Thursday August 16th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Hoos U Dhaca Ku Yimid Lacagta Somaliland Iyo Sababaha Keenay Oo Ay Soo Bandhigeen

0
Wednesday December 06, 2017 - 11:46:39 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Hoos U Dhaca Ku Yimid Lacagta Somaliland Iyo Sababaha Keenay Oo Ay Soo Bandhigeen

    Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Hoos U Dhaca Ku Yimid Lacagta Somaliland Iyo Sababaha Keenay Oo Ay Soo Bandhigeen -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Hoos U Dhaca Ku Yimid Lacagta Somaliland Iyo Sababaha Keenay Oo Ay Soo Bandhigeen - Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hoos u dhac weyni ku yimid qiimaha lacagta Somaliland, marka la eego halkii ay taagnayd sannadkii hore.
Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP oo ay kaga hadashay xaaladda nolosha ee guud ahaan Soomaalida, ayaa waxay ku sheegtay in lacagta Somaliland ay 32% hoos u dhacday marka la barbar dhigo halkii ay taagnayd sannadkii hore ee 2016, waxaanay Qaramada Midoobay sababta ku sheegtay lacago la soo daabacay oo suuqa soo galay iyo doollarka oo ku yaraaday suuqyada. Warbixintu waxay tidhi "Shilinka Somaliland boqolkiiba 32 ayaa uu qiimihiisu hoos dhacay marka la eego sida uu ahaan jiray hal sano ka hor, sababtuna waa lacagaha la soo daabacayo ee suuqa soo gelaya oo kordhay iyo doolarkii suuqa lagu qaboojinayey oo yaraaday, kadib markii uu hoos u dhacay dhoofkii xoolaha iyo dakhligii dhoofku.”

Warbixintan Qaramada Midoobay ee qiime dhaca lacagta Somaliland ayaa ah mid ay shacabka Somaliland arkayeen sannadihii u dambeeyay, waxaana suuqyada ka baxay noodhadh badan oo ah lacagtii, iyadoo inta badana suuqyada Somaliland wax lagaga iibsado lacagta Dollarka.
Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in roobabkii deyrta ee la filayay ay aad u yaraayeen, inkastoo deyr kooban oo da’day ay qaboojisay abaar jirtay, haddana waxa ay Qaramada Midoobay tilmaantay in roobabkii la filayay ay aad u yaraayeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
WAREYSIYO