Sunday July 15th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Farriin:Ha ilduufin Danta Dalka Iyo Dadka W/Q Maxamed Mataan Gabalaax (Moto)

0
Friday November 10, 2017 - 08:45:21 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farriin:Ha ilduufin Danta Dalka Iyo Dadka W/Q Maxamed Mataan Gabalaax (Moto)

    Farriin:Ha ilduufin Danta Dalka Iyo Dadka W/Q Maxamed Mataan Gabalaax (Moto)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farriin:Ha ilduufin Danta Dalka Iyo Dadka W/Q Maxamed Mataan Gabalaax (Moto)

Waqti kastaa wuxuu leeyahay Samaan iyo xumaan waayuhuna waxay usocdaan wareegto Balse waxa xilli kasta ka adag dadka iska difaaca xusuus xumo iyo xanaf uu ku reebo WAQTIGU.

Somaliland hadda waxay tahay Dal Aduunku indhaha ku hayo waxa laga daawanayaa dacalada Dunida waxaa la dareemayaa markasta waxii ka dhacaya gudaheeda ,waxaynu dacal isaga dunay doorashooyin Dalkeena Soo maray oo aan dhib iyo dharaaro xun inagu reebin waxaynu dhawranay dhulkeena waxaynu dhisanay Qaran isu dhigay sidii dawlad guun ah inaga oo aan ictiraaf haysan ayeynu dhidibada u taagnay tiirar udub dhexaad u ah dhinackasta oo nolosha

ka mid ah .

Qaranku wuxu soo dhaafay xili uu liiq-liiqdo marka la yara lig-ligo waayo xidid guun ah iyo xukuumado dhisan oo shacabku laf-dhabar u yahay ayaa Dhankasta ka joogay taariikhduna way is dhigtay oo way qoran tahay .

Doorashooyinkii Dalkeena ka dhacay Dharaarihii ay awoodeenu intan ka yarayd waxay ahaayeen duruus isku daabacay Bogaga wanaaga iyo wadajirka somaliland duniduna qiimaynaysay,waxaa danta dalka iyo dadka markasta tanaasul iyo isutashi kaga go'aan qaadanayey Hogaamiyayaashii Guusha Haneeyey Guul daradana Aqbalay Iyo Shacabkii Nabada Doorbidayey.

Xiligan waxaad moodaa markaad dareenka dadka eegto inay ka wer-wersan yihiin Doorashada La Filayo inay Ka Dhacdo dalka Waqtiga ay inaga xigto Maalmaha kooban ee 3 cisho ah ee Loo asteeyey 13-Nov -2017 Waxaana shacabku Farta Ku hayaan wadnaha inta jecel samaha iyo jiritaanka somaliland Balse waxa jira dad iyagu hilmaansan inay doorshada ka weyntay Danta dadka iyo Dalkeena.

Xisbiyadeena waxaan u arkaa dad xalaal ah oo aan xumaheena ku talinayn Halkii lixdankii Uma Malaynayo inuu xisbina u xaglinayo Balse xod-xodashada siyaasadeed ee ay xisbiyadu codka ku doonayaan ayaad moodaa inay dhaafayso xayndaabka Ololaha .

Cidkasta oo maanta somaliland joogtaa waxa saaran masuuliyad Qof ,Qoys Iyo Qaran Taasoo la rabo inuu dhankiisa Gacan adag ku hayo ,Siyaasiyoow Hadimo ha talin hantaaqana ha horseedin ,Shacaboow Hiilkaagu waa codkaaga oo aad ku taageerto Murashaxa aad Taageersan tahay Laakiin yaanu Kugu Guurin nimaan adiga kuu furayn Ha horseedin ammaan xumo Adigu aad Eedo Hadhaw yaanay ku qaadin caadifad Calan jacayl Iyo Qabyaalad .

Wuxuu dalku hagaagayaa markay hinjiyaan Hareerahana hayaan Dadkiisu, Allaa Qoray Qofka Fuulaya Kursiga Madaxweyne ee somaliland Qadarna cidi ma baajin karto Waxaa lagaa rabaa inaad noqoto Muwaadin Jecel dalkiisa Iyo Ciidiisa Caqligiisuna Shaqeeyo Oo Aanay Xamaasadu Xadhkaha Goynin.

Xaqa u hiili Xilkaaga Gudo Xumaana Ha horkicin xaladaadu markasta ha ahaato Mid dagenaan wax ku dooranaysa Ogow Fartaad ku codaynayso Waxaad Ku Dooratay Musharax laakiin haduu dhaco waxa adigu kuu madaxweyne ah kii soo baxay Ka kale haka yeelin haduu diido wixii soo baxay uu si kale wax u doono.

Mudane Musharaxoow Maqal warkaygan U Meeldayo Aakhiradaada Aaamin Qadarka Oo Ha adeegsan dadka Jilicsan Carruurta iyo dumarka Waa duulkaagi oo Dhibtu Dhinacna Kuu Dhaafimayso.

Waxaad aaminteen Komishanka somaliland wixii ay sheegeen Kolayba Mid uunbaa soo baxayee Go'aan sax ah ka qaado Cidhib danbeedkaagana ha Tir-tirin Waxaad tahay ayaad tahaye Kalsooni iyo bisayl Siyaasadeed muuji Waddan jacayl Iyo waayeelnimo muuji.

Waa Qalinkii

Maxamed Mataan Gabalaax (Moto)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO