Saturday July 21st, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)

0
Tuesday November 07, 2017 - 09:02:50 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)

    Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)

Barnaamij muuqaal ah oo dhawaan lagu sameeyey magaalada Oslo ee caasimada Norway, ayaa lagu soo bandhigay waxa qofka sirta u ah ee aanu cid kale u sheegin. Barnaamijka oo la sameeyey xilli hawlo doorasho lagu jiray, ayaa waxa ugu mudnaa laba weydiimood oo la kala weydiinayey dadka asal ahaan Noorwiijiga ah iyo dadka aan ahayn oo soomaalidu ku jirto.

Waxa ay laba su'aalood kala ahaayeen inuu qofku sheego xisbiga uu u codaynayo ama uu u codeeyo, iyo ta labaad oo ahayd inuu qofku sheego xilligii galmo uu sameeyo ugu danbaysay.

Dhammaan dadkii Noorwiijiga ahaa way diideen inay sheegaan xisbiga ay u codaynayaan/u codayn doonaan, iyagoo ku adkaystay inay sir u tahay oo aanay cid u sheegayn. Waxay se si dhib yar uga jawaabeen ta galmada oo rag iyo dumar ba qof kastaa xilli ugu danbaysay wuu sheegay.

Dadka ajaanibka ah ee Soomaalidu ku jirto oo iyagana su'alahaas la waydiiyey, si dhib yar waxay u sheegeen xisbiga ay codka siinayaan ama ay codka siin doonaan. Laakiin su'aasha galmada markii la waydiiyey, waxay u ku gaabsadeen inay sir tay oo aanay sheegayn. Dadka qaar iyaga oo maxa xoqanaya oo su'aasha ka yaabban ayey dhaqaaqeen.

Halkaa waxa aad ka arkaysaa sida ay u kala fog yihiin codbixiyeyaasha doorashada ee waddamadu, oo tusaale ahaan dadka Noorwiijiga ah ee codkooda qarinayaa waxay og yihiin in codkoodu yahay waxa xisbiyadu isku haystaan ee loolanka ugu adag ay ugu jiraan, oo mid kastaa ku dadaalayo inuu helo. Taasina waxay keentaa in xisbi kastaa la shir yimaado barnaamij-siyaasadeed miisaaman iyo doodo wax-ku-ool ah.

Innagana waxa aad arkaysaa dadweyne dhan ama beel abaabulan oo leh: "Haddii aanu reer hebel nahay, xisbi hebel ayaanu codka siinaynaa." Halkii ay dadkaasi ku gorgortami lahaayeen codkooda oo inta ay u aamusaan xisga uu barnaamijkiisu ganciyo ay codkooda siin lahaayeen. Waa se la iska gaadhi doonaa haddii Alle ka dhigo.

Waxa kale oo aad arkaysaa qof meel kasta la taagan oo leh: "Xisbi hebel ayaan u codaynayaa.” Waxa kaa ka sii daran mid ku lebbisan oo maryo la xidho dhigtay calankii iyo astaantii xisbiga uu taageersan yahay. Qofku xisbi wuu taageeri karaa, codkiisana wuu siin karaa, laakiin waxa ololeyaasha loo gelayaa in codkiisaa la hanto.

In codbixiyuhu codkiisa qariyaa waxay halxidhaale culus ku noqonaysaa la doortayaasha oo werwer iyo xasilooni darro la soo dersayso, isla markaana filashada guushu waxa ay kaga laalmaysaa raar sare.

 

Cabdishakuur X. Muxumed Muuse (Heersare)

Cabdiheersare01@hotmail.com

http://heersare1.blogspot.no/





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO