Sunday July 15th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Waxaan ku tageeray mudane muuse biixi :

0
Tuesday November 07, 2017 - 12:58:01 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan ku tageeray mudane muuse biixi :

    Cidina ma dafiri karto,inuu yahay muwaadin halgamaa ahaa oo maalmihii adkaa wadankan naftiisa usoo huray,halka raga maanta la tartamayo la ogaa kaalintoodi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cidina ma dafiri karto,inuu yahay muwaadin halgamaa ahaa oo maalmihii adkaa wadankan naftiisa usoo huray,halka raga maanta la tartamayo la ogaa kaalintoodi

Cidina ma dafiri karto,inuu yahay muwaadin halgamaa ahaa oo maalmihii adkaa wadankan naftiisa usoo huray,halka raga maanta la tartamayo la ogaa kaalintoodii iyo mawqifkii ay ka taagnaayeen heeryadii dulmiga iyo gumaysiga ahayd ee shacbigan duulaanka ku ahayd,taariikhdu waa lama ilaabaan.

 

Waa xiligii ay dhalin yaradu dhamaantood si sax ah oo aan shaki ku jirin u dareemi lahaayeen,in horumarinta mustaqbalkeenu xidhiidh adag la leeyahay kolba sidaynu ugu abaal gudno una qiimayno geesiyaashii, taariikhda fiican inooga tagay.

 

Muuse bixi cabdi iyo mujahidiin faro badan sida madaxwaynaheena Somaliland ahmed maxamed maxamuud ( siiranyo ).

 

Midna ismuu lahayn waad noolan ugumanay tallo galin in ay noolladaan ismanay lahayn dalkan ayaydun madax ka noqon, balse nasiibka ayaa siiyay, maanta in ay dalka madax ka noqdaana waa wax alle looga xamdi naqo,nafahooda ayay usoo hureen si jiilka iyaga ka danbeeyaa dhibtan aanu u marin

 

Muuse biixi waxa uu hormood ka ahaa khubaradii aasaastay golaha guurtida Somaliland,taariikhdaana u qiraysa.

 

Muuse bixi cabdi waxa uu ka soo qayb qaatay:Nabadayntii,dib udhiskii ,heshiisiintii reer Somaliland,waa mudane goob joog usoo ahaa dhamaan shirarkii iyo dadaaladii dhidibada loogu adkaynayay qaranimada somaliland,mid kaliya oo uu ka maqnaa ma jiro ilaa hada horumarka dalka ayuu ka shaqaynayay.

 

Waa sababaha aan ku tageeray muuse bixi cabdi,inaan codkayga ugu abaal gudaana waa dareen igu soo maaxanaya,oo aan qayrkayna ugu baaqayo.Sababtoo ah wanaaga qofkastaa dadkiisa iyo dalkiisaba u qabto,abaalkiisu waa wanaag iyo in maalintiisa laga farxiyo.

 

Hanaanka nidaamka dimuquradiyada ah,ayaabaa marka doorashada isa soo ag joojinaysa oo simaysa, isna soo gaadhsiinaysa,nin isagu 40 sano ka soo shaqaynayay dhisitaanka iyo xaqiijinta jiritaanka Somaliland oo xor ah,iyo nin hawlo kale iskaga mashquulsanaa kuna maqnaa!waase hal xidhaale ay tahay inay muwaadiniinta codaynayaa iyagu kii mudan u hiiliyaan.

 

 

Waxa kale oo uu muuse dheer yahay musharixiinta hada la tartamaysa isagu somaliland ayuu nagula nool yahay,waana mid dhib iyo dheefba inala wadaagaya,maanta hadii wax inagu dhacan alle inaguma keenee wuu inala qaybsanayaa.

 

Iyo waliba caruurtiisa iyo kuweenu waa isku iskuul,isku dhakhtar,isku jaamacad,halka raga la tartamayaa iyagu yihiin kuwo qurbaha dagan oo somaliland u jooga una yimaada sida dalxiisayaasha caalamiga ah.

 

Mida kale ee ugu wayni waa in cadawga Somaliland markuu maqlo muuse bixi cabdi,uu dib inooga fadhiisanayo oo aanay cidi sidaa Somaliland uu soo eegi doonin,halka musharixiinta qaarkood iyaga loogaba dabaal dago meelo aynu ognahay.

 

Muuse bixi cabdi maanta nin la garaydh ahi lama tartamayo,wuxuu dheeryahay:Hal adayg,karti badan,daacad-nimo,go’aan qaadasho iyo waliba firfirxooni istaahisha in wadankeenan soo koraya looga faa’iideeyo.

 

Sucaad sh ahmed

Hargiesa simaliland

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO