Thursday August 16th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Sheeko Gaaban : Qadar Lama Filaan Ku Yimid & Qisadii Marxuunka Ee Labada Nin Ku Dhagaroobeen ? Qalinkii Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

0
Sunday December 03, 2017 - 17:28:07 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Gaaban : Qadar Lama Filaan Ku Yimid & Qisadii Marxuunka Ee Labada Nin Ku Dhagaroobeen ? Qalinkii Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

    Sheeko Gaaban : Qadar Lama Filaan Ku Yimid & Qisadii Marxuunka Ee Labada Nin Ku Dhagaroobeen ? Qalinkii Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheeko Gaaban : Qadar Lama Filaan Ku Yimid & Qisadii Marxuunka Ee Labada Nin Ku Dhagaroobeen ? Qalinkii Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Nin Meherad ku haystay Mid ka mida Tuulooyinka Deegaanadda Miyiga ee Somaliland, ayaa Goor Subaxnimo ah Sidii Caada u ahayd waxa uu furay Maqaaxidiisii, Dabkii ay uu shitay waxaanu Rusheeyey Meheradiisa horteedii iyo gudaheedii, ka dib markii uu Qaxwihii Bislaaday, waxa u yimid dadkii macmiisha u ahaa ee Meheraddiisa Shaaha ka iibsan jiray oo dabcan kolay dadkii Tuuladda deegaanadda ku xeeran ee reer Miyiga ahaaya, Midka mida dadkii Shaaha Maqaaxida ka cabaayey oo Nin Waran dheer sitay ah ayaa isaga oo Kadalooba oo halka Labada Lugood dhexdooda inta uu Warankii Geliyey Dabadii Warankana dhulka ku qotomiyey Afkii Warankuna Cirkaasi Eegaayo oo labadiisii Gacmood uu midna Waranka ku hayo midii kalena uu Koobka Shaaha ku hayo, ayaa Nin Kale oo dadkii Deegaanka ka mida oo doonaayey in uu isaguna Koob Shaah ka cabo Meheradaasi, ayaa ku soo leexday Maqaaxidii, ka dib marku Kadinka ka soo galay ee uu ninkii Maqaaxida uga soo horeeyey hortiisa maraayo ayaa Ninkii wuxu ku siibtay Meeshii Qoyaneyd ee Biyaha uu ku rusheeyey Ninka Meheradda Lehi.

Nasiib Daro Ninkii Wuxu ku dul kufay Ninkii Waranka Haystay ee Fadhiyey waxaanu Warankii ka galay Halkaasi Dhuunta oo Qadaadka ayuu ka booday ninkii Waranka Sitayna dhinacaasi ayuu uga booday mise Ninkii Khaakh Khaakh iyo Waaby ka aguugtay (Nafta ayaa ka baxday), la wada nax oo la wada amakaag oo ninkii Meheraddalahaa iyo Kii Waranka lahaa iyo Kuwii Shaaha Cabaayey Waar Hayaay iyo Waar Ninku Ma Dhintay iyo Waar Naftii Miyey ka baxday ayaa Buuqii Isqabsaday, halka waxa ka soo baxday Xigmadii ama odhaahdiii ahayd (Qadar Dhacay Quraan iyo Waddaad Qabar Ma Ooshaane).

Inta Ka Dib Maydkii Meesha laga qaad, waxa si su’aashu noqotay Maydku goye yuuse u go’ay, waxa jiq isku noqday labadii Nin ee Midna Biyaha Ninku ku kufay ku rusheeyey goobta Meheradiisa ka mid ah ee Marxuunku ku siibtay midna Warankii uu gacantiisa ku haystay uu Marxuunku ku naf waayey, Marxuunka Tolkii Waa Kuwan oo waxay haystaan labadii Nin iyagii waa Isku Jiq oo ninkii Waranka Haystay wuxu taagan yahay aniga Marxuunka waxba naga ma dhaxayn xata wax aqoon ah iskumaanaan lahayn sabab aan u dilaana meesha ma oolin ee Biyaha ninkani meesha ku Shubay ayuu ku siibtay ee isaga Magtiina murxuunka u doonta, kii kale waxa taagan yahay Marxuunku macmiil ayuu Meheradayda u ahaa Shaaca galinka hore iyo ka dambeba waa iga Cabsi jiray dushaasi ayaanu saaxi ka ahayn ee Marxuunka ninkan Waranka Baas sitay ayaa ALLE ku sababay oo Dhuunta kaga dhuftay ee Magta Marxuunka ka qaata ninkan ayaa Dilay oo Markhaati ayaan ka ahaaye, Hadiiba ay sida tahay oo Marxuunkii Eheladiisii laba eedaysane gacanta ay ku hayaan balse mid kasta doodiisa uu Diyadda Marxuunka ku deedafeenaayo oo labadan nin midba midka kale ku eedeynaayo in uu Marxuunkaasi dilay magtiisana laga qaado Akhriste adigu Aragtidaada Labadan nin keebaad odhan lahayd ama kula muuqata in Magtaasi lagu leeyahay oo ay tahay inay eheladiisii u qabsadaan. ?

Qalinkii: Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
WAREYSIYO