Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Waa Tuma Somaliland Se Maxaad ka taqaanaa Somaliland?

0
Sunday February 11, 2018 - 16:47:29 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Tuma Somaliland Se Maxaad ka taqaanaa Somaliland?

    Waa Tuma Somaliland Se Maxaad ka taqaanaa Somaliland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Tuma Somaliland Se Maxaad ka taqaanaa Somaliland?

Waa Tuma SomalilandSeMaxaadka taqaanaaSomaliland?

Hadaba akhriste hadii aadan aqoontaariikhda muga iyo miisaanka lehee Somaliland hada ayaad ka ogaanaysaa in badan.

Waxaad ku ogaanaysaa qormo-qoraaleedkaygan , oo aan qalinka ugu qaatay inaan baro dad badan,oo aan somalilnad ka war heyn martabadaha ay soo martay iyo meeqaamkeeda jiritaaneed. Waana fariin waa jib ku ah inuu ogaado qof kasta oo muwaadin ah.

Hadaba anoo "Fadxi Garaad Ciise”qormo-qoraaleedkaygan ayaan ku faah-faahinayaa somaliland waxay tahay iyo taariikhdeeda oo kooban intaan ka halabsado insha allah.

Somaliland waa dalkii maxmiyadda ahaa ee 26-kii juun 1960-kii gobonimadiisii ka qaatay, boqortooyadii midowday ee ingiriiska iyo waqooyiga Ayrland(United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland).

Waana dalkii la odhan jiray Maxmiyadda Somaliland kuna biiray somaliya1-dii julay 1960-kii si ay u wada curiyaan jamhuuriyadda somaliya (Somali Republic) ee kala soo noqotay gooni-isutaageeda, go’aankii shirkii beelaha Somaliland ee burco lagu qabtay27-kii April ilaa 15-kii May 1991-dii.

Waxaana gobonimadaasigacanteena ku jirtayaynu kal soo noqonay 1960-kii ingiriiska, Muddo dhan 4-cisho, Kadib inagoo gacanta si shuruud la’aan ah uga gelinay maamulkii somaliya isagoo uu hogaaminayay madaxweynihii , Aden Cabdulle Cismaan (Aden Cadde)

Kadib is-casilaadii madaxweynihii Aden Cadde waxaa xukun millateri Kula wareegay Xukunki,ikeligii taliskii Gen: Maxamed Siyaad Barre, sanadkii 1969kii.in badan ayaa dhageheena kusoo dhacaa siyaad barre hadaynu nahay dhalinyarada Somaliland waxaana markiiba maankaaga kusoo dhacaya falalkafool-xumada xambaarsan ee uu kula kacay dadkeene iyo dalkeena rejiimkii siyaad barre.

Af-gebigaas ka dib waxaa Somaliland mujtamaceedii iyo xuquudoodii dadnimo, uu kula kacay falal cunsurinimo iyo takri fal-ka dhan ah xuquuda dadnimo waxaanubillabay keli taliyhiiSiyaad Barre gumeysi hor leh,intaasi kadib Somaliland waxaa u bilaabantay taariikh madow.

Waxaana lagu dhawaaqay ururkii dhaq-dhaqaaqa hubaysn ahaa eehalganka dib u xoraynta gobolada waqooyi, EeSomali National Movement ‘SNM’ sanadii 1982-dii.

Halgan adag iyo waayo dagaal oo guulo iyo qasaaro bal ehoo aan halkan lagu soo koobi Karin kadib, ayna sabab u ahaayeen geesiyaashii naftood hurayaasha ahaa ee ka dhiidhiyey gumeyssigii aan geedka loogu soo gaban dadkeena.

Ugu dambeyna waa laga cidhibtiray dalka rejiimkii siyaad barre iyo daba-dhilifyadiisii.

Waxaanu halkaas ku noqonayaa sida waafaqsan dastuurka, dal madax-bannaan oo leh xaqa iyo karaamada qaran-nimadiisa, kuna magacaaban (Jamhuuriyadda Somaliland).

Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa uu fidsan-yahaybed (Area) ahaan dalkii la odhan jiray Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 8-degree ilaa 11-degree 30’ waqooyiga dhul badhaha iyo loolka (Longtitude)42-degree 45 ilaa49-degree bariga jasiiradaha biyaha goboleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebalayda (Continental Shelf).

Jamhuuriyada Somaliland waxay xad la wadaagtaa

Dhinaca waqooyi gacanka cadmeed, dhinaca bari somaliya, dhinaca koonfureed iyo dhinaca galbeed jamhuuriyadda federaalka ah ee itoobiya, dhinaca waqooyi galbeed jamhuuriyadda jabuuti.

Dhulka qaranku waa muqadas, waana laguma xad gud baan.

Magaalo madaxda jamhuuriyadda Somaliland waa hargeisa . qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana issirran dadkii deganaa dalka Somaliland 26-kii juun1960-kii iyo ka horba, waxaa loo aqoon-sanyahay muwaadin Somaliland.

Diinta qaranka Somaliland waa diinta‘’Islaam’’.waxaana geyiga Somaliland ka reeban faafinta diin aan ahayn diinta islaamka

Tirsiga taariikhda waxaa laga raacaa tan Islaamiga ah ee "Hijriyada”iyo tan miilaadiga ah.

Afka rasmiga ah ee Somalilandwaa "Af-soomaaliga” afka labaadnawaa Af-Carabiga.

Afafka kalena waxaa loo adeegsadaa wixii looga maarmi waayo. Beelaha dega Somaliland waa shan (5) beelood oo waawey waxayna kala yihiin:

Isaaq, Harti, Majeerteen, Gabooye, Ciise.

Waaxana soo maray Somaliland tan iyo markii ay gobonimadeeda kala soo laabatay somaliya, madax weynayaal kala duwan caddadkooda tiro waa, Shan (5) madax-weyne:

Cabdiraxmaan Axmed Cali,Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Daahir Riyaale Kaahin, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Muuse Biixi Cabdi, oo ah madax weynaha hada talada dalka haya.

Nidaamka siyaasadeed ee jamhuuriyada Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo wadaag, dimuqraadiyad, iyo nidaamka xisbiyada badan, Tiradaxisbiyada siyaasiga ah ee dalka Somaliland kama badnaan karaan sadex (3).

Hadaba Somaliland waxay baadi goob ay u fuushay geed dheer iyo mid gaabanb-ba

Ku raadinaysaa gobonimadii ay 1960-kii si’ shuruud la’aan ah uguwareejisay

Somaliya.

Waxaana si hagar la’aan ah loogu dedaalayaa dhammaan shacabka iyo xukuumadaha talada dalka u kal dambeeyaa sidii ictiraafkii Somaliland ka lumay dib loogu hanan lahaa waxaana baadi goobkaa lagu jiray muddo 27-sanadood ah.

Hadaba waxaan usoo jeedinayaa inaan akhristayaasha sharafta badan ahay aadane hilmaamkana aanu wadaagno hal waxaanan ka halabsaday intii karaankayga ah taariikhda miisaanka dhacdooyin iyo ma hadhooyin mudan in la xuso xambaarsan ee Somaliland.

W/Q:FadxiGaraadCiiseUk

Cont:aqoonyahanfadxi@gmail.comor+252634001631




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO