Thursday August 16th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Madaxwayne ha noqon baruur lagu laqanyoodo hana noqon jiidh lagu miigto ee noqo baruur iyo jiidh laysku goosto.

0
Monday November 27, 2017 - 08:05:18 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne ha noqon baruur lagu laqanyoodo hana noqon jiidh lagu miigto ee noqo baruur iyo jiidh laysku goosto.

    Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici manta waxay noqdaan hoggaanka shanta sanno ee soo socda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici manta waxay noqdaan hoggaanka shanta sanno ee soo socda

haddii alle ina gaadhsiiyo dadkan iyo dalkan hoggaamin doona. Maxa xuma in ay bulsho hoggaaminayaane maxaa la gudboon ayey weydiintu tahay? Maxaase laga sugayaa?.

 

Wakhtigii olalaha doorashada waxay bulshada ugu sheegi jireen in ay wax badan qaban doonaan kuwaas oo horumarin ku sameyn doona cadaaladda iyo baahiyaha aas-aasiga ah ee bulshada, bulshaduna waxay ku dooratey waxay ahaayen barnaamij siyaasaddeedkoodii iyo ballantii ay bulshada hortaada ku qaadeen. Maanta waan hubaa oo wax badan oo ay ballan qaadeen way hilmaami bal se hadhowbaa lagala xisaabtami. Bulsho ahaan se waxa inala gudboon mar walba in ay ku garaacno oo ay xusuusino ballamihii waa waynaa ee ay inoo qaadeen fullintooda maaha oo qudha in aynu nidhaahno waxaynu yeelaney madaxwayne iyo ku xigeen. Bulshadu iyada ayaa hoggaamiyaheeda la xisaabtanta, Muusena waxaynu aamani karnaa oo u duceyn karnaa uun maalinta uu oofiyo wixii uu inoo ballan qaadey.

 

Xukuumaddu waxay meteshaa shacabkii oo dhan Muusena wuxuu manta metalayaa xukuumaddaha oo dhan waxana la gudboon in uu barto shacabkiisa. Tusaale ahaan geel-jiruhu wuu yaqaanaa geeliisa, siiba (hasha sumada leh, ee sanneegta leh, ee caweerta leh, dalabta leh, ee dhuugu cunay, ee xamastu uraacday, ee gelgelin la’aantu uraacday iyo taan la mayracin ba). Halka dameeralaydu yaqaaniin dameeruhu waxay ka hiinraagayaan, iyo waxay u hiin raagayaanba. Muusena manta waxa la gudboon in uu shacabkiisa kala barto; kan wax diidan iyo kan wax doonayaba.

 

Wakhtigii cod-bixinta waxa bulshada uu Muuse iyo ku xigeenkiisuba la soo hor istaagayeen bug u ku qornaa ballan qaadyo cidaas ka badan laba mid uunbay se noqon xukuumadda Muuse beri ama in ay dhahaan "mar haddaan ka wabax-saday midheen uma wadiiqeeyo”. Ama in ay ballanqaadkooda ku sargooyaan ficil fal galkiisa watta.

 

Maxay sugeynaa haddaba; waa in muwaadinku helaa xoriyad, cadaalad, sinaan, nabad, shaqo iyo nolol sareysa. Tusaale, in loo sinaado, sharcigii, mashaariicdii, aqoontii debedeed, shaqadii, siyaasadii iyo wixii la mid ah, taas ayaana keenaysa in horumar hor leh. Waxaynu u baahanahay in manta laynoo soo ibo furro; wax soo saar siiba, khayraadaka beriga, ka badda. Tusaale, xoolo, kalluun, beero, macaadin, udug, baadrool, gaas and iyo in aynu helno wershadihii habaynayay oo ku kacaya qiime yar.

 

Muusena waxaan kula talin lahaa maanta; Siyaasiyiinta iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan maanta intuba addiga ayey indhahooda ku soo eegayaan fadlan siyaasad xaraarad leh oo ka madhan qabyaalad iyo nin jeclaysi dhammaantood la dheel, hana noqon Muusow Liibaaxa ee noqo Sakaarada, Waayo libaaxu wuxuu u caraa hilib iyo cunto. Halka sakaaraddu u cararayso naftaada badbaadi. Ogaw, in u jeedadu ka balaadhan tahay baahida. Soomaaliland maanta uma baahna cid ugaadhsata ee waxay u ooman tahay nin haraadka ka biiya oo horaadka u dhiija oo wanaaga u heesa.

 

 

 



--
Mohmoud O Osmaan

Freelance journalist & Photographer
Hargeysa, Somaliland.

Email:mohoomer@gmail.com

Facebook:Mohmoud Osmaan


Mobile:+252634129326
Thank you.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
WAREYSIYO