Sunday July 15th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

SOOMAALILAND WAKHTIGAN XASAASIGA AH IYO ARAGTIGA SIYAASIGA

0
Monday November 06, 2017 - 09:20:57 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOOMAALILAND WAKHTIGAN XASAASIGA AH IYO ARAGTIGA SIYAASIGA

    SOOMAALILAND WAKHTIGAN XASAASIGA AH IYO ARAGTIGA SIYAASIGA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SOOMAALILAND WAKHTIGAN XASAASIGA AH IYO ARAGTIGA SIYAASIGA
Waxaan joogey dalka mudo wiig ah waxaan u kuurgalay dhamaan arimaha kusaabsan doorashooyinka , taageerida xisbiyada , xaalada dalku ku sugan yahay dhinaca amniga, maciishada iwm.
Hadaba dhinaca nolosha dadka inkastoo badi yihiin isku itaal hadana waxay u kala bexeen laba dabaq oo kala ah a) kuwo qani noqday oo ku xisaabtamaya maal khiyaali ah kaasoo kusoo galay siyaabo kala duwan una badan tijaarad , badaqada labaad waa kuwo nolol maalmeedkooda eryada inkastoo aanay ahayn kuwo wuxuga dhigmaan iyo wax kasii hooseeya .
Dhinaca siyaasada iyo doorashooyinka maanta taagan ayaan ahayn kuwo sida lamoodayo aan ahayn xisbiyaduna u muuqdaan kuwo dhaaminaya footooyin gunla isla markaana doorashadu aanay marnaba sida lamoodayo u dhacayn ee ay u dhacayso maslaxad beeleed qabiil ku salaysan , waxaa jira goolaaftan hunguri doon ah oo aanku salaysnayn siyaasad oo isaguna is bedelaya maalinta doorashada iyo maalinta ka horaysa dibna ugu noqonaaya sideedii hore . Dadku waxay ku mashquulsan yihiin dariiqyo ay samaysteen oo ay manfac ku helaan siyaasadna shaqo ku lahayn dhinackastoo ayku jiraan , dadka intiisa badani kaadhadh ma haystaan inta haysataana majoogaan meelihii ayka qaateen taasoo wacnayd in mar haddii aanay baarlamaan ahayn iyo dawlado hoose ufiican tahay in qofku kaadhkiisa meeshuu doono kaga codeeyo taasna loogu rakibo kanbuyuutarka hadase xisbiyadu dhib kala kulmayaan sidii ay u geyn lahaayeen dhulkii ay kaadhadhka ka qaateen . Xisbiyada qabaailku way ku kala xidhan yihiin kuna khasban yihiin taasoo ah mid haduu ka baydho beri ka maalin mashaakil kala kulmi doono haduu diido ,waxaa iyagu jira dad faro ku tiris ah oo shakhsi daba ordaya kuwaasoo iyana qabiilku laf dhuungashay ku noqday kuwaasoo maalinta foodka isbedelaya iyaguna . Intaan joogey dalka maan arag meelka nadaafad xun hargeysa ilaa burco taasoo qashinku si xun isu dul fuulay kumana arag daraamada qashinka dawladaha hoose ugu talo galeen gebi ahaanba meel ay yaaliin iyo gaadhi kuwa qashinka ah iyo shaqaale ka shaqaynaya midna , waa meel amaan ah 100% oo aanan ku arag tuug ama wax kale oo laga cabanayo midna , dhibaato waxaa ugu jilnaa isusoo baxa xisbiyadu sameeyaan kuwaasoo dadka banaan baxaya halisku ah inay is dhagxan yeeyaan iyo inay gawaadhidu jiidho , inta badan waxaa jira farmasiiyo jiingado ah oo ay hoos yaaliin daawooyin heerkulkii loogu talo galay midka badani ku dhacaayo isla markaana aanay iibinayn dad jaamacado uga baxay oo takhasus ku ah daawada kuwaasoo u baahan in waxlaga qabto . Xisbiyadu waxay doorashada ugu soo baxayaan sida ay hadda u kala sareeyaan inkastay labada waaweyni isku dhowaanayaan marka loo eego diyaar garawga xisbiga kulmiye ee dadka kaadh haysta ururiskooda oo aan muuqan sida wadani isu abaabulayo , waxaa muuqda isdhexyaac khibrad la,aan xoogan oo dhinaca abaabulka ah waxse kama baaqdaan , baqdin lagama qabo in iska hor imaan dhexmaro xisbiyada iyadoo ay dadku ku odhanayaan xisbigii dagaal holiya ama aqbili waaya doorasha isku dhinac ayaanu ka noqonaynaa dhamaantood , shacabku rajo weyn kama qabaan musharixiinta inay wax u qabtaan marka loo eego rajadii ay ka qabeen ololihii madaxweyne siilaanyo kusoo baxaayey , shacabku ma rabaan isbedel marba xisbi ku guuleysto ee waxay doonayaan wax qabad , xisbiyadu waxay noqdeen nooc qabyaalad oo dalka kusoo korodhay oo dadku kala aaminsan yihiin xitaa haduusan xisbigoodu waxba u qabanayn taasoo kuu muujinaysa sida codadka loo kala helayo oo siicad. Xisbiga wadani waxaa hormuud siyaasadeed u ah ismaaciil hure buubaa waxaase la sheegayaa in cali khaliif galaydhna ku biiray kulmiye kaasoo damaanad qaadaya siyaasada kulmiye caalamiyan inkastoo madaxeyne siilaanyo sharci ahaan uga xushay xisbiga muuse biixi oo siyaasada iyo maamulka dawladeedba u baahan yihiin siyaasi caalamku ku kalsoon yahay sida madaxweynaha dalka cali khaliif iyo ismaciil hure buubaa ama nin u dhega nugul lana jaanqaada .



Qore : maxamed aadan axmed
Siyaasi madax banaan l


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO