Jamaal Cali
Xuseen,Cali Khaliif Galaydh,Ibraahim Barre Nuur,Maxamed Cabdillaahi
Cumar,Edna Aadan Dhakhtar,Samsam Cabdi Aadan,C/rashiid Xasan Mataan,Ilhaan
Maxamed Jaamac,Sacad Cali Shire,Xuseen Cabdi Ducaale,Shukri Xaaji
Ismaaciil, Saleebaan Ciise Xaglatoosiye,Maxamed Cali Bile,Axmed Muumin
Seed iyo qaar kaloo badan,halka Xisbiga Odayo xun uu safi doono Niman
Hantida qaranka ku ilka beelay oo
kuwo Cusub u soo tuntay musuqmaasuqan aynu khaatiga ka joogno.

Murashax Biixi iyo Xisbiga Kulmiye waxaa diiwaan wacan u galay,inuu
Mujaahidku intuu Qorigii Gacmaha dheereeyey tiiriyey uu faro madhnaan
dadkiisa cod kaga baryo,weliba wuxuu dhexda dhigay Warbaahintii Qaranka,Naf
hurid bay la mid tahay.halkaana waa in loo tixgeliyaa.

Murashax Saylici,isaga doorkiisa horaynu usoo tijaabiney,Murashax Muuse
Biixina waxa ugu weyn ee laga sugayaa waa dowlad tayo leh oo dib usoo
celisa Dhulka danta guud iyo Dowlad wanaagga.Hadaanu nahay
Asxaabtii Mujaahidiinta,waanu la wadaageynaa dareenkiisii,xili uu marayey
deegaanka Idhanka, waanuna la qaybsanaynaa xanuunka.

Hadii Murashax Biixi aad ku taqaanaan ad-adayg,wuxuu kaloo leeyahay meelo
jilicsan,waxaannu damaanad qaadaynaa inuu yahay qof dalkiisa jecel,ayna ka
dhab tahay inuu Somaliland gaadhsiiyo Sawirada quruxda badan ee muwaadinka
wanaagsan maskaxdiisa ku yaal,waa ka daacad inuu dadkiisa la doonayo Berri
Maanta ka wanaagsan.

Kal dooxani way habtaa,dardaaran haddii la faro
Digniintu hadday caddahay,Dammiinku ma dhuuxi karo
Dorraad ma xasuusan karo,waxaan dibindaabyo falay
Shalay kama daacad noqon,dantayda wixii ahaa
Haddeerna si dowgu yahay,dib baan ka ilaawayaa
'Maansaddii Daba huwan iyo Filasoof Hadraawi'

Bashiir Tarabbi Oogle,
bogleh69@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO