AKHRI 45 Kii Maalmood Ee Madaxweyne Muuse Biixi Kursiga Ku Fadhiyay Iyo Dhacdooyinka La Kawsaday Ee Bulshada S,land Saamaynta Ku Yeeshay
Madaxweynaha S,land Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo Talada Dalka La Wareegay Dabayaaqadii Sanadkii Tagay Ee 2017Kii Ayaa Waxa Ka Hor Yimi Dhacdooyin Badan Oo Saamayn Togan Iyo Mid Tabanba Ku Yeeshay Bulshada Ku Dhaqan S,land Iyo Macaamilka Saaxiibtinimo Oo Ee Aynu La Wadaagno Dalalka Mandqada,
Tan Iyo Wakhtigii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi La Wareegay Talada Dalka Ayaa Waxa Laga Jooga Mudo Ku Siman 45 Maalmood
Waxaana La Kawsaday Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Dhacdooyin Saamayn Badan Ku Yeeshay Dalka Iyo Dadka Ku Noolba Kuwaasoo Intoo Badani Ay Hadal Hayn Badan Abureen Waxaana Ka Mid Ah
1- Dhacdooyinka Wakhtiyadan Ina Soo Foodsaaray Sixir Barar Iyo Sare Ukaca Maceshada Oo Si Weyn Saamayn Ugu Yeeshay Bulshada Degan Guud Ahaan Degaanada Dalka.
2 -Sidoo Kale Waxa Ka Mid Ah In Iyana Dawlada Federaalka Ah Ee Somalia Ay La Wareegtay Maamulkii Hawada Ee Guud Ahaan Dalka Taasoo Ay Hay,ado Si Gaara Loo Leeyahay Gacanta Ku Hayeen.
3-Taariikhda Markii Ugu Horeysay Waxa Dhawaan Socdaal Kusoo Gaadhay Magaalada Badhan Wasiir Ka Socda Dawlada Federaalka Somalia Oo Si Tamashle Ah Mudo Maalmo Ah Ku Marayay Magaalooyin Badan Oo Bariga Somaliland Ka Mid Ah
4-Markale Waxa Dagaalo Iyo Xiisad Colaadeed Ka Dhex Qarxeen Ciidamada S,land Iyo Maamulka Putland, Halkaasoo Ay Ciidamada Qaranka Ee S,land Kula Waregeen Goob Cashuureed Oo Ku Taala Degaanka Tukaraq Waxaana Bilaabmay Saan Saan Colaadeed Oo Saamaynteeda Yeelatay.
5-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Mudadaa Kooban Ee Uu Xilka Hayay Waxa Abuurmay Saxmad ifafaalaheeda Aan La Mahadin Oo Ah Salaadiinta Dhaqanka Qaybo Ka Mid Ah Oo Warbaahinta Isu Mariyay Hadalo Intooda Badani U Eekaayeen Kicin Dadweyne Iyo Kala Qob Qob Bulshada Iyo Beelaha Wada Dega Ah.
Taasoo Qaar Ka Mid Ah Salaadiinta S,land Ay Shegeen In Xukuumada Talada Haysa Ee Uu Hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ay Tahay Waxay Ugu Yedheen Ama Ku Magacaabeen Jegaan, Isla Markaana Ay Ku Midoobeen Beelo S,land Ka Mida Saami Ahaana Aan Umada Degan Dalku Usinayn.
6-Sidoo Kale Mudadaa Uu Talada Dalka Hayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxa Markale Dib Usoo Laba Kacleeyay Dagaalo Dhawr Jeer Oo Hore Beelo Walaalo Ah Ugu Dhex Maray Degmada Ceelafweyn Iyo Degaano Hoos Yimaado Taasoo Markii Ugu Danbaysay Degaanka Dararweyne Uu Si Kadis Ah Uga Qarxay Dagaal Sababay Dhimashada Toboneeyo Ruux Iyo Dhaawaca Sodomeeyo Ruux Inta Laga Warqabo.
Dhacdooyinkan Oo Si Weyn Bulshada Caalamka Iyo Shacabka Reer S,land Ay Isu Weydiiyeen Ayaa La Kawsaday Xukuumada Madaxweyne Biixi Waxaana Degaano Badan Oo S,land Ka Mid Ah Laga Dareemayaa Sare Ukaca Qabyaalada Iyo Faquuq Xaga Isirka Ah Oo Beelaha S,land Ka Dhex Qarxay
Ma Kula Tahay Akhriste In Ay Haboontahay In Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uu Awooda Talada Dalka Ka Dhigo Mid Wadaag Ah Oo Talo Iyo Tusaaleba Ay Ka Qayb Qataan Cidwalba Oo Aqoon Siyaasadeed Iyo Mid Dhaqanba Uleh Wada Nolaanshaha Umada Somaliland Iyo Saami Bixinta Xilalka Qaranka Si Loo Helo Qaran Mid Ah Iyo Bulsho Dareensan Daacadnimo Cadaaladi Ka Muuqato,
Taasoo Ka Mid Ah Astaamihii Ay Kusoo Hanaqaaadeen Madaweynayaashii Kala Danbeeyay Ee Maamulka Talada Dalka Soo Maray
Maxamed Cali Bakeeri
Burco Online
Hargeisa Office
AKHRI 45 Kii Maalmood Ee Madaxweyne Muuse Biixi Kursiga Ku Fadhiyay Iyo Dhacdooyinka La Kawsaday Ee Bulshada S,land Saamaynta Ku Yeeshay
AKHRI 45 Kii Maalmood Ee Madaxweyne Muuse Biixi Kursiga Ku Fadhiyay Iyo Dhacdooyinka La Kawsaday Ee Bulshada S,land Saamaynta Ku Yeeshay