Thursday August 16th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Maxaa Cashar laga baran karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ?? Waa dabciga dimuqraadiyada in bulshadu qeybsanto xilliga ololaha doorashada (campaign season ).

0
Monday December 04, 2017 - 09:29:56 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Cashar laga baran karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ?? Waa dabciga dimuqraadiyada in bulshadu qeybsanto xilliga ololaha doorashada (campaign season ).

    Maxaa Cashar laga baran karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ?? Waa dabciga dimuqraadiyada in bulshadu qeybsanto xilliga ololaha doorashada (campaign season ).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Cashar laga baran karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ?? Waa dabciga dimuqraadiyada in bulshadu qeybsanto xilliga ololaha doorashada (campaign season ).
Waa wax ilaahay loogu mahadiyo ah in aynu haysanno nabad iyo xasilooni aanayhaysan dalal badan oo jaarkeenna ah, iyo Dimuqraadiyad aynu kaga tashanno Aayaheenna oo aan ku soo xulan karno Madaxda Hoggaanka Dalka, taas oo aanay haysan waddammo badan oo qaaraddeenna ama adduunka saddexaad ka mid ahi.
 
13 November 2017, waxa inoo qabsoontay doorasho taariikhi oo xambaarsanayd qodobbo muhiim ah: -in Markii ugu horreysay somaliland la iska diiwangeliyo, laga ololeeyey lagana codeeyo dhul aanay hore doorashado uga dhici jirin. - in Markii ugu horreysay Madaxtooyada uu isu soo taago murashax ka soo jeeda Gobolada Bari oo uu Xisbiga UCID Madaxweyne ku-xigeen uga tartamo.
- lagu codeeyo Hannaan casri ah oo aan lagu noq-noqon karin codeynta. - iyo ugu dambeyn iyadoo si Nabadgelyo ah inoogu dhacday. Waxa Xusid mudan in Cadowga Somaliland ay saadaalinayeen oo ay jeclaayeen in aynu isku dhacno oo iskaga hornimaadno. Waxay lahaayeen "way is dilayaan oo waa lagu kala tegeyaa”. May noqon oo ilaahay kama dhigin".
Rag uu ka dhexeeyo geel,
Hadduu kala geeyo damac,
Waxaa isu gaysa dane,
Allow garansii nin moog!
 
Waxay hilmaansanaayeen Dimuqraadiyada Somaliland in ay tahay mid guun ah (gaamurtay) oo ka soo unkantay ururkii halganka SNM
(oo ahaa Jabhadda Dimuqraadi ah) taasoo ay soo mareen ama iskaga


dambeeyeen 5 guddoomiye oo dhammaantood ku wada yimid qaab doorasho dimuqraadi ah. Doorashadani 2017 waxay noqotay mid indhihii Caalamka soo jiidatay, waxana Somaliland lagu tilmaamay SIRAADKA AFRIKA. Waxayna Somaliland noqotay mid la majeerto oo Role Model u noqon doonta gobolkan aynu ku nool nahay, Afrikana uga muuqata sida UBAX meel abaar ah ka baxay uu u
muuq dheer yahay. Waxaa quruxda doorashada sii bila, Madaxweyne Siilaanyo oo ah (a popular president) oo isagoon doorasho lagaga adkaan, sharciguna u ogol yahay in uu mar labaad sii tartamo uu isgu ikhtiyaarkiisa uga degay xukunka, halka madaxda waddamada qaar kursiga ku dheggan yihiin lagana rogi la’yahay. Runtii qaabkii diiwaan gelinta codbixiyayaasha, hannaankii olalaha doorashada, dooddii Tv-ga ee murashaxiinta iyo habkii codbixinta intuba waxay u dhaceen oo inoogu dhammaadeen jabwi wacan oo ilbaxnimo, bisayl siyaasadeed iyo isu dulqaadasho leh. Kursigu laba ma qaadee mid baa la iska qeybshaa, horaa loo yidhi (Gari laba nin ma wada raacdo) Hase yeeshee go'aankii natiijada codbixinta doorashda waxa saluug ka muujiyey Xisbiga Waddani inkastoo uu markii dambe tanaasulay oo aanu wax dacwad ah u gudbinin Maxkamadda Sare oo iyadu natiijada Rasmiga ahayd ama kama dambaysta ahayd ku dawaaqday. Adoo wax ka gaws qabsaday Mar baa gefka loo liqaa Inaan danta guud murkacan

Waa dabciga dimuqraadiyada in bulshadu qeybsanto xilliga ololaha doorashada (campaign season ). Waxase ugub ahayd oo xummadda iyo xaraaradda doorashada kor u qaaday Madax-dhaqameedkii dhex boodayey ee aadka uga dhex muuqday ololahaha doorashada, kuwaas oo dhabqiyey milligiii iyo macnihii doorashada, muujiyayna sawir ka duwan kii Xisbiyada oo aad mooddaysay in
Qabaa’ilo ay tartamayaan.

 
Waxa habboon wixii khaladaad farsamo ah ee dhacay in guddida doorashooyinka iyo Akadamiyada nabaddu ay ka diyaariyaan Warbixin rasmi si waayo aragnimo iyo cashar looga barto isla markaan xeer looga soo saaro. waxaa la yidhi doqoni meel lagu xafiiltamay in lagu kala tegay mooddaa
(Hiirtaanyo xasuuste walaal ma xidhiidhsho) Ha giijin xadhkaa ha jarin! Ha goyn waxa laysku yahay Magliga gacan loola baxay
Gudaha uma dhaadhacdee Ha gaadhin laftoo ha jabin Afkaagana godob ka dhowr! Haatan iyo gababo waa Mas’uuliyad Wadareed (collective Responsibiliy) in guud ahaan Murashaxiintii, gaar ahaan Madaxweynaha la doortay ka shaqeeyaan wadajirka iyo mideeynta ummadda iyo sidii loo tirtiri lahaa xanaftii iyo xagtimihii tartanka doorashadu keentay. Run ahaantii waa arrin u baahan in si dhab ah ay uga wada-hadlaan isla markaana uga wada-hawlgalaan hoggaamiyayaasha Xisbiyada qaranka. Madaxweynaha cusub waa inuu maanka ku hayaa in kuwii u codeeyey, kuwii ka codeeyey iyo kuwii aan codeyn intaba uu isagu Madaxweyne u yahay.

Gedday tahay dheesha taal
Inuu hebel guul heliyo
Inuu gudbiwaayo hebel
Galaasku halkaa ma yaal
Nimaan garanoow u toos!
Wa billaahi tawfiiq
Somaliland Guul iyo Gobanimo

Cali Xaruuri
Holland
e-mail Adam.32@live.nl


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
WAREYSIYO