Thursday August 16th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

GUDIGA KULMIYE EE LAANTA OOTAWA OO HAMBALYO U DIRAAYA MADAXWEYNA LA DOORTAY IYO KU XIGEENKIISA

0
Tuesday December 05, 2017 - 22:42:00 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GUDIGA KULMIYE EE LAANTA OOTAWA OO HAMBALYO U DIRAAYA MADAXWEYNA LA DOORTAY IYO KU XIGEENKIISA

    WARMUTIYEED: HAMBALYO KU SOCOTA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO MADAXWEYNE KU XIGEEN CABDIRAHMAN SAYLICI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WARMUTIYEED: HAMBALYO KU SOCOTA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO MADAXWEYNE KU XIGEEN CABDIRAHMAN SAYLICI

XISBIGA KULMIYE PARTY

LAANTA OTTAWA

GUDIGA LAANTA OTTAWA

-----------

XAFIISKA GUDOOMIYAHA

-----------



DECEMBER 5TH, 2017



WARMUTIYEED:

HAMBALYO KU SOCOTA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO MADAXWEYNE KU XIGEEN CABDIRAHMAN SAYLICI


C:UsersAliHAppDataLocalMicrosoftWindowsINetCacheContent.WordDSC_1484-1024x685.jpg Gudiga Xisbiga Kulmiye ee Laanta Ottawa (Casimada Canada) waxaa Sharaf weyn u ah ayagoo ku hadlaaya magacooga gaarka ah iyo kan taageereyaasha Xisbige ee Laanta Ottawa, inay halkan ka hambalyeeyaan Madaxweynaha shanaad ee ummada Somaliland doorteen Mud. Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan A. ISMACIIL Saylici.


Waxaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa u soo gudbinaynaa hambalyo balaadhan oo kal iyo lab ah, waxaanan ku ladhaynaa duco miisaan leh oon Ilaahay uga baryayno inuu xilka loo igmadey Rabigeen ku garab galo. Waxaan Madaxweyne Biixi iyo ku xigeenkiisa Raxmaanka uga baryaynaa caafimaad taam ah si ay u gutaan xilkaa culus ee dadkoodu dusha ka saareen.


Guusha Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka soo hooyay doorashadii xalaasha ahayd ee Noember 13 keedii ka qabsoontay dalka, waxay astaan u tahay qaanqaadhnimada Somaliland oo ku talaabsatay wadadii horumarka iyo aqoonsaga jiritaankeeda. Waxaanan aaminsanahay in hogaanka cusub dalka Somaliland iyo ummadiisa gaadhsiin doono maqam sare iyo badhadhe. Md. Muuse Biixi Cabdi oo ah madaxweynihii shanaad ee dalka hogaanka u qaban doona waa hogaamiye aad loogu hanweyn yahay taasina waxaa marag u ah aqlabiyada kalsoonidooda uu hantay.


Gudiga Kulmiye ee Laanta Ottawa waxaan aaminsanahay in Madaxweynaha Cusub ee dalku, siduu ku balan qaadey, xaqiijin doono midnimada iyo wadajirka ummada isagoo adeegsanaaya kartidiisa hogaanimo ee salka ay u yihiin wadatashi, dhagaysi iyo ixtiraam looga bartay habdhaqankiisa siyaasadeed.


Ugu dambayn Gudiga Xisbiga Kulmiye ee Ottawa waxay Ilahay uga Baryayaan Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa inuu xilka ku asturo oo ay noqdaan masuuliyiin Somaliland mahadiso

.

Gudiga Xisbiga Kulmiye ee Ottawa wuxuu munaasabadan uga faa’idaysanayaa inuu guud ahaan u mahadnaqo codbixiyaasha Somaliland ee ka qaybgalay doorashadii taariikhiga ahayd oo u qabsoontay qaab iyo nidaam curad ku ah qaarada Afrika. Waxaan ugu baaqaynaa Ummada Somaliland inay isbarbartaagaan Madaxweynaha Cusub kuna kalsoonadaan inuu ugu hambayndoono siday ugu liseen oo micnaheegu yahay in Muuse Biixi yoolka saaraayo midnimada shacbiga Somaliland, waayo waa Madaxii Qarankeena mudan inaan wada ilaashano.


ALLAH MAHADLE, WA BILAAHI TAWFIIQ



Warmutiyeedkan waxaa soo diyaariyay Gudiga Xisbiga Kulmiye ee Ottawa



GUDOOMIYAHA

NAASIR CUSMAAN CUMAR







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
WAREYSIYO