Thursday June 21st, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Djibouti iyo Somaliland Wa UL iyo Diirkeed

0
Tuesday January 09, 2018 - 12:23:33 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Djibouti iyo Somaliland Wa UL iyo Diirkeed

    Booqashadii Madaxweyne Rayaale uu ku tagay dalka Jabouti waxay ahayd talaabo aad ugu muhiim ah horumarka dalka wakhtigan aan joogno. Siyaasadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booqashadii Madaxweyne Rayaale uu ku tagay dalka Jabouti waxay ahayd talaabo aad ugu muhiim ah horumarka dalka wakhtigan aan joogno. Siyaasadu





:


Booqashadii Madaxweyne Rayaale uu ku tagay dalka Jabouti waxay ahayd talaabo aad ugu muhiim ah horumarka dalka wakhtigan aan joogno. Siyaasadu waa xirfad ku dhisan wixii suurtogalnimo ah. Madaxweyne Rayaale iyo Madaxwaynaha Jabouti Mudane Geele waxay ku kicitimeen wax loo baahan yahay oo macquula iyagoo uga faa’iidaysanaya fursadani soo martay si cilmiyaysan. Isku soo dhawaanshaha labada dal ka dib wada xidhiidh hagaday ilaa sanadkii 2005 waa talaabo aad muhiim u ah haday noqoto xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba. Taageerada ay dadka reer Somaliland u hayaan dadka reer Jabuuti waa mid geesinimo ah waana mid ay dadka reer Somaliland ogol yihiin inay taageero hiil iyo hooba ah la garab galaan dadka reer jabuuti kagana soo horjeestaan gardaradii qaawanayd ee ay Eretariya kula kacday Jabouti.



Reer Somaliland iyo dadka reer jabuuti waxay isku yihiin ul iyo diirkeed. Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa ku nool Jabuuti sidoo kalena dad badan oo reer Jabuuti ah ayaa ku nool Somaliland, Qofka reer Jabuti ee dhintaa waa qof ka dhintay Somaliland, taasi waa arinta dhabta ah ee lama huraanka ah, sidaasi darteed dadka reer Somaliland iyo Dawladooda waxaa ka go’an inay taageero hiil iyo hooba ah la garab istaagaan walaalahooda reer Jabuuti.

Wakhtigii aynu soo dhaafnay labada dal aad bay isu caawiyeen midba marka uu ka kale u baahdo. Hadaynu tusaalayaal soo qaadano:


  1. Markii ay reer Jabuuti u dagaalamayeen inay xoriyadooda ka qaataan Faransiiska, dadka reer Somaliland waxay la garab istaageen taageero hiil iyo hooba ah, haday noqoto mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Waxaa lama ilaawaan ah heeso wadiniyeedkii, gabayadii, Mudaharaadyadii iyo ololihii ay dadka reer Somaliland yar iyo waynba ay ku cabireen sida ay u jecel yihiin inay dadka reer Jabuuti xoriyadooda ka qaataan Faransiiska. Waxa kale oo dadka reer Somaliland si diiran ay u soo dhaweeyeen dadkii reer jabuuti ee uu gumaystuhu wadankooda ka soo cayriyay iyo waliba xoriyad doonkii Jabuuti oo lagu tababaray Somaliland. Reer Somaliland way soo dhaweeyeen dadkaasi reer Jabuuti guryahoodiina way u fureen, waxbarashadiina bilaash ayay uga dhigeen caruurtooda. Waana xaaqiiq in dad door muhiima ka ciyaara Jabuuti ay wax ku barteen Somaliland. Halgamaagii waynaa ee reer Jabuuti, Maxamuud Xarbi, gabadhiisu waraysi ay siisay laanta Afka Somaliga ee BBC da sanadii 2004 kii ayay dhamaan ku sheegtay arimahaasi oo dhan.

  2. Taasi badalkeeda waxay dadka reer Jabuuti iyo dawladooduba caawiyeen reer Somaliland wakhtigii ay la dagaalamayeen Dawladii kali taliska ahayd ee uu hogaaminayay kalidii taliyihii Siyaad Bare. Anigu markii aan dalka laajiga ka ahaa ee 1981-1984kii waxaan magangalyo ka helay DJabouti. Dad badan oo reer Somaliland ah oo aan anigu ka mid ahay ayaa ganacsi midho dhal ah ka samaystay wadankaasi Jabuuti. Waana dhab inay Jabuuti meel nabdoon u ahayd dadka reer Somaliland wakhtigaasi ay la dagaalamayeen Siyaad Bare, wakhtigaasi oo dadka reer Somaliland lagu hayay nooc kasta oo xaqiraad ah, Cadaadis iyo naxariis daro u horseeday dadka reer Somaliland xasuuq iyo cuno qabatayn dhaqaale oo uu Siyaad Barre kula kacay. 1980-1981kii markii dakadii Berbera la xidhay alaabtii dakada ka soo dagaysay waxay ahayd 300 oo malyuun oo Dollar taasi oo la bililiqaystay 1980-1981kii, Jabuuti waxay noqotay albaab u furmay nolosha iyo noolaanshaha dadka reer Somaliland. Djabuuti waxay ahayd meel aad u nabdoon oo ay hooyadu iman karto si ay u aragto inankeeda ay jeclayd ama ay gabadhi la kulmi karto saygeeda.

Waxaa jirta boqolaal dhacdooyin oo taariikhda gashay taasi oo aniga iyo saaxiibadaydii SNM ee Jabuuti joogay aanu la kulanay markhaatina ka nahay. Bal waxaad qiyaastaa Mujaahid SNM ah oo dagaalamaya oo kula kulmaya xaaskiisa ama hooyadii Jabuuti.


  1. Dhinaca kale dadka reer Jabuuti iyo dawladoodu waxay ka faa’iidaysteen xidhiidkii ganacsi ee ay la lahaayeen Somaliland. Dhaqaalaha reer Jabuuti wakhtigaasi wuu horumaray, khibrada ay dadka reer Somaliland u lahaayeen inay ganacsi samaystaan waxa uu waxtar u noqday dhaqaalaha dadka reer Jabuuti, iyada oo uu dhaqaalihii isu badalay mid ay gacanta ku hayaan dadka reer Jabuuti halka dhaqaalaha Jabuuti ay markii hore gacanta ku hayeen dad carab ah iyo inyar oo Somali iyo Canfar ah. Tani waxay noqotay mid ay labada dhican (Somaliland iyo Jabuuti) dhaqaalahooda ku horumariyaan waxayna tani tusaale la garanayo u noqotay iskaashiga gobolka ee xaga dhaqaalaha iyo iskaashiga dhaqaale ee lagu horumarin karo dhaqaalaha Aduunka.

  2. Maalmahaasi iyo sanadaadaasi madaw Jabuuti may ahayn oo kaliya albaab u furan dadka Somaliland ku nool oo qudha ee waxa kale oo albaab ay u ahayd Mujaahidiintii SNM ee xaruntoodu ahayd Ethiopia. Maal badan ayay dadkii reer Somaliland ee laajiga ku ahaa Jabuuti u ururiyeen iyagoo markaasina isu dayay sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen Dawlada DJabouti inay taageero siiso urukii SNM. Sidoo kale dumarkii waxay iska ururiyeen lacag waxayna samaysteen wada xidhiidh ah sidii ay u caawin lahaayeen qoysaskii ama xaasaskii ka yimid Somaliland, kuwaasi oo ragoodii uu xidhay Siyaad Bare ama ay ka mid ahaayeen SNM. Dadaalka ay sameeyeen dumarkaasi waa mid aan waligii la ilaawi doonin waana mid taariikhda lagu qori doono loona dhigi doona jiilka soo socda Insha Allah. SNM waxay ahayd dhaqdhaqaaq ka socday wadano badan, gudaha Somaliland/Somalia iyo gagada Dagaalkaba, ma aha mana noqon doonto SNM mid ay koox gaar ahi sheegan karto, laakiin SNM waa dadka oo dhan koox kastaana waxay ku leedahay door muhiim ah sidii dadka reer Somaliland looga xoreeyay kalidii taliyihii Siyaad Bare. Waxaan aad ula yaabaa markaan arko koox kaligood sheeganaya SNM.

  3. SNM waxay gudo gashay weerar wayn 1984kii, weerarkaasi oo loo yaqaanay "Dagaalkii Buuraha”. Waa xaqiiq in dagaalyahano badan oo SNM ahaa ay ku naf waayeen dagaalkaasi, laakiin kalidii taliyihii awooda badnaa ayaa kumaan kun oo ciidamadiisa ah ku waayay dagaalkaasi, intii soo hadhayna way ka niyad jabeen inay la sii dagaalamaan SNM. Dagaalkaasi waxa uu dhisay niyadii iyo rajadii SNM waxaanu fursad u siiyay in SNM ay ka hesho khibrad khasaarahaasi wayn, inay si xoog ah isu urursadaan iyo inay xidhiidh la sameeyaan dadka reer Somaliland iyagoo ku guulaystay taageeradooda. Haseyeeshee wakhtigaasi SNM waxay ku jirtay tababar manayna haysan wax hub iyo gaadiid ah. Dagaalkaasi SNM waxay isticmaaleen lugahooda taasi oo ay ku galeen dalka gudihiisa. Tani waxay ahayd arin aad u adag inay ku dhiiradaan.


Markii ay hogaankii garabka milatari ee SNM baadhitaan ku sameeyeen dagaalkaasi waxay ogaadeen in dhibaatada u wayn ee haysatay ay ahayd gaadiid la’aan. Horaantii 1985kii, wasiirkii difaaca ee SNM Alle ha u naxariistee Aadan Shiine ayaa noo soo qoray kooxdayadii SNM ee joogtay Jabuuti waraaq ay ku codsanayeen in si dhakhso ah loogu soo diro gawaadhi iyada la’aantoodna aan la sii wadi karin in weeraro waawayn la qaado ama dadaalka la sii wado. Tani waa nagu adkayd inaanu samayno- dhinac waa ka suurta gal oo gawaadhi waanu heli karnaa laakiin sidee suurta gal u tahay inaanu u dirno Diridhaba?- Ilaahaybaa mahad iska leh, waxaanu ku guulaysanay in 20 nin oo naftood hurayaal ah oo gawaadhi waawaayn lahaa aanu ka dhaadhicino arintaasi, Inyar ayaa maanta ka nool oo badidoodii way dhinteen Alle ha u naxariistee.


Dawladii Jabuuti oo uu wakhtigaasi hogaaminayay Alle ha u naxariistee Xasan Guuleed iyo madaxwaynaha hada talada haya Ismaaciil Cumar Geele oo wakhtigaasi ahaa madaxa sirdoonka ee Jabuuti ayaa noo balan qaaday inay arintaasi noo ogolaanayaan aananu hore ka wadno. Waxaana lanagu war galiyay in labadii cishaba laba gaadhi aanu tareenka Diridhaba u baxaya saarno, maxaa yeelay waxay ahayd arin aad khatar u ah inaanu gawaadhida mar qudha wada dirno.


Markii aanu labadii gaadhi ee u horeeyay aanu dirnay ayaa Siyaad Bare koox maamulkiisa ka tirsan uu noogu soo diray Jabuuti si ay dawlada Jabuuti ugu qanciyaan inay joojiso dirista gawaadhida wixii hadhay. Guntii iyo gabagabadii Dawladii Jabuuti way diiday arintaasi, kooxdiina iyagoo gacmo madhan ayay ku noqdeen Siyaad Bare. Saddex wiig ka dibna gawaadhidii oo dhami way gaadheen Diridhaba. Arintani waxay dhistay niyadii SNM arinta ugu muhiimsana waxay noqotay in dawaladii Ethiopia ee wakhtigaasi ay ku qanacday inay SNM tahay koox aad khatar u ah waxayna ogaatay inay dawlada Jabutina na taageersan tahay.


Waxaa kale oo jirta dhacdooyin fara badan oo dadkii reer Jabuuti iyo Dawladooduba ay ku caawiyeen dadkii reer Somaliland wakhtigii ay la dagaalamayeen kalidiitaliyihii Siyaad Bare. Waxaan si buuxda u dareensahay in dad badan oo reer Somaliland ahi gaar ahaan dhalinyaradu ayna war u hayn taageerada lama ilaawaanka ah ee ay dadka reer Jabuuti u qabteen dadka reer Somaliland, wakhtigaasi oo aynu xoog ugu baahnayn taageeradooda SNMna ay curdinka ahayd. Waxaan rumaysanhay in la gaadhay wakhtigii taariikhda la sixi lahaa taasi oo ay dadka reer Jabuuti caawiyeen dadka reer Somaliland wakhtigii inoogu adkaa ee aynu la dagaalamaynay Siyaad Bare inaga oo kaashanay taageerada Dawlada Jabuuti.


Waxaan si xoog ah u rumaysanahay mucjisooyinka Ilaahay. Nin ka mid ahaa hogaamiye diimeedkii reer Somaliland kaasi oo ahaa ragii keenay fikrada ah inaan Siyaad Bare la dagaalano ayaa maalin yidhi "Xaaladu way adkaan doontaa waxayna noqon doontaa mid aan loo dulqaadan karin, wakhtigaa Jabuuti waxay noqon doontaa gaboodkeena iyo ta inagu taageerta ka soo horjeedka aynu ka soo horjeedno Siyaad Bare”. Markii ay Jabuuti diiday inay ku biirto Somali weyn ee ku dhawaaqday gooni isu taageeda dad badan oo Somali ah ayaa ka cadhooday arintaasi, laakiin dadkaasi way qaldanaayeen waayo ilaahay baa og sida fiican.


Somaliland waxay ahayd dal jira oo gooni u taagan 17kii sano ee u danbeeyay waana dal nabdoon oo leh Madaxweyne, Baarlamaan iyo golayaal deegaan oo si dimuqraadi ah loo soo doortay. Xuquuqda aad u leedahay inaad gooni isu taagto waxay ku xardhan tahay dastuurka Qaramada Midoobay taasi oo sheegaysa "Dadka oo dhami xaq bay u leeyihiin inay gooni isu taagaan ama goonidooda isu maamulaan” iyagoo dadku tix raacaya xuquuqdaasi ay leeyihiin, waxay fasax u leeyihiin inay samaystaan maqaamkooda siyaasadeed oo ah sidii ay iyagu u maamulan lahaayeen horumarka dhaqaalahooda iyo dhaqankoodaba.


Waa cadaalad daro in wadamada aduunku iska dhago tiraan aqoonsiga Somaliland, iyagoo iska indho tiraya guulaha ay gaadheen dadka reer Somaliland iyo dimuqraadiyada iftiintay taasi oo aad ugu yar qaaradani Afika iyo wadanada badan ee horumaraya. Tani waxay dhabar jab ku tahay xuquuqda aasaasiga ah ee dadka reer Somaliland kuwaasi oo ku dadaalay sidii ay u samaysan lahaayeen dal dagan oo nabdoon kaasi oo gargaar aad u kooban dibada ka hela.


Warbixin ay si wada jir ah baanka aduunka iyo Qaramada Midoobay uga diyaariyeen Somaliland sanadii 2006 ayaa waxay ku sheegeen:


"Ilamaa bilawgii 1990kii, Somaliland meelo badan ayay horumar ka gaadhay, kuma koobna oo kaliya wada hadal iyo is dhexdhexaadin gaar ah, samaynta iyo ka shaqaynta Dawlada iyo sharci shaqeeya, dimuqraadiyad u hogaamisay doorashooyin xor iyo xalaal ah iyo dastuur. Waxaa tani suurto galiyay kuluglahaansho firfricoon oo ka yimid ururada madaxabanaan, bulshada rayidka ah, ka qaybqaadashada oday dhaqameedyada, iyo lacago badan oo dadku iska ururiyeen sidii ay nabad waarta u samaysan lahaayeen”


Inta ugu yar hadaan yidhaa, waa xaqirid iyo cadaalad daro in bulshawaynta caalamku ay Somaliland uga dhigto lahayste Somaliya – xitaa hadayna is maamul lahayn sidii ay ahayd 17kii sano ee u danbeeyayba ama ay waligeedba is xukunto mustaqbalka! Sida ku cad sharciga caalamiga ah dadka reer Somaliland way ka tashadeen mustaqbalkooda waanay soo ceshadeen madaxbanaanidoodii ay iska diideen 48 sano ka hor xaq ayayna taasi u leeyihiin. Dadka reer Somaliland, waxay si guul ah oo nabada ay u raaceen dariiqii dimuqraadiyada waxaanay si dumuqraadiyad ku dheehan tahay go’aan uga gaadheen mustaqbalkooda. Somaliland waxay rajaynaysaa in Dawladda Jabuuti ay ugu horayn doonto aqoonsiga ay dadka reer Somaliland sugayeen wakhtigaasi dheer.


Dad badan oo siyaasiyiin ruug cadaaya, aqoonyahano ah, Baadhayaal ah iyo khubaro badan oo dunida dacaladeeda ku kala nool ayaa ugu yeedhaya bulshawaynta caalamka inay u kuur galaan isbadal joogto ahna ku sameeyaan waxa loogu yeedho "Shanta Somaliyeed ee xidigta shan geesoodka ah”. 28kii bishii July 2003, urur aad wax u saameeya, oo la yidhaa International Crisis Group, oo xaruntiisu tahay Dalka Belgium, gaar ahaan Brussels, ayaa warbixin uu ka diyaariyay Somaliland waxay ku sheegeen in dhamaan ururada xiisaynaya Somaliland inay fahmaan taariikhda iyo xaalada ay hada Somaliland ku sugan tahay. Warbixintaasi waxay xooga saaraysaa:


"Dimuqraadiyada ka jirta Somaliland waxay ka dhigaysaa aragtida ah inay la midawdo Somalia waxaan dhici karayn ama aan suurto gal ahayn, ma aha in dastuurkoodu uuna la mid ahayn ka dawlada ku meelgaadhka ah, aragtida ah inay la midoobaan Koonfurta Soomaaliya, laakiin dadkoodu waxay la xisaabtamaan madaxdooda – dadka reer Somaliland badidooduna ma rabaan inay wax midaw ah la galaan Somalia”


Waa cadaalad daro inay bulsho waynta caalamku sii wadaan hadafkani macno darada iyo saboolka ah ee lagaga soo horjeedo danaha reer Somaliland kuwaasi oo ay ka cadhaysiinayso, cadaalad darana ay ku tahay sharafdarada uu aduunku ku kacay isaga oo wakhti dheer aan adeecid aduunwaynuhu xuquuqda dadka reer Somaliland. Maxay ku qaadan hadii Dawlada Jabuuti ay dhinac sax ah ka istaagto madaxbanaanida dadka reer Somaliland ayna dhamayso cadaalad daradani uu aduunku ku hayo?


Siyaasadu waa xirfada wixii suurto gal ah dadka reer Somalilandna waxay rajaynayaan in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele uu si geesinimo ah uu go’aanka saxda ah u qaato, isaga oo isticmaalaya xirfadiisa siyaasadeed, aqoonyahanimo iyo hogaamineedba, dulucduna waxay tahay wado kastaaba waxay ku gaynaysaa Caasimada Jabouti.


Iid Calisalaan Axmed

Eid is Chartered Fellow of the UK Institute of Personnel & Development and Management and Development Consultant. He is longtime active campaigner and lobbyist for Somaliland and one of the initiators and founders of SNM & UFO Group.




Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
WAREYSIYO