Saturday July 21st, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Fadeexad: Saddex Shahaado Waxbarasho oo Murrashax Cirro Sheegtay waa Been-abuur

0
Sunday November 12, 2017 - 23:32:55 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 1728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad: Saddex Shahaado Waxbarasho oo Murrashax Cirro Sheegtay waa Been-abuur

    Waxa dhawaan xisbiga WADDANI soo saaray taariikh-nololeedka rasmiga ah ee musharaxooda Madaxweyne, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa dhawaan xisbiga WADDANI soo saaray taariikh-nololeedka rasmiga ah ee musharaxooda Madaxweyne, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Waxa dhawaan xisbiga WADDANI soo saaray taariikh-nololeedka rasmiga ah ee musharaxooda Madaxweyne, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Taariikhdaasi waxa ku jira tacliintii uu soo bartay musharaxu oo ay ka mid tahay:

1. In mudane Cirro ka qaatay Shahaadada MBA oo uu ka qaatay SIDAM College.

2. In muddadii u dhexeysay 1983 illaa 1985 in mudane Cirro qaatay shahaadadda B.Sc. oo uu ka qaatay Jaamacadda California.

3. In mudane Cirro qaatay shahaadada Masters oo uu ka qaatay jaamacadda California.

Saddexdaa jaamacadood iyo saddexda shahaadadood ee la yidhi mudane Cirro uu ka qaatay run maaha.

1. Xisbiga WADDANI waxa uu sheegay in musharaxooda Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cirro uu shahaadadda MBA uu ka qaatay SIDAM College. Waxa xusid mudan in mac-hadka SIDAM aannu marna bixin jirin shahaadadda MBA. Mac-hadkaasi waxa uu bixin jiray shahaadada Diploma laba sanadood lagu qaato iyo wax la mid ah. Beri dambe ayaa mac-hadka lagu soo kordhiyey in ardaydii hore uga qaadatay Diploma ay geli karto waxbaraaho sannad ah oo ay markaa ku qaadanayaan shahaadada koowaad ee B.Sc. sidaa darteed, sheegashada ah in Mudane Cirro SHAHAADADA MBA KA QAATAY SIDAM COLLEGE maaha run. Ta labaad, SIDAM College lama odhan jirin ee mac-hadka SIDAM ayaa la odhan jiray amma "SIDAM Institute.”

2. Xisbiga WADDANI waxa uu sheegay in Cabdiraxmaan Cirro shahaadadda B.Sc. ka qaatay jaamacadda California. Arrintaasina run maaha. Jaamacadda California qaybteeda Muqdisho ku taalay marnaba may bixin jirin waxbarasho heerka shahaadada koowaad. Balse waxay bixin jirtay oo keli ah waxbarashada heerka MBA oo ay ka qallinjabiyeen laba kooxood oo la yaqaano magacyadooda.

3. Xisbiga WADDANI waxa uu sheegay in mudane Cirro shahaadadda Masters ka qaatay jaamacadda California. Arrintaasi lafteedu run maaha. Jaamacadda California qaybteeda magaalada Muqdisho waxa ka qallinjabiyey laba kooxood, qaybta koowaad waxay qallinjabiyeen 1986, qaybta labaadna waxay qallinjabiyeen 1987. Mudane Cirro labadaa kooxood midna kumuu jirin.

 

Waa dhab oo mudane Cirro mar ayuu wax ku baran jiray Mac-hadka SIDAM, Haseyeeshee, marna muu qaadan saddexdaa shahaado ee lagu xusay taariikh-nololeedkiisa.

Halkan waxa ku lifaaqan liiskii ardaydii waxbarashada MBA ka dhammaysay California State University 1985 kii oo shahaadadda qaatay bishii January 1986 kii, Cirro ardaydaasi kumuu jirin, kumana jiro in kasta oo taariikh-nololeedkiisa lagu xusay in uu shahaadda koowaad iyo Masters qaatay muddadii u dhexeysay 1983 illaa 1985.

Waxa muhiim ah in qaladaadkaasi la faafiyay Xisbiga WADDANI ka jawaabo, caddaymana keeno. Mudane Cirro waxa uu u sharaxanyahay madaxweynaha Soomaaliland waana muhiim in uu ku sifoobo run sheeg iyo daacadnimo.



 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO