Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Madaxweyne Muuse Biixi Sarayntii Sharciga Ma Hoos U Dhiga Sharciga Ayuu U Badalay ??.

0
Saturday February 10, 2018 - 15:55:56 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 1325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Sarayntii Sharciga Ma Hoos U Dhiga Sharciga Ayuu U Badalay ??.

    Murashaxii KULMIYE Madaxweyanaha hadda ee Somaliland wuxuu ku ololeeyay saraynta sharciga, shakhsi go'aan adag dooro iyo qodobo kale oo mala awaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murashaxii KULMIYE Madaxweyanaha hadda ee Somaliland wuxuu ku ololeeyay saraynta sharciga, shakhsi go'aan adag dooro iyo qodobo kale oo mala awaal

Hargeisa (Burcoonline) 10.02.2018 Murashaxii KULMIYE Madaxweyanaha hadda ee Somaliland wuxuu ku ololeeyay saraynta sharciga, shakhsi go’aan adag dooro iyo qodobo kale oo mala awaal aha..Ilaa hadda intaan hayo anigu sarayn sharci iskadaayo hoos u dhigida sharciga ayaa socoto. Madaxweyanaha qodob Dastuuri ah aya siinaya awooda magacaabista iyo xil ka qaadistaba.

Waxa yaab leh Xukuumaddii Siilaanyo waxa aad loo hadal hayn jiray magacaabista habeenkii masuuliyiinta la magacaabo badana goor danbe , arrinta qosolka lihi waxa weeye Muuse Biixi isagu Dikreetooyin qarsoon oo Ummadda laga qariyay ayuu wax ku magacaaba, waana khiyaano iyo sharci jabin. Waxa kalifay anigu garan waayay. Ma cidda aad soo dhawaysatay yaan la ogaanba? ma saami qaybsiga oo haddaba dhibac ka raran oo sadbursiimo foocsanaan ahi sii fuushay ummadda ka qariba? Garan waayay .


Maxamed Cali Bile wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada, Ummadda looma soo bandhigin magacaabistiisi waanu shaqaynaaya. Waa xil culus oo horena inoo soo maray Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa xilkan mar hayay muran badan oo uu dhaliyayna Wasiirka Madaxtooyada ayaa loo badalay . Dood badan oo laga yeeshay waxa dhammaan shaqaalaha Madaxtooyada lagu amray inay ka amar qaataan, haddii la waydiiyo xilkiisana waxay ku sheegayaan La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweyanaha. Waan hubaa Saxaafaddu haday Muuse Biixi waydiiso wuxuu ku jawaabi doona "Maxamed Cali Bile waa la-taliyahayga”.. Runtuse waa Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada .. Xitaa inuu la-taliye u yahay Shacbiga xasaanada Madaxweyne uu ugu dhaartay looma soo bandhigin...... Maruu ka hadlaayay Toronto Canada oo uu safar ku joogo wuxuu cadeeyay inuu Xukuumadda la shaqeeyo lakiin xilkiisa muu soo bandhigin.

Dr. Cismaan Sheekh waa aqoon yahay ku dhashay Gabilay, Baanka horumarinta Afrika ayuu muddo dheer ka shaqaynaayay. Xafiiska ugu weyn ayaa hadda looga sameeyay Madaxtooyada waana la magacaabay oo isagu waa La-taliyaha la taliyaayasha Madaxweyanaha ee dhaqaalaha iyo maamulka. Waxaase yaab leh Shacbiga Somaliland looma sheegin loomana soo bandhigin, waanu shaqaynayaa. Bal haddaba sidee maamul wanaag iyo wax wada la haansho daacad ahi ku imanaysaa??! Saxaafadda Somaliland ayay u taala inay arrimahan ogaato oo Ummadda u soo bandhigto..

Tusan

Muniir Axmed Cigaal



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO