Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Tayada Wax Soo Saarka Dabiiciga ah Ee Shirkada Riyaan Organic Care

0
Sunday February 11, 2018 - 10:32:01 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tayada Wax Soo Saarka Dabiiciga ah Ee Shirkada Riyaan Organic Care

    Tayada Wax Soo Saarka Dabiiciga ah Ee Shirkada Riyaan Organic Care

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tayada Wax Soo Saarka Dabiiciga ah Ee Shirkada Riyaan Organic Care
Tayada Wax Soo Saarka Dabiiciga ah Ee Shirkada Riyaan Organic Care

Wadaniyad sax ah oo fa’iido Dhaqan- Dhaqaale iyo mid horumarba ka abuurtay wadankan dihinka ah ee soomalliland.

Muna Magan waa aqoonyahanad qurbo-joog qaran jecel ah. waxayna dhidibada u taagtay shirkada RIYAAN ORGANIC CARE.
Shirkadan Ugubka ah wax soo saarkeeda ayaa ah wax soo saar dabiici ah oo tayto leh waana shan (5) wax soosaar oo laga sameeyo geedka dabiiciga ah ee laga beeray magaalada HURRA-HAADLAY.


Geedkan dabiiciga ah ayaa lagu magacaabaa MORINGA.
Waana ku wan wax soo saarkiisii (5) shanta ahaa
:
1.Moringa Oil
2.Moringa Head Mass
3.Moringa Powder
4.Moringa Body Scrub
5.Moringa Soap

A.Moringa Oil
Wax soo saarkani waa saliid dabiici ah taasoo la wada isticmaali karo raga iyo dumarba
Waxaynu u fiicatahay tinteena iyadoo ka ilaalinaysa aflaaqada, toxobta, go’ida qallaylka, iyadoo ka dhigaysa mid tayo leh tintaadana una yeelaysa midab madow oo dhalaalaya.
Sidoo kale waxay ka hortagaysaa wixii waxyee leeyo kaga imanaysa tinta gudaha iyo dibadaba
 
B.Moringa Head Mass
Wax soo saarkan sidoo kale waxad u isticmaalaysaa timahaaga.
Waxaanad isticmaalaysaa maydhashada ka hor tintaada oo qalalan ayaad marinasyaa kadib waxaad ku deynaysaa mudo 20-Daqiiqo ah.
Kadib waa aad iska maydhaysaa natiijadana adaa ogaanaya insha allah
Odhaahdan ayaan ka idhi anigu ( TIJAABI TAYADEEDA ADAA TEBI DOONEE).
C.Moringa Powder

Wax soo saarkan waa maid aad u mihiim ah maadaama uu xambaar sanyahay caafimaad.
Waxsoo saarkani waa mid budo ah kana daawo ah cudurka dhiig karka ee aafada ku ah dadkeena.
Waxaanad u isticmaalaysaa subaxii markaad toosto adoo 2-Malqacadood oo wax soo saarkana ku darsanaya shaaha, ama koob biyo ah ka dib waad cabaysaa .
Waxaanad kaga maarmaysaa daawooyinkii tirada badnaa ee chemical ka ahaa
D.Moringa Body Scrub

Wax soo saarkana waa mid sidoo kale dabiici ah waana mid aad u istic maalayso dhamaan jidhkaaga isaga oon u gaysanayn wax yeelo.
Dhamaan jidkaaga ayaa uu ka dhigayaa mid nadiif ah kana dhamaynayaa uskaga, iyo Mad-madowga. Sidoo kale waxaad isticmaalaysaa intaadan maydhan ka hor.
Waana mid caraf badan ama udgoon ah waxaana lagu sanceeyay liinta dalkeena.
Waana wax soosaar aad ka helayso vitamins iyo minerals.
E.Moringa Soap

Wax soo saarkan dabiiciga ahi sidoo kale waa mid aad kaga maar mayso saabuunihii lahaa chemicals ka.
Waxaanad u is tic maalaysaa sida saabuuntii oo kale adigoo ku maydhanaya ama ku qubaysanaya dhamaan jidhkaaga. Isagoo kaa dhamaynaya dhamaan wasakhda jidhka.

Hadaba shakhsigan Hal- Abuurka wax soosaar leh. sidoo kale na ah aqoonyahanada wax kusoo baratay wadanka ingiriiska.
Iyadoo baratay culuumta (BIO MEDICAL SCEINCE NEUTRATION). Waxaanay baadhitaanka arinkan daraasaynaysay muddo 2-Sano ah. waa inaynu garab is taagnaa inagoo ku garab is taagayna ididiillo siin iyo dhiiri gelin sax ah.

Si’ uu wax soo saarkani u noqdo mid midho dhala una gudbo wax soo saarkani dhamaan dacallada dunida. Si ayanu u noqono mujtamac muunad wax soo saar iyo koboc dhaqaale bal eh.
Kana mid mid noqono dawladaha wax soo saarka leh ee dunida
.
Qormo qoraaleedkaygani waa garab istaaga shirkada le tayada wax soo saar ee abuurtay waxsoo saaro dabiici ah oo dalkaaga lagu sanceeyay, sidoo kale na ah shirkad wadani ah.

W/Q: Fadxi garaad ciise Uk

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO