Thursday August 16th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Madaxwayne xukuumaddaadu yaaney noqon mid xoorisa oo handana xayaabata – Mohmoud O Osmaan

0
Tuesday November 28, 2017 - 17:17:26 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne xukuumaddaadu yaaney noqon mid xoorisa oo handana xayaabata – Mohmoud O Osmaan

    Madaxwayne xukuumaddaadu yaaney noqon mid xoorisa oo handana xayaabata – Mohmoud O Osmaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne xukuumaddaadu yaaney noqon mid xoorisa oo handana xayaabata – Mohmoud O Osmaan

Oday baa la waydiiyey uducee inankaaga, markaasuu yidhi u ducayn maayo, habaarina maayo. Waayo, iga mutaysan. Siyaasiyiinta maanta iyo Muuseba uducayn mayno habaarina mayno. Waayo nagama mutaysan. Keliya waxaynu duceyn karnaa ama habaari karnaa markey ka dhabeeyaan wixii ay shacabka u ballan qaadeen wakhtigii olalaha doorashada.

 

Wakhtigii cod-bixinta waxa bulshada lagu maaweelinaayey ballan-qaad iyo in mid walba dhankisa wax walba wanaajin doono. Xukumadda madaxwayne Muuse soo dhisaayo weynu ka dhursugi shacabkuna waxay dhiiq-doba way ka dhuri. Aad shacabkuna waxay isha ugu hayaan maanta tayada iyo tabarta ay yeelan karto xukuumadda uu soo dhisi doono madaxwayne Muuse Biixi isaga iyo ku-xigeenkiisu.

 

Xukuumaddihii hore waynu ka war qabney sidey ahaayeen, ayax ayaad moodey. Bulshada Somaliland maantana wey ka ilbaxdey ballan-qaad been ah oo lagu maaweeliyo. Xukuumadduna waxay meteli doontaa shacabka shacabkuna waxay noqon doonaan kuwa ay xukuumaddu u shaqeyso sidoo kale iyaga uunbaa qiimeyn kara.

 

Muuse maanta shacabkiisu maxay uga fadhiyaan haddaba?

 

Qof walba oo muwaadin ah maanta wuu og yahay waxa uu ka sugaayo madaxwaynihiisa cusub iyo xukuumadda uu soo dhisaayo. Qof walba oo reer Somaliland ah maanta waxa uu maanta ku hayaa in uu helo dhammaan wixii loo ballan qaadey. Muuse wuxuu shacabka tiraba dhowr jeer ugu soo celiyey in waxa ugu badan ee uu ka shaqeyn doonno isaga iyo xukumaddiisu ay tahay sarreynta sharciga. Maanta madaxwayne 70% bulshada Somaliland waxay tirsanayaan caddaalad darro - xukuumadda maanta jirta iyo kuwii ka horeeyeyba waxay ahaayeen kuwo lagu hungoobey! Waayo; maanta madaxwayne lagag warami maayo in qandaraasyada dawladda ee masiiriga ah, lagu saxeexo aqal hoostii, in haddii aad hanka siyaasaddeed leedahay lagu yasaaqo, lagu bedelayo hunguri (shilimaad yar), in waddanku ku jiro xaalada tii ugu cusleyd oo ah; in bulshadu tahay mid ka rejo beeshay caddaaladii iyo sharcigii. Tusaale; dad badan ayaa manta jeelaasha ka buuxaan bilaa maxakamad la’aan. Tusaale, waxa wacan in lagu dhaqmo sharciga qofkana haddaan denbi lagu helin 24 gudahood in xoriyadiisii loo soo celin karo. Taasina ma dhacdo madaxwayne. Muwaadinka oo la xidhaayo xisaab la’aan maxay ka dhigan tahay. Xaalada caafimaad, sicir – barar, waxbarasho iyo biyo la’aan ee waddanku maraayo ciddi kaga warrami mayso.

Madaxwayne shacabkii ku doortey iyo kuwii aan ku dooranba waxay kaga fadhiyaan in aad fulliso wixii aad ballan-qaadey. Kagama baahna in aad raacdo wadadii uu qaadey saaxiibkaa Siilaanyo oo maanta xilkiisu gabaagbsi yahay. Isbedelku waa waxa qudha ee aad maanta ku hirgelin karto wixii aad umaddan u ballan-qaadey.

 

Madaxwayne fikirkaaga balaadhi oo haw fekerin sida xansharaadka oo hankaaga ha yarayn, haddii aad u fikirto sida xasharaadka, hadhaw ha canaanan naftaada marka aad aragto adiga oo fashilmey.

 

 

Waad ka warhaysaa madaxwayne in maanta habaaska laga tuma qabyaaladda, habdhaqanxumada iyo fasahaadka. Ninba ceesaantii ceel keen. Shacabku waxay kaa sugayaan sidii aad arrimahaasi wax uga qaban lahayd.

 

 

Ugu danbeyntiina waxaan madaxwayne kuu soo jeedin lahaa; in aad tayeyso shaqalaaha waddanka gaar ahaan dhanka xirfadda iyo aqoonta, musharka, Iyo in aad yareyso oo aad joojiso iska daba keenkan tiro belay, oggowna tayo ma keeni karaane iska bado keenkaasiye madaxwayne.

 

--

Mohmoud O Osmaan
Freelance journalist & Photographer
Hargeysa, Somaliland.

Email:mohoomer@gmail.com

Facebook:Mohmoud Osmaan


Mobile:+252634129326
Thank you.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
WAREYSIYO