Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Akhriska iyo Bulshada SOMALILAND,,,by abdirashid osman.

0
Sunday February 11, 2018 - 10:37:27 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriska iyo Bulshada SOMALILAND,,,by abdirashid osman.

    Akhriska iyo Bulshada SOMALILAND,,,by abdirashid osman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriska iyo Bulshada SOMALILAND,,,by abdirashid osman.
Dhamaan waxaan salaamayaa bulshada somaliland meel kasta oo ay joogto debed iyo gudaba ,waxaan kaloo salaamayaa bahda saxaafada qaybaheed kala duwan.

 
Muhimada akhrisku leeyahay iyo faaiidada ku jirta maaha mid lasoo koobi karo maqaal iyo labana laguma dhamayn karo ,waxaa kaloo ku lamaan akhriska qoraalka waayo marhadaan buugaag la qoraa jirin oo lasoo saaraa akhriskuna ma jirayo .
 
Umadaha hadaba wax akhriyaa way ka horeeyaan kuwa aan wax akhriyin taasi waa xaqiiqo jirta oo aan marnaba layska indha tiri karin waxaanad ka garan kartaa farqiga u dhexeeya xaga horumarka dowladaha huruumaray ee caalamka iyo kuwa loo yaqaano caalamka sadexaad ama marka la soo koobo (bari iyo galbeed).
 
Diraasaadka arimahaa laga sameeyaa waxay kugu ridayaan mararka qaar kood niyad jab aad u balaadhan marka aad ogaato farqiga u dhaxeeya fardiga ama shakhsiga u dhashay dowladaha reer galbeedka iyo ka u dhashay carabaha iyo caalamka sadexaad akhriskooda marka la saaro per centage,waxaa lagu qiyaasay sanadkii 2011inuu fardiga ama shakhsiga carabkii wax akhriyey in 6 daqiiqo u dhiganta waa isku celceline ,halka fardiga ama shakhsiga reer galbeedk u akhriyo sanadkii 12 000 daqiiqo,arintaasi runtii waxay cabsi wayn gelisay khuburada ku xeel dheer arimahaa oo buxuus badan iyo baadhitaano ka sameeyey.
 
Hadaba marka uu sidaayahay wax akhriska caalamku ee arinkaa aynu ku soo dhextuurno somaaliland halka ay kaga jirto waxaynu odhankaraa waa waxaan la sheegi karin ama laba malayn karin.
 
Waxaa xusid mudan inta aan la eegin wax akhriska umad in horta diirada la saaro mustawaha tacliimeed ee umadaa iyo shucuubtaasi gaadhsiisantahay ,waxaynu ogsoonahay marba haduu mustawaha jahligu bulsho ku badanyahay (dadka aan waxna akhriyin waxna qorin) in akhriskooduna yaraanayo hadaanu macduumba noqone ,halkaa waxaa inooga cadaanaya inaan percentage wax layaahaa uu bulshadaa noqon karo 0% wax akhriskoodu hadaanu hoosba ka siixigine.
 
SOMALILAND,waa wadan kamid wadanada caalamka sedexaad kuwa ugu hooseeya dhinac walba marka la eego xaga tanmiyada ama koboca dhinac walba haday tahay dhaqaale ,siyaasad,tacliinta iyo bulsho ahaanba inkastoo ay hadana muuqdaan calaamado ama astaamo bilow u noqonkaraa koboca arimahaa.
 
Xaga tacliinta hadaan soo qaato oo mowduuceenani ku saabsanyahay waxaa la odhan karaa way ku taagantahay dariiqii ama bilowgii dariiqa horumarka dhinacaa ,maanta bulshadeenu 70% waa dhalinyaro waana cududii dalka waa lagama maarmaan inay helaan tacliin hoose iyo mid sareba si ay uga qayb qaataan koboca arimahaa aan soo tilmaamay ,waxaa astaamahaa bilowgaa ka mida hiidadiilada ku gelinaya markaad aragto tirada dhalinyarada wax barata dugsi hoose ilaa heer jaamacadeed ,waxaa kaloo xusid mudan in jaamacado badan dalkii laga furay oo kala duwan.
 
intaa markaan ka duulo waxaan odhankaraa waxaa imankara bulsho mustaqbalka wax akhrida oo maskaxda ka kobocda horumarna gaadhsiisa dalkeeda iyo dadkeedaba.
 
Guntii iyo gabagabadii qoraaga somaliland iyo buugaagta ay soo saaraan waa fara kutiris wax la sheegana maaha inkastoo ay hadana dedaal muujiyaan noociyadooduna maaha kuwo ay ka muuqato kuwo ay faaiidoyin badani ku jiraan ama baahiyaha ka turjumi kara ,waxaynu ogsoonahay inay jiraan naadiyo badan oo lamagac baxay nadiyaasha akhriska waana dedaal runtii lakiin hadana waa kuwo u baahan in la cilmiyeeyooo latayeeyo aqoona lagu soo kordhiyo iyo baadhitaano .
 
waxaan ku soo gabagabaynayaa jumladan,,,BUUG AAN AKHRIYEY!!!!!!!!



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO