Sunday July 15th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Saadaasha Doorashada Somaliland

0
Tuesday November 07, 2017 - 08:47:08 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 2643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saadaasha Doorashada Somaliland

    Saadaasha Doorashada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saadaasha Doorashada Somaliland

Haddii doorashadu maanta dhici lahayd sidan bay iigu muuqataa. Runta iyo sida arrini noqon Ilaah keligiis ayaa ku caalim ah.

Saadaashani waxyaabaha qarsoon sida, kaadhadhka la kala iibsanayo, iyo ammuuraha badan ee maalinta doorashada dhici kara xisaabtoodu kuma jirto. Labada garab ee ugu cadcad doorashadani waxay kala haystaan laba xisaabood oo qaarkood runta ka durugsan yihiin.

Khabiir weyn Kulmiye ah oo aan waraystay wuxuu haystaa inay 400kun ku guulaysanayaan, halka aqoonyahan Waddani ahi badheedhay oo yidhi beel hebli hadday israacdo cid kale looma baahna.


Lambarrada buunbuuninta ah ee la faafinayaa waxay keeni karaan filashooyin been ah oo, haddii doorashadu caddaalad u dhacdo, qolada laga adkaadaa liqi kari waydo. Runta oo loo dhawaadaa waxay si cad u iftiimin kartaa khaladaadka iyo dhaca ka iman kara doorashada.

Dhaqdhaqaaqii aan toddobaadkii hore ku sheegnay Gobolka Saraar iyo Koonfurta Hargeisa way caddaadeen.

Saraar toddobaadkan ayay Hoggaanka Kulmiye ku baraarugeen, dhaawac joojinna ay deegaankaa ka bilaabeen.

Laascaanood awalba Muuse xisaabta ugumaan darin, sidaa darteed lambarka keliya ee isbeddelay waa kan Ciro. Dhacdadi Laascaanood iyo dhaawac-tirkii Waddani ee maalintii xigtay wuxuu ahaa gawrac siyaasadeed oo aan ka soo kabasho lahayn.

Koonfurta Hargeysa dacaayadaha Somaliweyn saamayn bay ku yeesheen, maalinta doorashadana waxa suuragal ah inay noqdaan gebi kale oo ku soo duma Kulmiye.

Guusha iyo Guuldarrada labada xisbi waxay taallaa deegaannada beesha madaxweynaha ee Sanaag, Togdheer, Saraar, Saaxil iyoTogdheer oo ah meesha Muuse Biixi isku hallaynayo. Waddani taageerada deegaankaa uu maanta ka haysto hadduu xejiyo waa la doortay.

S. Ismail


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO