Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo): Qormada Lixaad. W/Q Siciid Gahayr

0
Sunday February 11, 2018 - 10:36:08 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo): Qormada Lixaad. W/Q Siciid Gahayr

    Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo): Qormada Lixaad. W/Q Siciid Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo): Qormada Lixaad. W/Q Siciid Gahayr

Qormada lixaad ee tixda iyo taariikhda Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-Gabaydo) waxa aynu ku soo qaadan doonnaa maanso magaceedu yahay saddexdii maanlaawe oo ka mid ah suugaanta ay kula hadashay haweenka. Maansadani waxa ay ku dhisan tahay godka loo yaqaanno baarcaddaha/saarka.

Maansadan waxa tirisayAbwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-Gabaydo), markii sooyaalku ahaa7diiDisember,2013ka.

Maansadu waxa ay ku baaqaysaa in aan ujeeddada siyaasadda loo qaadannin cadaawad, cay, afxumo, buuq iyo in meel lagaga dhaco milgaha ay dadku kala mudan yihiin. Tixdu waxa ay ka digaysaa in lagu xadgudbo xurmada aadamaha: mid nool iyo mid hoydayba.

Waxa ay hablaha ugu baaqaysaa in aanay la kala safan siyaasiyiinta hirdamaya ee aan saamiga siinnin haweenka, iyada oo ragga loollamaya ku astaysay "saddexdii Maanlaawe”

Beri waxa jiray nin lahaa boqol halaad iyo baarqab, kaddibna waxa uu geeliisiiba ku guursaday haweenay uu jeclaaday. Maadaama oo uu caydhoobay waxa ay dantu badday in uu ugaadhsade noqdo. Isaga oo ku maqan ugaadhsigii ayaa uu gabadha aabbeheed gurigii yimi. Haweenaydi waxa ay u tagtay nin deris la ahaa oo ugaadhsade ah, iyada oo ka codsatay in uu sii siiyo hilib ay aabbeheed u kariso. "Waayahaye, hadhaw ii soo bax” ayuu yidhi. Waxa soo galay saygeedii oo ugaadhsigii ka soo laabtay.

Waxa ay tidhi "Waxa aad tihiin saddex maanlaawe

  1. Aabbo: inta la iga bixiyay boqol halaad iyo baarqab ayaad weliba xoolo ka doonaysaa ninkaa ugaadhsadaha ah
  2. Ninkaygowna maanlaawe ayaad tahay. Adigoo lahaa boqol halaad iyo baarqab ayaad giddigoodba gabadh ka bixisay, waadigaa ka rafaadsan ee leebka sita
  3. Maanlaawaha saddexaadna waa ninka muska ku jira ee gabadhaydaa boqolka halaad iyo baarqabka laga bixiyay ku raba in ay leg ugu soo baxdo




    Odaygi waxa uu gartay dayaca qoyska haysta, sidaas awgeed ayuu badh ka mid ah xoolihii yaradka loo siiyay ugu soo celiyay inantiisii iyo saygeedii”



    Waxa ay tidhi:

    Bulshada Soomaalilaaneey

    Siyaasigu wacad ma yeesho

    Sirdoonkuna malaha aammin

    Waxay ehel iyo sokeeye

    Saaxiibbo noqdaan dantoodu

    Cidday subaxba u tilmaanto

    Qofkuna bari sidii uu yeelay

    Si leeg ilamaa la yeelo

    Ma dhaado falkuu sameeyey

    Sax iyo khalad midkuu ku sheego

    Sidaan qabo aadamuhuna

    Talada waw simanyihiine

    Siyaasaddu caynkan maaha



    Sahwiga iyo beenta maaha

    Runtoo laga soomo maaha

    Xaqoo la saluugo maaha

    Inaan samo ka aradnaanno

    Xumaan ku sifoowno maaha

    Inaan xayaday iska saarno

    Xishoodkana siibno maaha

    Baaddilkoon u siyaaxno maaha

    Cadliga seef goysa maaha

    Sallaanka dulmigana maaha

    Anshaxa inaan saydhno maaha



    Siyaasaddu maaha maaha

    Caqliga samirkiyo damiirka

    Asluubtiyo dhaqanka suubban

    Sowraca gobonnimiyo sharafta

    Siday u dhantahay dadnimadu

    Inaan Siiroo garaynoon

    Sabool iyo caydh ka noqonno



    Siyaasaddu maaha gacalo

    Samsameey madaxweynaheenna

    Axmed iyo sowjaddiisa

    Inaan sanifnoon u tirinno

    Inaan ku sasnoon dhaliilno

    Inaan suuqyada ka cayno

    Sidaan doonnana u hadalno



    Siyaasaddu caynkan maaha

    Ma aha soddoh qiimo badanoo

    Si weyn loo wada qadariyoo

    Xushmiyo mudan soo dhaweynoo

    Saygeediina uu xijaabtay

    Sumcaddeeda inaynu waxyeelno

    Siyaasaddu maaha maaha

    Marxuun saacadiis dhammaatay

    Xabaashiyoiilka seexday

    Inaan hilibkiisa saafno

    Inaan sahal mayd u xamanno

    Adduunka maxkamad ku saarno



    Siyaasadi caynkan maaha

    Sandoonow qaylo maaha

    Ha la iswada seego maaha

    Ha la isku sanaadho maaha

    Sokeeye collooba maaha

    Khiyaamee iyo sir maaha

    Cadaawad sameyso maaha

    Siyaasaddu caynkan maaha

    Saxaafadda qowlal maaha

    Muwaaddin codkii ku siiyey

    Xaqiisana seeji maaha

    Sidii rangers guryaha oo

    Saqdhexe loo daato maaha

    Inaan sardhino iyo maaha

    Kursiga qaranka ii sitaacan

    Ka fuulayna ha isa siiyo

    Ka doonayna ha u sakhraamo



    Saakana hadal iyo goaankay

    Hablaha Somalilandee

    Suugaan ugub inaan ku baaqo

    Iyaga sababta u ahaayaw

    Sidii shanta maaladduunyo

    Raggaa idin kala suntadayee

    Misana isukiin salliday ee

    Safeyn ugu kala jirtaan

    Saddexdii maanlaawe weeye.



    Saha iyo damac isku wadiyo

    Sedkay isku laynayaanna

    Kumaba lihin saami qaybsi

    Waxaad ugu sacabtuntaanna

    Sadooy waa dhoy laaane

    Siddii siddidiina mooyee

    Hubsada suubaan dhaciinna



    Ayida Samadka ina uuntay

    Samow ku salliyaRasuulka SCW

    Guriyaha salka dhiga xijaabta

    Sitaadkeennii bilaaba



    Ragow sidatani si maaha

    Si aan ku qancaayo maaha

    Wallaahi si fiican maaha

    Ammaanadii aad siddeenna

    Inaad dayacdaan sax maaha

    Samaaloow miyaan adduunka

    Siduu u dhan yahay xilkiisa

    Rabbigu dumaddiina saarin?



    Maxaydun sidaas u yeeli

    Maxaydun u sibiq dhaqaaqi

    Maxaydun seeri dhaafi

    Muxuu suudhkiyo tayga

    Seetada dabarkiyo hoggaanka

    Iblaysku idiinku soohday.

    AllahaSaatiruRaxmaana ah

    U soo noqda waad gafteen e

    Salaamka u toobbad keena

    Sujuud dhiga oo ducaysta

    Sidaa iyo macasaalama

 


 


 

 

La soco qaybta lixaad haddii Eebbe idmo

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Siciid Maxamuud Gahayr



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO