Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Madaxweynaha Puntland Oo Farmaajo Ka Hor Istaagay Dhagax Dhiga Waddada Isku Xidhaysa Badhan Iyo Ceel-Daahir Iyo Sababta Oo La Xidhiidhinayo Somaliland.

0
Saturday January 13, 2018 - 07:36:01 in Wararka by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Oo Farmaajo Ka Hor Istaagay Dhagax Dhiga Waddada Isku Xidhaysa Badhan Iyo Ceel-Daahir Iyo Sababta Oo La Xidhiidhinayo Somaliland.

    Madaxweynaha Puntland Oo Farmaajo Ka Hor Istaagay Dhagax Dhiga Waddada Isku Xidhaysa Badhan Iyo Ceel-Daahir Iyo Sababta Oo La Xidhiidhinayo Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Oo Farmaajo Ka Hor Istaagay Dhagax Dhiga Waddada Isku Xidhaysa Badhan Iyo Ceel-Daahir Iyo Sababta Oo La Xidhiidhinayo Somaliland.
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Md Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ka hor istaagay inuu dhagax dhigo waddo isku xidhaysa deegaanka Ceel-Daahir oo ka tirsan maamulka Puntland iyo degmada Badhan ee somaliland.
 
 
 
 

 

 

 
 
 
 
Madaxweyne Farmaajo oo ku guda jira safarka dhulka ah ee uu ku marayo deegaano ka mid ah maamulka Puntland ayaa qorshaystay inuu dhagax dhigo waddadaas oo muhiim u ah isku socodka bulshada iskaga gudbaysa dawladaha somaliland iyo Soomaaliya.
 
 
 




 
 
Madaxweyne Farmaajo iyo weftigiisa oo ku hakaday deegaanka Ceel-Daahir ayaa kulan la qaatay madax dhaqaameed ka soo deegaankaasi oo qorsheeyey in loo dhagax dhigo waddada ayaa madaxweynaha kala kulmaycudur daar uu ka sameeyey go’aanka uu madaxweyne Gaas kaga hor istaagay inuu dhagax dhigo waddadaas.
 
 



 
 
 
 
 
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi wali Gaas ayaa go’aankiisa ku sababeeyey inuu ka cabsi qabo inay dawlada somaliland dagaal kaga jawaabto dhagax dhiga madaxweyne Farmaajo ee waddadaas, isaga oo xusay inaan maamulkiisu wakhtigan lahayn awood ay iskaga caabiyaan ciidamada qaranka somaliland ee ku hawlan inay sugaan xuduuda dalkooda.
 
 
 
 


Madaxweyne Farmaajo oo deegaanka Ceel-Daahir kula kulmay madax dhaqameed kala duwan ayaa ku war geliyey in culaysyo fara badan oo haysta madaxweynaha Puntland ay keeneen inaan wakhti xaadirkan la dhagax dhigin waddada isku xidhaysa Badhan iyo Ceel-Daahir.

 
 
Warar kale ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntland uu hore u dhibsaday safar uu wasiirkii qorshaynta ee dawlada federaalka ahi ku tagay degmada Badhan ee ka tirsan dhulka somaliland, waxaanu warku intaas ku daray in madaxweyne Gaas si weyn uga digtoon yahay dagaal kaga yimaada ciidamada somaliland kaas oo ay sabab u noqon karaan masuuliyiinta dawlada federaalka ahi.
 
 
 


Go’aanka madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay ciidamada qaranka somaliland qabsadeen deegaanka Tuka-raq oo waxyar u jira magaalada Garoowe ee uu ka taliyo madaxweyne Gaas isla markaana diyaar u ah inay talaabo milatari qaadaan wakhti kasta oo loo baahdo.

 
 
Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo oo wali ku guda jira safarka uu ku marayo deegaanada maamulka Puntland ayaa maanta gaadhay magaalada Boosaaso, isaga oo uga gudbaya magaalada Gaalkacayo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO